Qofkii ugu horreeyay oo coronavirus ugu dhintay Somaliland

.

Somaliland ayaa maanta xaqiijisay qofkii u horeeyay ee u dhinta xanuunka CoronaVirus, ruuxa xanuunkan u dhintay oo ahaa wiil dhalin yaro ah ayaa waxa uu ka mid ahaa dad dhawaan ay wasaarada caafimaadku dheecaanadooda u dirtay dalka dibadooda.

Iyada oo wali la sugayo natiijadii ayuu ruuxani shalay ugu dhintay xanuunka magaalada Borama.

Waxaa xusid mudan in qofkani aanu dalka ka bixin oo uu xanuunku ku haleelay dalka dhexdiisa.

Wasiirka caafimaadka Somaliland Cumar Cali oo isagu warbaahinta u xaqiijiyay in geerida qofkan uu sababay xanuunka Coronavirus ayaa dhanka kale sheegay inay heleen saddex kiis oo cusub oo iyaguna ka mid ah dadka ay dheecanadooda dalka dibadiisa u direen.

Tirada guud ee dadka uu xanuunkani haleelay ayaa waxa ay noqonaysaa 9 qof, oo saddex kamid ahi ka bogsadeen midina u udhintay.

Dadka ilaa hadda xanuunku hayo ayaa sidaa ku noqonaya 5 qof.