Dilkii George Floyd : Waxa igu kalifay in aanan daawan muuqaalka

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Caro ballaaran ayaa ka dhalatay tan iyo intii uu baraha bulshada ku baahay muuqaalkii muujinayay qaabka arxan darrada ah ee ay boolika u dileen George Floyd, kaasi oo la arkayay iyadoo askari boolis ah uu luqunta jilibka kaga hayo ninka madowga ah ka hor inta uusan geeriyoon.

Laëtitia Kandolo, waa 28 sano jir ku dhalatay magaalada Paris oo ah haweeney madow ah, taasi oo ay qoyskeeda ka soo jeedaan Jamhuuriyadda Dimuqradiga ah ee Congo. Waxay dhibaato ka martay iney daawato muuqaalka muujinayay dilka Georeg Floyd. Waxayna ka sheekeyneysaa sababta ku kaliftay ineysan daawan muuqaalka muujinyay dilka George Floyd.

Anigoo ah haweeneey madaw waxaan go'aansaday in aanu markaan daawanin muuqaalka.

Maskax ahaan iyo jir ahaan bay ii saameyneysaa inaan daawado nin madow ah oo aan hubaysnayn, dhimanayana isagoo weliba sababsaday gacanta boolis kale oo caddaan ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

George Floyd waxaa la maqlayay isagoo ku oynaya " Ma neefsan kara"

Waxaan u maleynayaa in qofkasta oo daawanaya muuqaladan ay ka dhaxlayaan walwal iyo murugo, balse waxaa ay aad u sii taabaneysaa waliba qof madow oo aniga kale ah. Xaqiiqatan sawiradan waxay qofka u horseedi karaan murugu iyo dhibaatooyin dhanka maskaxda ah.

Markii aan la hadlay Nia Dumas,oo ah 20 sano jir madow ah oo ku nool Mareykanka, waxay ii sheegtay in ay oohinta kala joojin la'dahay kaddib markii ay daawatay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee nolosha George Floyd.

''Tan iyo marki aan daawaday muuqaalka waxaan arkay anigoo mararka qaar ooynayaa ilaa afar jeer maalintii,'' waxay ahayd murugu aan la soo koobi karin.

Nia waxay ku nooshahay Cleveland, Ohio halkaas oo ka dhaceen rabshada badan. Waxay ku soo barbaartay sawirrada dadka madow ee la dilay taasi ayaan sabatay iney murugada la daristo.

''Haddii uusan George Floyd ahayn waa qof kale oo madow ah.'' ayay tiri.

Aniga shaksiyan muuqaalkan waxuu i xusuusiyay markii Trayvon Martin la dilayay. 11 sano jir meelahaas ayaan ahaa. Xaqiiqatan ma ahan wax laga sheekayn karo intii aan usoo taagnaa dhacdooyinka argagaxa leh ee lagula kaco bulshada madow ee reer Mareykan. ''Waan ka daalay''.

Xigashada Sawirka, NIA DUMAS

Qoraalka sawirka,

Nia waa arday jaamacadeed oo ku nool Ohio

Trayvon Martin waxa uu ahaa 17 jir madow ah oo aan hubeysnayn, waxa uu nin waardiye ah ku toogtay Florida. Balse sannadkii 2012-kii ayaa la fasaxay ninkii dilay, kaddib markii uu ku andacooday inuu nafsadiisa difaacayay.

'Waan niyad Jabay'

Tan iyo markaa wixii ka dambeeyay waxaaa la dilay madow badan oo aan waxba galabsan, waxaa ka mid ahaa Ahmaud Arbery oo muuqaalkii muujinayay dilkiisa, dad badan cabsi ku abuuray.

Ilaa haatan weli kamaan caafimaadin naxdintii aan ka qaaday daawashada muuqaalka Ahmaud Arbery marka sidaa darteed waxaa haatan ii muuqata dhacda tii hore ka sii daran mana ku dhiirran karin inaan daawado.

'Tani waa xaqiida aanu ku nool-nahay'

"Kaddib dhibaato iyo cabsi badan, muddo kaddib waxaan daawaday muuqaalkii, runtii waxa uu ahaa qof caawin u baahan laakiinse nasiib darro ma uusan helin oo silicii ayuu ku dhintay George.''

Xigashada Sawirka, LAETITIA KANDOLO

Qoraalka sawirka,

Laëtitia Kandolo

''Waa inaanu raadinaa waddo lagu joojiyo midab takoorka,'' ayay tiri Laëtitia

Laëtitia, sideed iyo toban jirkeedii waxa ay la sheekeysatay aabeheed, waxay dooneysay iney ku biirto iskuul lagu barto faashinka.

''Waxa uu igu yiri, waxaa tahay qof madow ah, qof madowna waa uu ku dhibtoonayaa inuu ka qeyb qaato faashiyoonka, waxaad u baahaneysaa inaad aad u dadaasho oo la timaaddo dadaalka ka badan midka ay sameeynayaan dadka caddaanka ah.' Waa niyad jabay kaddibna waan ooyay.

Marka dadka madow ee ku sugan daafaha dunida waxaan u sheegayaa in midab-takoorka uu meel-kasto ka jiro loona baahan-yahay in si wadajir ah loo wajaho.