Joe Biden oo beeniyay inuu haweeney jirkeeda ku xadgudbay

Joe Biden in Iowa, 10 August 2019

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka,

The former vice-president is running against Donald Trump

Musharraxa xilka madaxweynaha ee xisbiga dimuqraaddiga Mareykanka Joe Biden ayaa si adag u dafiray eedeyn ku saabsan inuu weerar xaga jinsiga ah u geystay haweeney xoghaye xafiis u ahayd oo lagu magacaabo Tara Reade, muddo 30 sano ka hor ah.

"Waxaan si hubaal ah u leeyahay: arrintaas waligeed ma dhicin," ayuu yiri isagoo ka hadlayay wareysi uu telefishin siiyay maanta oo Jimce ah.

Wuxuu codsaday in keydka macluumaadka ee Aqalka Senate-ka laga baaro wax warqado ah oo ku saabsan cabasho ay gudbisay Ms Reade, xilliga la sheegayo.

Ms Reade ayaa dacwad dambiyeed oo dhacdadaas la sheegay ku saabsan booliska u gudbisay bishii lasoo dhaafay.

Waxay sheegtay inay dhibane u noqotay weerar xadgudub dhinaca jirka ah, laakiin ma aysan magacaabin Mr Biden.

Cabashada ay booliska u gudbisay ujeeddadeeda ayey ku tilmaamnay mid hubinta amnigeeda ah kaliya, maadaama sheegashadeeda uu ka dhacay waqtigii la diiwaan galin lahaa si tallaabo loo qaado.

Xigashada Sawirka, Scott Olson

Qoraalka sawirka,

Eedeymahan ayaa adkeyn kara howsha la xiriirta qofkii xisbiga dhexdiisa madaxweyne ku xigeen uga noqon lahaa Mr Biden, gaar ahaan xulashada dumarka

Mr Biden ayaa doorashada xilka madaxweynaha kula loollami doona Donald Trump oo ka socda xisbiga Jamhuuriga, haddana jada haya.

Trump qudhiisa ayaa horay loogu eedeeyay inuu xadgudubyo dhinaca jirka ah u geystay ilaa 25 haween ah.

Maxay yihiin eedeymaha Reade?

Waxay haweeneydan xoghaye xafiis u ahayd Mr Biden, intii u dhaxeysay sanadihii 1992-kii ilaa 1993-kii, xilligaasoo uu Senator u ahaa gobolka Delaware ee dalka Mareykanka.

Ms Reade, oo hadda 56 jir ah ayaa sheegtay in 1993-kii uu siyaasigan si khasab ah darbi ugu nabay iyagoo ku sugnaa hoolka dhismaha Congress-ka, kaddibna uu kula dhaqaaqay falal kufsi la xiriira.

"Waxaan xasuustaa isagoo ficilladaas igu sameynaya oo i dhahaya 'ma dooneysaa inaad meel kale aaddo?' markii aan iska fujiyay kaddibna wuxuu dhahay, naga dhaaf, waan maqlay inaad iga heshay." sidaas ayey ku tiri wareysi ay bixisay bishii March. Waxay sheegtay in jumladdaas ay waligeed xasuusneyd.

Muxuu yiri Biden?

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Lucy Flores is one of several woman who has accused Biden of of inappropriate behaviour

Wareysiga uu maanta oo Jimce ah bixiyay, ayuu madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka ku inkiray jiritaanka ficil kufsi la xiriira oo uu ku sameeyay Tara Reade.

"Ma aha wax dhacay. Marnaba," ayuu yiri.

Wariyaha wareysanayay ayaa Mr Biden ku celiyay su'aal, isagoo xasuusinaya hadal uu horay u sheegay oo ahaa in dumarka la rumeysto marka ay soo bandhigaan sheekooyinka la xiriira kufsi loo geystay.

Sanadkii 2018-kii, markii ninka hadda garsooraha ka ah maxkamadda ugu sarreysa Mareykanka, Brett Kavanaugh , lagu eedeeyay ficil xad-gudub jinsiyeed ah oo ay sheegatay Christine Blasey Ford, Mr Biden iyo siyaasiyiin kale oo ka tirsan Dimuqraaddiga waxay garab istaageen haweeneydaas, waxayna ku adkeysteen in la dhageysto.

"Dumarka ma in la rumeystaa haddiiba aysan adiga ku eedeyneynin?" ayuu yiri wariyaha wareysiga ka qaadayay Mr Biden.

"Haweenka waa in la rumeysto iyadoo la eegayo shakiga muuqda, laakiin haddana waa in la fiiriyo xaaladaha lagu jiro iyo sababaha xaqiiqda ah," ayuu yiri Biden.