Dilka raggii lagu eedeeyay kufsiga wiilasha ee Baydhabo ma wuxuu ahaa cadaalad darro?

.

Xigashada Sawirka, KG

Qoyska mid ka mid ah raggii lagu eedeeyay kufsiga wiilka yar ee toddobaadkii lasoo dhaafay lagu toogtay magaalada Baydhabo ayaa lagu soo warramay inay tabanayaan "caddaalad darro weyn".

Labada nin oo aan magacyadooda la shaacinin ayaa toogashada lagu fuliyay 18-kii bishan, kaddib markii sida la sheegay ay xukunkaas ku ridday maxkamad kiiskooda dhageysaneysay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in labada nin ay ka tirsanaayeen ciidanka. Hase yeeshee tan iyo markii uu dilka raggan dhacay waxaa soo baxayay cabashooyin ku aaddan in ay ku dheehneyd caddaalad darro.

Mid ka mid ah labada nin ayaa lasoo tabiyay xukunkiisa loo cuskaday qirashada midka kale oo isagana magacaabay.

Arrintaas waxaa ka fal celiyay qoyska ninkaas.

Ugaas Cali Ugaas Xasan Qataar oo oday u ah kana mid ah ehelka ninka dilkiisa cabashada laga muujiyay ayaa BBC-da la soo xiriiray, waxaana weydiiyay waxa ay tahay cabashadooda

"Muddo labo bilood ka hor ah ayey eedeyntan soo billaabatay. labadii qof ee lagu eedeeyay inay kufsadeen wiil yar oo saqiir ah mid ka mid ah wuu caddeystay dambigiisa wuuna qirtay, waxaa kale oo uu sheegay in falkaas ay isla geysteen isaga iyo ninka kale ee markii dambe lala toogtay. Laakiin ninka kale ee aan odayga u ahay wuxuu dhankiisa ku dooday in ninkan magaciisa kusoo daray dambiga ay askar ila ahaayeen uuna dagaal ka dhaxeeyay, sidaas awgeedna uu ku maagayo," ayuu yidhi Ugaas Cali.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku daray inay caddaalad darro tabanayaan: "Nimankan waa lasoo eedeeyay, arrintuna eedeyn ban ku ogeyn waxaana sugeynay maxkamad. Wiilkeenna inuu dambiga galay iyo inkale annagu ma ogin laakiin qofka markii uu eedeysane yahay lama mid aha dambiile, annagoo sugeyna caddeymo iyo dacwad ayaan ka war helnay ninkii waa la toogtay."

Wasiirka warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Ilyaas Siciid Cali oo BBC-da la hadashay si aan u oggaano waxa uu maamulkaasi uga jawaabayo cabashada ugaaska ayaa ka gaabsaday inuu nagala hadlo.

Falalka kufsiga wiilasha oo kusoo badanaya Baydhabo

Xigashada Sawirka, André Valente

Wareysi uu wasiirku BBC-da siiyay 18-kii bishan ayuuse ku xaqiijiyay in toogashada ay amar ku bixisay maxkamadda gobolka.

"Nimankan waxay falka loo toogtay geysteen 11-kii bishii July, waxaana jiray hal fal oo kale oo ay sidaasoo kale u geysteen, marka dabagal ayaa lagu hayay, laamaha amniga ayaa mid soo qabtay, isaga ayaana kii kale macluumaadkiisa laga helay, baadhis dheer kaddibna xukunkan ayaa usoo baxay."

Dhawr dhacdo oo kufsi ah oo lagula kacay wiilal yaryar ayaa laga soo weriyay magaalada Baydhabo dhawrkii toddobaad ee la soo dhaafay, taasoo aad uga cadhaysiisay dadweynaha ku nool magaaladaasi, waxaana la rumeysan yahay inay taasi soo dadajisay toogashada labada nin ee dhalinyarada ah.

Wasiirka warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dad kale oo arrimahaas loo soo xiray ay jiraan.

"Runtii maalmihii la soo dhaafay waxaa Baydhabo ka dhacayay falal gaboodfallo ah oo dhanka jinsiga la xiriira, marka falalkii waxay noqdeen kuwo soo laalaabtay, dad fara badan ayaa loo xiray runtii oo dembigaa lagu helay oo maxkamad la soo taagay, qaarkood weli waa lagu guda jiraa. Arrimahaas waxaad mooddaa in magaalada Baydhabo ay ka dhaceen wax aan hore looga baran annagana ka mas`uuliyad ahaan ay aad noo taabatay." Ayuu yiri wasiirka.

Go'aan Maxkamadeed goormuu kama dambeys noqonayaa oo uu u gudbayaa marxaladda Fulinta?

Xigashada Sawirka, Abdifatah Abdullahi Mohamed

Cabdifataax Cabdullaahi Maxamed, oo ah falaqeeye, ayaa sheegay inxukunkii lagu fuliyay raggaas "uusan waafaqin shuruucda aasaasiga ah.

"Wareysigii uu wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed siiyay BBC-da oo aan dhageystay waxaa lagu weydiiyay in ragga la dilay ay xukunka ka qaateen racfaan, si cad ayuuna u sheegay inaysan wax racfaan ah qaadanin. Haddaba taas waxay muujineysaa in tallaabada dilka ah aan loo marin wax sharci ah, sababtoo ah go'aan maxkamadeed wuxuu awood fulin yeelanayaa markii go'aanka kasoo baxay maxkamadda darajada koowaad racfaan laga qaadan waayo, wax cabasho ah aan laga qabin ama loo dacwoonin maxkamadda sare iyo in la sugo 10-ka maalmood ee eedeysanaha uu xaq u leeyahay inuu racfaan qaato," ayuu yidhi Cabdifataax.