Sushant Singh Rajput: Atoorihii isdilay ma wuxuu qorsheynayay inuu xaas yeesho?

.

Xigashada Sawirka, India.com

Maalin kaddib markii uu dhintay jilaagii reer Hindiya ee lagu magacaabi jiray Sushant Singh Rajput, waxaa soo baxay warar ku saabsan noloshiisa oo la iskula wadaago warbaahinta iyo baraha bulshada.

Atoorahan laguma jecleyn oo kaliya xirfaddiisa dhinaca jilitaanka balse waxaa sidoo kale lagu jeclaa dabeecaddiisa, saaxiibtinnimadiisa iyo xiriirrada uu la lahaa dadka.

Geerida Sushant waxay naxdin ku abuurtay guud ahaan dalka Hindiya iyo dadka ku xiran shirkadda filimada Bollywoowd-ka ee ku kala nool caalamka.

In muddo ahba waxaa si gaar ah loo hadal hayay xiriirkiisa dhinaca lammaanaha, inkastoo uusan wali guursanin.

Waayadii ugu dambeeyay waxaa la isla dhex marayay inuu xiriir qarsoodi ah la wadaago atariishada lagu magacaabo Rhea Chakraborty. Balse labadooduba si rasmi ah uma aysan shaacinin inay xiriir leeyihiin, inkastoo ay jirtay xan ku saabsan inay qorsheynayeen guur.

Qaar ka mid ah warbaahinta ugu waaweyn dalka Hindiya ayaa tabinaya sheekooyinkan.

Nin ay ilmo-adeer ahaayeen Sushant, oo wareysi siiyay telefishinka IndiaTV ayaa shaaca ka qaaday in atooraha geeriyooday uu qorsheynayay inuu guurkiisa dhaco bisha November ee sanadkan.

Xigashada Sawirka, Twitter/Sushant Singh Rajput

Ma uusan sheegin magaca haweeneyda uu damacsanaa inuu guursado, laakiin wuxuu sheegay in qoyska Sushant ay isku diyaarinayeen arooska, ayna qorsheynayeen safar ay ku tagaan magaalada Mumbai, oo ah halka uu isagu ku sugnaa.

"Wuxuu ahaa aroos la doonayay inuu khaas noqdo, oo ay Mumbai uga qeyb galaan dad kooban oo isugu jira qoyskiisa iyo saaxiibbadiis", ayuu yiri.

Waxaa lasoo tabiyay in Sushant aabihiis, oo wali ku sugan magaalada Patna, ay xaaladdiisa caafimaad xumaatay marka uu soo gaaray warka ku saabsan geerida wiilkiisa.

Xubno kale oo ka tirsan qoyska ayaa daryeelaya, xilli uusan wali soo miyirsanin.

Sheekada ku saabsan guurka la qorsheynayay ayaa dib usoo cusbooneysiisay hadal heynta ku saabsan xiriirka Sushant iyo Rhea Chakraborty.

Wali ma aysan go'aansanin inay wax kala caddeyso

Xigashada Sawirka, DNA India/Instagram

Qoraalka sawirka,

Rhea Chakraborty waxay ka gaabsatay inay ka hadasho wixii ka dhaxeeyay iyada iyo Sushant

Muddo hal sano ah ayaa laga joogaa tan iyo markii uu soo baxay warka xanta ah ee ku saabsan xiriirka labada jilaa.

Labadooduba waxay sawirro ay isla galeen baraha bulshada kusoo bandhigi jireen marka ay isugu hambalyeynayaan xafladahooda sanad guurada dhalashada.

Warbaahinta Hindustan Times oo xiriir la sameysay Rhea ayaa su'aal ka weydiisay nooca uu ahaa xiriirkii ay la laayd Sushant iyo inay run yihiin waxyaabaha lagu xamanayo, iyadoo ka jawaabeysana waxay tiri: "Waxaan ahayn saaxiibbo aad isugu fiican muddo sannado badan ah. Waxaan ka fikireynay yoolalka aan damacsaneyn inaan isla gaarno, sida safarrada hay'addeenna aan dowliga ahayn. Haddii ay jiraan wax kale oo naga dhaxeeyay, ma doonayo inaan xilligan ka hadlo."

Waxaa jiray atariishooyin kale oo uu xiriir horay ula soo sameeyay Sushant Singh Rajput, kuwaasoo u badan jilayaashii ay filimada musalsalka ah isla soo sameeyeen.

Anikta Lokhande, oo ay isla jileen filimkiisii musalsalka ahaa ee ugu horreeyay, Pavitra Rishata, ayey dhowr sano saaxiib ahaayeen. Hase ahaatee waxay ku dhawaaqeen inay kala hareen isla sannadkii ay shaaciyeen inuu arooskooda dhici doono.

Xigashada Sawirka, ZEE TV

Qoraalka sawirka,

Sushant Singh Rajput iyo Ankita Lokhande waxay magacyada Manav iyo Archana ku fileen filimkii musalsalka ahaa ee Pavitra Rishta

Warbaahinta qaarkeed ayaa tabisay in khilaafka soo dhex galay Sushant Singh Rajput iyo Ankita Lokhande uu salka ku hayay warar sheegayay in atoorahan uu xiriir hoose la lahaa atariishada kale ee lagu magacaabo Kriti Sanon, taasoo ay iyadana isla jilayeen filim musalsal ah.

Kriti waxaa maalmihii lasoo dhaafay lagu dhaliilayay inaysan ku jirin dadkii ka tacsiyeynayay geerida Sushant. Balse waxay amaan badan kasbatay markii ay ka qeyb gashay aaskiisii.

Iyada iyo atariishada kale ee lagu magacaabo Shraddha Kapoor, oo ay iskula jireen filimka Raabta, ayaa ka dhex muuqday munaasabadda aaska.

Labada atariishoba waxaa si wadajir ah loogu eedeynayay inaysan markii ugu horreysay ka hadlin dhimashadiisa.

Xigashada Sawirka, Instagram/Kriti Sanon

Qoraalka sawirka,

Kriti Sanon ayaa barteeda Instagram soo dhigtay sawirro ay iskula jiraan Sushant Singh

Kriti Sanon walaasheed, Nupur, ayaa shaacisay in si aad ah loogu aflagaaddeeyay barta Instagram-ka, sababo la xiriira aamusnaantooda.

"Qalbi ma lihid," ayaa lagu yiri Kriti Sanon, sida ay sheegtay walaasheed.

Kumuu ahaa Sushant Singh Rajput?

Sushant wuxuu magaalada Patna ee dalka Hindiya dhashay 21-kii bishii January ee sanadkii 1986-kii.

Ka hor inta uusan ku biirin filimada caadiga ah wuxuu markii ugu horreysay si weyn ugu soo caan baxay filimkii musalsalka ahaa ee ay Soomaalida sida weyn u xiiseyn jireen ee Pavitra Rishta.

Musalsallada kale ee uu kasoo muuqday waxaa ka mid ah Kis Desh Mein Hai Meraa Dil(oo ah kii uu jilista ku billaabay), Zara Nachke Dikha iyo Zee Cine Awards 2016.

Filimada caadiga ah ee uu xirfaddiisa jilaanimo kusii hormariyay waxaa ka mid ah PK, Raabta, MS Dhoni: The Untold Story iyo Chhichhore.