Akshay Kumar oo ah jilaaga keliya ee hindiya ee galay liiska dadka ugu mushaar badan dunida

Warar ayaa sheegaya in Akshay Kumar uu dalabaad ka helay dhinaca shirkadda filimada Mareykanka ee Hollywood-ka

Xigashada Sawirka, Hindustan Times

Qoraalka sawirka,

Warar ayaa sheegaya in Akshay Kumar uu dalabaad ka helay dhinaca shirkadda filimada Mareykanka ee Hollywood-ka

Jilaaga shirkadda filimada Bollywood-ka dalka Hindiya ee caanka ah, Akshay Kumar ayaa mar kale kasoo muuqday liis aysan ku jirin dhammaan jilayaasha kale ee ay isku waddanka kasoo jeedaan.

Kumar, oo 52 jir ah, ayaa noqday qofka kaliya ee Hindiya u dhashay oo kasoo muuqday liiska dadka caanka ah ee ugu mushaarka badan caalamka, kaasoo uu sannadkan soo wargeyska arrimaha ganacsiga ka faallooda ee lagu magacaabo Forbes.

Atoorahan ayaa horay mar kasta safka hore uga jiray isbarbardhigga lagu sameeyo jilayaasha, dadka maalqabeennada ah iyo kuwa saameynta ku dhex leh bulshada.

Liiska Forbes, oo ay ku jiraan dad badan oo caalamka magac ku leh ayuu Akshay uga jiraa lambarka da'diisa lamidka ah ee 52-aad.

Marlka laga soo tago inuu jilayaasha kale ee reer Hindiya ku matalayo liiskan, wuxuu xitaa booska ka baxsaday jilayaasha shirkadda Hollywood-ka ee lagu kala magacaabo Will Smith iyo Jennifer Lopez, iyo sidoo kale fannaanadda Rihanna. Wuxuu sannadkan kasbaday lacag dhan 48.5 milyan oo doolar, sida lagu xusay xog ay shaaciyeen qaar ka mid ah warbaahinta Hindiya.

Xigashada Sawirka, Akshay Kumar/Facebook

Akshay ayaa lacagaha ka sameeya qandaraaska jilista filimada iyo ganacsiyo gaar ah oo uu leeyahay, kuwaasoo uu ka mid yahay website bandhigyada lagu shaaciyo oo lagu magacaabo "The End".

Dhawaan wuxuu lacag ku daray barnaamijka uu Ra'iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, ugu talagalay in lagu caawiyo dadka waddankaas u dhashay ee ay saameynta ku yeelatay dhaqaale xumada uu sababay xanuunka Covid-19.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka ayuu ku yiri: "Waxaa la joogaa waqtigii aan daneyn lahayn nolosha dadkeenna. Waxaa nalooga baahan yahay inaan sameyno wax kasta oo karaankeenna ah. Anigu waxaan ku yaboohay lacag dhan Rs 25 crores(oo u dhiganta in ka badan $3 milyan oo doolar), oo aan kasoo saaray lacagtii dhigaalka ii ahayd, waxaana ku darayaa sanduuqa uu Ra'iisul Wasaare Modi sameeyay."

Warar ay isla dhex marayaan warbaahinta dalka Hindiya ayaa sheegaya in Akshay Kumar ay shaqooyin usoo bandhigtay shirkadda ugu weyn sameynta filimada caalamka ee Hollywood, oo laga leeyahay dalka Mareykanka.

Filim soo saareyaasha Hollywood-ka ayaa lagu soo warramay inay hadda tartan ugu jiraan sidii uu Akshay uga soo muuqan lahaa filimadooda.

Akshay wuxuu ka mid yahay atooreyaasha guulaha ugu waaweyn kasoo hoyiyay shirkadda filimada Bollywood-ka. 113 filim oo uu jilay ayey 52 soo saareen dhaqaale badan.