Maxaabiis ka tirsanaa Taliban oo la ansixiyay in xabsiga laga siidaayo

Madaxwaynaha Afqaanistaan Ashraf Ghani

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka,

Madaxwaynaha Afqaanistaan Ashraf Ghani

Golaha odayaasha ee dalka Afqanistaan ayaa maanta ansixiyay in xabsiga laga siidaayo 400 oo ah maxaabiis Taliban ka tirsanaa.

Maxaabiistan ayaa ku eedeysnaa "dambiyo waawayn ".

Golahani oo loo yaqaano Loya Jirga ayaa waxay sheegeen in go'aankan ay gaareen si meesha looga saaro caqabadaha hortaagan wadahadalada nabadda ee u dhaxeeya dowladda iyo kooxda Talibaan.

Kooxda Talibaan ayaa waxay dalbanayeen in la siidaayo maxaabiistan oo dambiyada loo haysto ay ka mid tahay inay weerareen dad afqaanistaan u dhashay iyo kuwa ajaaniiba h.

Madaxwaynaha dalka Afqaanistaan Ashraf Ghani ayaa lagu wadaa in uu sxaiixo digreeto xabsiga looga siideynayo maxaabiistan.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay dowladda Mareykanka sheegtay in hoos ay u dhigayso tirada ciidamada ka jooga Afqanistaan bisha November islamarkana ay ka soo reebi doonaan wax ka yar 5,000 oo askari.

Kooxda Taliban ayaa awoodda dalkaasi lagaga tuuray duulaan uu hogaaminayay Mareykanka 2001.

Kooxda ayaa si tartartiib ah dib ugula wareegayay gobolo dalkaasi Afqanistaan ka tirsan.

Dagaalyahanada Taliban ayaa gacanta ku haya qaybo ka mid ah gobolada dalka Afqanistaan.

Waxa ay goobaha ay dowladda ka taliso ka gaystaan weeraro ay dad badan ku dhintaan.

Horraantii sanadkan, Mareykanka iyo Taliban waxay gaareen heshiis nabadeed oo lagu soo afjarayo colaadda 19 jirsatay ee Afqanistaan.

Heshiiskaasi ayaa gogol-xaar u ahaa wadahadalo ay yeeshaan dowladda Afqanistaan iyo kooxda Taliban oo iyagu horey u diidanaa in ay la hadlaan xukuumadda Afqanistaan.