Ka hortagga cudurka corona: Waardiye loo dilay 'maxaad gafuurka daboola ii tiri'

Calvin Munerlyn waxaa la toogtay Jimcihii

Xigashada Sawirka, GoFundMe

Qoraalka sawirka,

Calvin Munerlyn waxaa la toogtay Jimcihii

Haweeney, seygeeda iyo wiil ay dhashay ayaa dacwad lagu soo ogay kaddib markii ay dileen waardiye gabadhooda u diiday inay gasho dukaan ku yaalla dalka Mareykanka maadama aysan afka iyo sanka xiran.

Waardiyaha oo la oran jiran jiray Calvin Munerlyn waxaa Jimcihii laga toogtay dhabarka xilli uu ku sugnaa dukaan ku yaalla gobolka Michigan, waana goobta uu sida ba'an u saameeyay safmarka Covid-19.

Waxaana la weeraray kaddib markii gabar ay dhashay haweeney la yiraahdo Sharmel Teague oo 45 jir ah ay tegtay dukaanka iyadoo aysan xiran afka iyo sanka sida dowladda ay amartay shacabka si looga hortaggo cudurka Covid-19.

Haweeneyda seygeeda Larry Teague, oo 44 jir ah iyo wiilkeeda Ramonyea Bishop oo 23 jir ah ayaa lagu eedeeyay inay weerar ku qaadeen waardiyaha.

Sharmel Teague ayaa xabsiga loo taxaabay halka labo qof oo laga shakisan weli aanan la xirin, waxaana saddexda qof lagu eedeeyay inay ku kaceen falal dil ah iyo inay adeegsadeen hub.

Larry Teague waxaa loo heystaa inay jebisay amarka kasoo baxay xafiiska barasaabka gobolka ee ah in dadka marka ay dukaameysanayaan ay afka iyo sanka dabooshaan si looga hortaggo fiditaanka cudurka, halka gabadheeda aanan lagu soo ogin wax dacwad ah.

Xigashada Sawirka, Genesee County Prosecutor’s Office

Qoraalka sawirka,

Larry Teague (Bidix), Sharmel Teague (Dhexda) iyo Ramonyea Bishop (Midig) waxay lagu soo oogay falal dil ah

Dacwad oogaha degmada Genesee ee gobolka Michigan David Leyton ayaa shir ja'raaid ka sheegay in Sharmel Teague ay ku qeylisay waardiyaha ka hor inta aysan baabuur raacin.

Balse ay dib ugu soo laabtay goobta iyado uu la socdo wiilkeeda iyo seygeeda xilli uu isku dhac dhexmaray iyaga iyo waardiyaha, sida ay sheegeen saraakiisha.

Dacwad oogaha wuxuu weriyeyaasha u sheegay "Geerida Calvin Munerlyn waa mid masiibo ah oo gurucan kuwo ka dambeeyana waxay wajahi doonaan sharciga"

Hooyada dhashay waardiyaha Bernadett waxay wakaaladda wararka ee AP u sheegtay in wiilkeeda uu hayay shaqadii loo igmaday markii la dilayay.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa loo ogolaaday inay gudaha galaan kaddib markii la baaray heerkulkooda

Barnaamij tabarucaad ah oo dhanka Online-ka lagu sameeyay ayaa loogu uruuriyay $100,000 si qoyska looga caawiyo duugta, wuxuu ka tegay 8 carruur ah.

Barasaabka gobolka Michigan Gretchen Whitmer wuxuu ku amray shacabka ku nool gobolkaas inay afka iyo sanka xirtaan marka ay ku sugan yihiin xarumaha ganacsiga si looga hortaggo cudurka Covid-19, waxaana bakhaarada lagu amray in aysan u adeegin qof kasta oo aan u hogaansamin sharcigaas.

Isniniitii tirada kiisaska la xaqiijiyay ee cudurka Korona gudaha gobolka Michigan waxay gaareen 43,950 halka dhimashadu ay gaartay 4,135, sida ay sheegeen saraakiisha.

Toddobaadkii lasoo dhaafay, dibadbaxayaal hubaysan oo ka soo horjeeday xayiraadaha coronavirus ee maamulka gobolka Michigan ayaa waxa ay isugu soo baxeen madaxtooyada gobolka.

Gobollo badan oo Mareykan ah - oo ay ku jiraan Georgia, Oklahoma iyo South Carolina - ayaa waxa ay qaadeen tallaabooyin lagu khafiifinaayo xaddidaaha fayraska ku yimid.