Corona virus: Tanzaaniya oo Dawo dhaqameed ku tijaabinaysa Corona

Wasiirka arrimaha dibadda Tanzaniya Paramagamba (Midig ) oo tijaabinaya daawa dhireed laga keenay Madagascar

Xigashada Sawirka, EXTERNAL MINISTRY, TANZAN

Qoraalka sawirka,

Wasiirka arrimaha dibadda Tanzaniya Paramagamba (Midig ) oo tijaabinaya daawa dhireed laga keenay Madagascar

Dowladda Tanzaniya ayaa sheegtay inay baaritaano dheeraad ah iyo tijaabooyiin ay ku sameynayso daawo dhaqameed dalkaasi uu ka soo dhoofsaday taasi oo ay dadka qaar rumeysan yihiin inay ka hortago iyo dawo u tahay cudurka Corna.

Wasiirka arrimaha dibadda Tanzaniya Pro Paramagamba ayaa sheegay in daawadan ka hor inta aan la isticmaalin cilmi-baarid dheer lagu sameyn doono.

Madaxa xarunta cilmibaarista cudurada Prof Yunus Mgaya ayaa dhankiisa sheegay in daawadan ay mari doonto baaritaan lagu sameynayo oo dhanka sheybaarka ah si go'aan looga gaaro waxtarkeeda.

Wasiirka arrimaha dibadda Tanzaniya Prof Paramagamba Kabudi oo isagu u aaday dalka Madagascar si uu daawadan uga soo qaado ayaa sheegay: '' daawadan kama aan soo qaaday qof sixiroole ah ''.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in daawadan loo keenay Tanzaaniya si cilmibaarid loogu sameeyay islamarkana aysan dowladda u qeybin doonin dadka reer Tanzaniya.

Xigashada Sawirka, MINISTRY OF FOREIGN AFFAIRS OF TANZANIA / TWITTER

Qoraalka sawirka,

Prof. Paramagamba Kabudi

Maxay ka tiri wasaarada caafimaadka ee Tanzaniya?

Wasiirka caafimaadka ee dalka Tanzaniya, Ummy Master ayaa ugu baaqday shacabka Tanzaniya in aysan walaacin ka dib markii xukuumada Tanzaniya ay ka aamusneyd muddo toddobaad ah oo aysan macluumaad ka bixin heerka cudurka Covid-19 ee Tanzaniya.

Mrs Ummy ayaa sheegtay in ka aamusnaanta dowladda ee heerka cudurka ay ahayd mid ka dhalatay shaqo laga qabanayay sheybaarka qaranka.

Wasiirka caafiamadka ayaa sidoo kale ugu baaqday shacabka inay ka digtoonaadaan cudurka islamarkana uu cudurka Covid-19 dalka ka jiro uuna bilooyiin sii socon doono.

Markii ugu dambeysay ee ay dowladda Tanzaniya war ka soo saarto cudurka Corona ayaa ahayd toddobaadkii aanu soo dhaafnay markaasi oo ay sheegtay 480 in laga helay cudurka.

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka,

Madaxwaynaha Tanzaniya Magufuli

Muxuu ka yiri madaxwayne Magufuli?

Madaxweynaha Tanzania, John Magufuli, ayaa horey u sheegay inuu dawo dhireed la sheegay inay daweyso cudurka Covid-19 uu ka soo dhoofsan doono dalka Madagascar.

Hasa yeeshee Hay'adda caafimaadka adduunka ayaa haseyeeshee sheegtay in ilaa iyo hadda aan la helin dawo lagu dabiibo fayraska.

"Wadahadal ayaa inoo socdo Madagascar, waxay ii soo direen warqad ay ku leeyihiin dawo ayaan u henay coronavirus. Waxaan direynaa diyaarad inoo keenta dawadaasi si ay Tanzania uga faa'iideysato. Dowladdu habene iyo maalinba way shaqeyneysaa", ayuu yiri Magafuli.

Ma aha madaxweynihii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee tallaabadan qaada, waxaana dalabkan uga horreeyay hogaamiyayaasha Jamhuuriyadda Congo iyo Guinea Bissau. Hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa uga digtay dadweynaha isticmaalka dawooyin aan la hubin.

Madaxweyne Magufuli oo si toos ah shacabkiisa ugala hadlayay telefishinka ayaa dhanka kale shaki geliyay kalsoonida lagu qabi karo qalabka lagu baaro cudurka Covid-19.

Waxa uu sheegay in dheecaanno laga qaaday shimbir, ri' iyo khudrad loo diray sheybaarka Corona, balse dhammaantood la sheegay inay qabaan fayraska.

Magafuli ayaa shacabkiisa ugu baaqay inaysan cabsanin oo ay hawlahoodii cadiga ahaa iska wataan.