Coronavirus: "Geesiga" ka geeriyooday kubadda koleyga Soomaaliya

  • Mowliid Xaaji Cabdi
  • London
Bana Cali

Xigashada Sawirka, Facebook

Alle ha u naxariistee waxaa magaalada London ku geeriyoodey Bani Cabdalla Cali oo ka mid ahaa xiddigihii kubadda koleyga Soomaaliya. Wuxuu la xanuunsanaa fayraska Covid-19.

Baana ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay ku jiray Isbitaal ku yaal London isagoo ku jiray xaalad koomo ah sida ay BBC u sheegeen dad aad ugu dhawaa marxuumka.

Baana Cali wuxuu ku dhashay magaalada Baraawe, wuxuuna ku barbaaray magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu waxbarashada maadiga iyo diinta ku qaatay. Wuxuu markii dambe u wareegay dhanka ciyaaraha kubadda koleyga oo uu aad u jeclaa.

Dadka ugu tacsiyeynayay baraha bulshada waxay ku tilmaameen "Geesi u taagna horumarinta kubadda koleyga Soomaaliya, wixii ka dambeeyay burburkii".

Sannadkii 1986-dii ayuu ka mid noqday ciyaartooydii kubadda koleyga ee gobolka Banaadir, sidoo kalena u ciyaari jiray degmada Cabdulcasiis ee Muqdisho.

Xigashada Sawirka, Facebook

Qoraalka sawirka,

Ka dib burburkii Soomaaliya, Baana Cali wuxuu si wayn ugu lug lahaa qabanqaabinta iyo tababaridda dhallinyarada jeceyl kubadda koleyga.

Xiriirka ciyaaraha kubada koleyga Soomaaliya ayuu xilal kala duwan ka soo qabtay sida Gudoomiye kuxigeen oo uu noqday sannadkii 2007.

Sannadkii 2009, waxaa Baana Cali loo magacaabay xoghayaha xiriirka kubadda koleyga Soomaaliya, isagoo markii dambe noqday madaxa suuqgeynta iyo xiriirka dibadda ee kubadda koleyga Soomaaliya.

Cabdulqaadir Xaaji Daahir (Sheekha) oo ah tababaraha kooxda kubadda koleyga Soomaaliya mudo dheerna tababare u ahaa Baana Cabdalla Cali ayaa laanta Af-Soomaalia ee BBC-da u sheegay: "Runtii wuxuu ahaa shakhsi aad u naxariis badan, wuxuu ahaa shakhsi wax badan ka soo qabtay horumarinta ciyaaraha, gaar ahaan kubadda koleyga, wuxuu ahaa runtii nin si aad ah dadka u xiriiiriya jecelna mar walba in uu ka qayb qaato horumarinta sportiga".

Xigashada Sawirka, Facebook

Qoraalka sawirka,

Bana Cali wuxuu kaalin ku lahaa qabanqaabinta kulmada Soomaaliya ee caalamka ay u aadeyso kubadda koleyga.

Marxuum Baana Cabdalla Cali marka laga soo tago hawlaha ciyaaraha, wuxuu ka shaqeyn jiray Adeega Gaadiidka London gaar ahaan tareenada.

Marxuumka wuxuu ifka uga tagay xaas iyo afar caruur ah oo kala ah 3 wiil iyo gabar.

Xigashada Sawirka, Facebook

Qoraalka sawirka,

Bana Cali iyo ciyaaryahanka ugu orodka dheer dunida Usain Bolt

Xigashada Sawirka, Facebook

Qoraalka sawirka,

Wuxuu sahaadada koobaad ee jaamacadda ee BEng ka qaatay jaamacad ku taalla London sannadkii 1997-dii.