Sawirqaadaha duurjoogta ee sannadka: Meeqaa Yaxaas ayaad ku aragtaa sawirkan?

Xigashada Sawirka, Dhritiman Mukherjee/WPY/NHM
Sawirka uu soo qaaday Dhritiman Mukherjee ee yaxaaska nooca la yiraahdo gharial ee ku nool Hindiya
Meeqaa Yaxaas ayaad ku aragtaa sawirkan? ma boqolbaa.
Sawirkan waxaa qaaday Dhritiman Mukherjee oo si weyn ugu takhasusay sawirrada, goobtan waxay ku taalla seeraha qaranka ee ku yaalla Hindiya, waana sawir si weyn looga jecleystay tartanka sawirka ee sannadkan.
Yaxaasyada yaryar waxay doonayaan in ay badbaadaan, waxay dusha ka saaran yihiin yaxaaska weyn.
Tirada yaxaaska lagu magacaabo gharial ayaa hoos u sii dhaceysa.
In ka badan 20,000 oo yaxaas ah ayaa ku noolaa guud ahaan Koonfurta qaaradda Asia, balse hadda tiradooda hoos ayay u dhacday oo waxay gaarayaan 1,000 yaxaas oo ah kuwa waaweyn, waxay intooda ku nool yihiin gobolka Uttar Pradesh ee Hindiya.
Xigashada Sawirka, Dhritiman Mukherjee
Sawirrada yaxaaska ee uu qaaday sawir qaade Dhritiman Mukherjee
Xigashada Sawirka, Patrick Campbell
Matxafka qaran ee taariikhda ee UK waxaa yaalla Yaxaas gharial oo macmal ah
Dadka ku guuleysta sawirqaadaha ugu wanaagsan sannadka 2020-ka waxaa la shaacin doonaa 13-ka bisha Oktoobar.
Maadama dunida uu saameeyay cudurka safmarka ah ee Korona, waxaa qofka ku guuleysata abaal marinta sawirqaadaha ugu wanaagsan lagu shaacin doonaa Online-ka.
Waa sannadkii 56-aad ee la qabanayo tartanka sawir qaadaha ugu wanaagsan dunid. Tartanka waxaa markii hore bilowday BBC-da qeybta duurjoogta ee BBC Wildlife Magazine, waxaana markii dambe loo bixiyay Animals, sannadkii 1965-tii, haatan waxaa qabanqaabineya matxafka Qaran ee taariikhda ee UK.
Xigashada Sawirka, Alessandra Meniconzi/WPY/NHM
Sawirka shimibirta ee uu soo qaaday sawirqaade Alessandra Meniconzi
Sawirada sida weyn sannadkan loo jeclaaday, waxaa ka mid ah, shimbirtan ku nool buuraha Swiss Alps ee dalka Switzerland.
Xigashada Sawirka, Jaime Culebras/WPY/NHM
Sawirkan caarada ayaa kamid ah kuwo la jecleystay, waxaana qaaday sawirqaade reer Spain ah oo la yiraahdo Jaime Culebras