New Zealand: Noloshii oo caadi ku soo noqotay xayiraaddii ka dib

Ra'isal wasaare Jacinda Ardern oo goob ay booqatay qof shacab ah ku salaamaysa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Ra'isal wasaare Jacinda Ardern oo goob ay booqatay qof shacab ah ku salaamaysa

Shaqooyinka, ciyaaraha iyo goobaha cunnada ayaa dib u furmay ka dib markii ay New Zealand shaacisay inuu ka dhammaaday Fayraska Korona, isla markaana ay qaaday dhammaan xayiraadaha dalkaasi saarnaa.

Ra'iisal wasaare Jacinda Ardern ayaa shaacisay inay "qoob ka ciyaar" sameysay si ay u debaaldegto markii uu dalkeeda New Zealand shaaciyay inuu soo afjaray Fayraska Korona ee adduunka hareeyay.

Dalkaasi ayaa qaaday inta badan xayiraadihii shacabka saarnaa kadib markii muddo laba todobaad ka badan aan la soo sheegin kiisas cusub.

New Zealand ayaa 25-kii March gebi ahaanba dalkeeda xirtay, waxaana albaabada loo laabay ganacsiyada, goobaha waxbarashada, dadkuna waxaa lagu amray inay guryaha joogaan.

Dalkaasi ayaa cudurka kaga guulaystay muddo ka yar 50 cisho, waxaana uu hadda kusoo laabtay noolashii caadiga ahayd.

Waxaa se weli xiran xuduudaha dalkaasi oo aanay geli karin ajaabiinta, balse waxaa meesha laga saaray kala fogaanshaha bulshada iyo xadidaada kulamada dadweynaha.

Yoolka dowladda ee hadda ayaa ah inay kobciso dalxiiska gudaha, ayna dib usoo celiso dhaqaalaha ku liicay xayiraadaha dalkaasi saarnaa.

Hadaba aan eegno sida ay noolasha caadi ugu soo noqotay 48-dii saac ee ugu horreeyay markii bandowga laga qaaday dalkaasi.

Kubadda laliska oo ay shacabku ku dheelayaan xeebta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

.

Kadib bandow muddo socday, dadka saaxiibbada ah ayaa markale ku kulmay inay kubadda laliska-xeebeedka ku dheelaan magaalada Cambridge ee ku taal Jasiiradda North ee dalkaasi New Zealand.

Waxaa se weli ay xayiraad adag saaran tahay xuduudaha dalkaasi, iyadoo 14-cisho si qasab ah lagu karantiilayo muwaadiniinta ka soo noqonaya dibedda.

Shacabka New Zealand ayaa sidoo kale laga codsaday inay diiwaangeliyaan dhaq-dhaqaaqooda, si looga warqabo dadka ay la kulmeen haddii uu markale dillaaco cudurka.

Dhoofinta khudradda oo loo diyaar garoobayo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

.

Ra'iisal wasaare Ardern ayaa la kulantay shaqaalaha khudradda kiwi iyo avocado ee magaalada Tauranga ee ka tirsan jasiiradda North. Qaadidada xayiraadaha saarnaa dalkaasi ayaa caadi kusoo celisay ganacsiga oo uu kamid yahay midka alaabaha dibedda loo dhoofiyo.

Dhismaha

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

.

Shaqaalaha dhismaha ee Auckland, oo kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn New Zealand ayaa iyaguna dib u billaabay hawlahoodii.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

.

Qaar kamid ah shaqaalaha ayay u suuragashay inay wada fariistaan oo ku qaxweeyaan meel bannaan ah.

Isboortiga oo dib u bilowday

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

.

Kadib saddex bilood oo ay hakad ku jireen tartannada rugby-ga ee dalkaasi caanka ku yahay, ayaa ciyaartooyda waxa ay billaabeen inay u diyaargaroobaan kulamada dhici doona Sabtida iyo Axada. Garoomada ayaa dib u furmi doona, taageerayaashuna waxaa u suurageli doonta inay si toos ah u daawadaan.

Maanta oo Sabti ahna waxaa billaabanaya tartanka Super Rugby Aotearoa, oo muddo 10 isbuuc ah ay ku hardami doonaan shanta naadi ee ugu weyn rugby-ga New Zealand. Waxa uu noqonayaa tartankii ugu weynaa ee caalami ah ee dunida ka dhaca tan iyo intii uu dillaacay cudurka Covid-19.

Gaadiidka dadweynaha

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

.

Basaska dadweynuhu raacaan ayaa hadda si caadi ah uga hawgala New Zealand, sawirkanna waxa uu muujinayaa dad bas raacaya 9-kii June.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

.

xayiraadaha waxa sidoo kale laga qaaday gaadiidka badda ee dalkaas, oo waxay dad badan oo rakaab ahi adeegsadeen doonyaha shirkadda East by West, sida ka muuqata sawirkan laga qaaday magaalada Wellington ee caasimadda New Zealand.

Goobihii la jeclaa ee nasashada oo dadku ku laabteen!

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

.

Waxay dadku helaan fursado ay dibadda ugu tamashle tagi karaan. Shacabku waxay ku xoomeen xeebaha oo ay dabbal iyo tamashle u tagaan.