Mareykanka: Nin madow ah oo dhintay kaddib markii boolis ay dhulka ku nabeen

Daniel Prude

Xigashada Sawirka, WE THE PEOPLE/ GOFUNDME

Nin madow ah oo aan hubeysneyn ayaa ku geeriyooday magaalada New York kaddib markii boolis ay madaxa ugu xireen qalab candhuubta celiya isla markaana ay dhulka ku nabeen muddo labo daqiiqo ah, sida ay muujinayaan muuqaallo ay qaadeen kameerooyinka qarsoon.

Daniel Prude oo 41 sano jir ahaa, ayaa qabay xanuunka dhimirka markii booliska ay isku dayayeen in ay qabtaan oo si uusan uga baxsan.

Toddoobaad ka dib wuxuu ku dhintay cisbitaal, Bishii March ee sannadkan, balse warka ku saabsan dhacdadan waxaa hadda shaaciyay qoyskiisa.

Dhacdada uu ku dhintay Prude waxay dhacday laba bilood ka hor dilkii ninkii madowga ahaa ee George Floyd, taas oo sababtay isu soo baxyo waaweyn oo ka dhacay daafaha caalamka.

Joe oo la dhashay Prude wuxuu lambarada degdegga ah wacay 3-dii bishii March si uu ugu wargeliyo in walaalkiis uu la daala dhacayay xanuunka dhimirka.

Ninkan wuxuu ka shaqeyn jiray bakhaar ku yaalla Chicago, wuxuu dhalay 5 carruur, xilligii uu dilkiisa dhacayayna wuxuu booqanayay guriga walaalkiis.

Muuqaallada ay duubeen kameerooyinka qarsoon ee booliska, waxay muujinayaan Prude oo qaawaan oo cararaya xilli uu qabow jiray.

Waxaa sidoo kale ka muuqday Prude oo markiiba u hogaansamay amarka booliska, waxay ku amreen in uu dhulka jiifto iyo in gacamihiisa uu dhabarka saarto, waxaana la maqlayay isaga oo leeyahay "Ma dhabbaa".

Wuu xanaaqay, wuxuu candhuf ku tufay askartii booliska ee ku hareereysaneyd balse uma muuqan nin is difaacayay, sida laga soo xigtay muuqaalka.

Prude wuxuu booliska u sheegay in uu qabo feyraska Korona, waxay markii u duubeen madaxa si ay isaga ilaaliyaan candhuftiisa.

Waxaana la arkayay mid ka mid ah booliska oo dhulka ku nabayaa Prude oo ku lahaa "Hanugu tufin candhufta".

Qoyskiisa waxay sheegeen in sababta ay muddo u qaadatay in la shaaciyo dhacdadan ay aheyd in muddo dhowr bilood ah ay sugayeen inay helaan muuqaalkaas.

Bayaan ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee gobolka New York ayaa lagu sheegay in geerida Prude ay tahay "mid naxdin leh".

Wuxuu sheegay in ay socdaan baaritaano ku aadan geerida ninka madowga ah.

Saraakiisha lala xiriiriyay dhacdadaas ayaanan shaqada laga joojin.