Corona Fayras: Ma la socotaa in unugyada difaaca jirkaaga weerarkooda aad u dhiman karto?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Qaabka ugu habboon ee ay dhakhaatiirta u daweeyaan khaladka weerarka jirka dhexdiisa ka dhaca waa inay qabtaan marka uu billowga yahay

Marka uu difaaca jirkeenna isku baheysto inuu la dagaallamo waxyaabo jirka soo weeraray, waxaa dhici karta inuu si xad-dhaaf ah u dagaal galo oo uu dhimasho sababo. Haddaba maxay sidaas u dhacdaa, sideese lagu joojin karaa?

Xilli ay bukaannada qaba xanuunka Covid-19 buux dhaafiyeen isbitaallada caalamka, dadka dhibaatada ugu weyn qaba, ayna u badan tahay inay geeriyoodaan waa kuwa uu difaaca jirkooda u falceiyo si khaldan.

Unugyada difaaca jirka waxay sidii fatahaadda ugu yaacaan sambabbada, iyagoo weeraraya, halkii laga doonayay inay ka difaacaan waxyeellada. Kaddib waxaa furma xididdada dhiigga wada, dhiiga qudhiisana wuxuu noqdaa xinjiro fadhiya.

Marka ay sidaas dhacdo waxaa meesha ka baxaya cadaadiskii dhiigga, qeybo badan oo jirka ka mid ahna way shaqo gabayaan.

Xaaladaha noocaasoo kale ah marka ay jiraan, dhakhaatiirta iyo seynisyahannada waxay aaminsan yihiin in difaaca jirka uu ka badbadiyay howshiisii ilaalinta qofka ahayd - sidaas awgeedna isaga ayaa dhibaato keenaya halkii uu caawinaad sameyn lahaa.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Marka uu socdo weerarka unugyada difaaca, way adagtahay inuu dib u dago

Sida caadiga ah, marka uu jirka bani'aadanka soo galo jeermis, unugyada difaaca ayaa weerara jeermiskaas kaddib marka uu ka adkaadana dib ayuu u laabtaa.

Laakiin mararka qaar, unugyadaas isu baheystay, una hubeysan weerarka lagu difaacayo jirka waxay howshoodu noqon kartaa mid xadkeedii ka gudubta, waxayna isu baddalaan kuwo toos u waxyeelleynaya jirka.

Inkastoo ay jiraan baaritaanno iyo dawooyin wax looga qaban karo arrintaas, si dhakhso ah looma hubo tirada dadka qaba Covid-19 ee ay dilayaan unugyada difaaca jirkooda.

Weerarradan xad-dhaafka noqda ee difaaca jirka ayaa u dhaca siyaabo kala duwan oo aysan sahlaneyn in deg deg loo fahmo. Khubarada caafimaadka ayaa xaaladdan ku qeexay duufaan ka dhex dhacda jirka gudihiisa.

Maxay seynisyahannada ka ogyihiin duufaantan iyo doorka ay ku leedahay dhimashada Covid-19?

Marka ay howsha difaaca jirka isku baddasho duufaan waxyeello ah, waxaa laga yaabaa in unugyada difaaca ay awood u yeelan waayaan sidii ay mar kale u xakameyn lahaayeen xaaladdaas.

Waxay unugyada weynayaan isu socodkii dhiigga ee ka caawin lahaa shaqada, maadaama dhiigga uu fariisanayo.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Coronavirus wuxuu sababi karaa inuu jahwareeriyo habka difaaca jirka

Inta badan bukaannada uu difaaca jirkooda noqdo duufaan dhimasho keeni karta, ku dhawaad kalabar ka mid ah waxaa ka muuqan karaan calaamado ku saabsan xanuunnada neerfaha, sida madax xanuun iyo inay xitaa koomo gali karaan, sida uu sheegay Randy Cron, oo ah khabiir ku takhasusay cilmiga difaaca jirka ban'aadanka, kana tirsan jaamacadda Alabama ee magaalada Birmingham.

"Waxaa laga yaabaa in dadka noocaas ah ay u xanuunsadaan si ka daran sidii aad fileysay", ayuu yiri.

"Dhakhaatiirta ayaa hadda soo fahmaya kaliya sida ay ku imaadaan iyo sida loo daweeyo jahwareerka ku dhaca habdhiska difaaca jirka oo loo yaqaanno " cytokine storms", ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Wararkii ugu horreeyay ee bishaamiyay in xanuunka daran ee uu sababo Covid-19 ay qeyb ka tahay duufaanta ka dhalata unugyada difaaca jirka wuxuu kasoo baxay isbitaallo ku yaalla dalka Shiinaha.

Waxay u muuqataa in dhibaatadaas ay la billaabato islamarka uu fayraska galo jirka, sida uu sheegay Randy Cron.

Ma aha markii ugu horreysay ee "cytokine storm" lala xiriiriyo cudur safmar ah;. Seynisyahannada ayaa tuhunsan in dhibaatadan ka dhalata weerarka difaaca jirka ay sabab u ahayd cudurkii dunida halakeeyay sanadkii 1018-kii ee lagu magacaabay Spanish-Flu iyo cudurkii dillaacay sanadkii 2003-dii, oo loo yaqaanno Sars.