Sharciga saxaafadda oo dhaqangalaya xili wali doodi ka taagan tahay

.
Qoraalka sawirka,

Ku simaha Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa goob joog ka ahaa xafladda dhaqan galinta xeerka saxaafadda

Xeerka saxaafadda Soomaaliya, oo wax-ka-baddal lagu sameeyay ayaa la dhaqan galiyay, laakiin waxaa wali ka taagan dood ku aaddan qaar ka mid ah qodobbada iyo tabasho uu ka qabo mid ka mid ah maamul goboleedyada.

Sidoo kale waxaa guud ahaanba xeerkan kasoo horjeeda maamul goboleedka Puntland, oo shaaciyay inuusan ku dhaqmi doonin.

Sharcigan oo ka kooban 41 qodob ayey soo ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka, kaddibna waxaa qalinka ku duugay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamad Axmed, oo BBC-da u warramay ayaa qiray in ay xeerka saxaafadda wali ku jiraan mad-madow iyo qodobbo aysan ku qanacsaneyn warbaahinta, laakiin wuxuu ku dooday in waqtigan aad loogu baahan yahay in la isticmaalo sharcigaas, sidaas awgeedna loo dhaqan galiyay.

"Runtii, 16-kii qodob ee ay saxaafaddu ka cawdeen waxaan ka baddalnay 11 ka mid ah, oo sida ay rabeen ayaa laga dhigay, taasina waxay muujineysaa sida aan u garab taagan nahay bahda saxaafadda, waxyaabaha yar yar ee ka dhimanna, dee waddanku doorasho ayuu aadayaa, xukuumadda hadda joogtana doorasho ayey u diyaar garoobeysaa, axsaabta siyaasadda iyo qof kasta oo Soomaali ahna uu damci karo inuu tartan galo, muddadaasna sharci la'aan laguma shaqeyn karo -saxaafadda laftigeeduna waxay u baahan tahay xakameyn - waxay u baahan tahay habraacyo hufan oo xurriyaddoodana ilaalinaya, xirfaddoodana ilaalinaya." ayuu yidhi Cabdinuur.

Xigashada Sawirka, Abdinur Mohamed Ahmed

Qoraalka sawirka,

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya

Mid ka mid ah qodobbada xeerkan ku jira, oo ay saxaafaddu si weyn uga soo horjeedeen ayaa dhigaya in qofka saxafiga noqotaya uu ku khasban yahay inuu shati ka qaato dowladda.

Arrintaas ayey wariyeyaashu ku doodeen in micnaheeda ay noqon karto ama waddada loogu banneysanayo "in dowladdu ay wariye ka dhigto qofkii ay rabto, qofkii ay rabtana u diiddo".

Agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada oo arrintaas ka jawaabayay ayaa yidhi: "Waad ogtahay in dalkan uu yahay dal burbursan, qof walbana intuu makarafoon qaatay uu wariye iska noqday, oo aan xitaa fahansaneyn xad-gudubka iyo xuquuqda qofka kale. Dhakhtarta aan aqoonta lahayn wuxuu dili karaa qofka goobtiisa shaqo ugu taga oo kaliya, laakiin wariyaha aan aqoonta lahayn wuxuu wasakheyn karaa dhagaha malaayiin qof oo Soomaaliyeed, jahwareer ayuuna ku ridi karaa. Marka waxaan aaminsan nahay in sida dhakhtarkaba looga baahan yahay rukhsad uu wariyahana u baahan yahay inuu yeesho aqoon uu ku hubiyo waxa uu shacabka u sheegayo."

Magaalada Muqdisho waxa maanta lagu qabtay munaasabadda dhaqangalka xeerka saxaafadda ee uu dhawaantan saxiixay madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdillahi Farmaajo. Xeerkan oo uu horey u saxiixay madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wax kabadal lagu sameeyay kadib markii ay cabasho ka keeneen ururrada saxaafadda iyo weriyayaasha ka shaqeeya Soomaaliya oo u arkayay inuu cabudhin ku yahay, balse xeerkan waxkabadlka lagu sameeyay laftigiisa qodobbo kamid ah ayay wali saxafiyiintu dood ka qabaan.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo ay ugu horreeyeen ku simaha Ra'iisul Wasaaraha, Mahdi Maxamed Guuleed iyo wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Dhanka kale, Maamul goboleedka Puntland ayaa ka soo horjeestay xeerkaasi, iyaga oo sheegay inaan lagala tashan, uusanna hadda khusaynin.

Wasiirka warfaafinta ee Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde) ayaa BBC-da uga warramay mawqifkooda.

"Xeerkaas waxba kama ogin, waxna kalama soconno. Annagu Puntlan ahaan waxaan leenahay xeerka warbaahinta Puntland - oo mar hore la ansixiyay - guddi ka kooban dhinacyada kala duwan ayaa maanta shir aan guddoomiyay ku doortay guddoomiye iyo xog-heyn, marka anigu ma ogi taa kale ee Xaar laga sameeyay.

Qoraalka Codka,

Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa walaac ka muujiyay xeerka saxaafadda

"Soomaaliya marka xeerar loo sameynayo waa in laga wada tashado. Waa wax mustaqbalka umadda anfacaya. Soomaaliya waa Federaal, marka waxaa la rabay in la hirgaliyo wax loo dhan yahay oo ay ka tashadeen dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada." Ayuu yidhi Timacadde.