Khilaafka doorashada: Maxay tahay sababta ay Gedo xudunta ugu noqotay khilaafka?

Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Farmaajo (SAWIR HORE)

Xigashada Sawirka, Social

Qoraalka sawirka,

Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe (SAWIR HORE)

Waxaa xalay fashil iyo natiijo la'aan ku soo dhammaaday shir madaxda dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada Soomaalida uga socday magaalada Dhuusamareeb oo lagu waday in heshiis laga gaaro qodobo ku harereysan hshiis doorashada ee dhinacyada ay magaalda Muqdisho ku gaareen bishii September ee sanadkii hore.

Arrinta gobolka Gedo oo ahayd arrinta ugu adag ee caqabadda ku noqotay shirka in heshiis laga gaaro ayaa aakhirkii keentay in lagu kala tago.

Kulamadii madaxda maamul-goboleedyada iyo madaxweyne Farmaajo ayey arrintaas hareysay, waxaana muuqata inay arrintaasi caqabad ku noqotay in heshiis laga gaaro sidii doorasho dalka ay uga dhici lahayd. Ujeedada waxay tahay sidii ay mowqif mideysan uga gaadhi lahaayeen arrimaha doorashada ee uu muranka xooggan ka taagan yahay. Laakiin arrinta Gedo ayaa hareysay shirarkii Muqdisho.

Hadda, markale ayey Gedo xudun u noqotay khilaafka la xiriira arrimaha doorashada Soomaaliya, Ka dib markii madaxweynaha Jubbaland uu sheegay in "ay doonayaan in gobolkaas lagu soo celiyo gacanta maamulkiisa".

"Annaga ayaa xaq u leh inaan doorashada qabanno, dowladda federaalka ahna waxa ay xaq u leedahay waxay ku qoran yihiin warqadaha aan soo saarnay, meesha aan ku qaban karno ayeyna ku qabsoomi doontaa, inta ka horreysana waxaan filayaa in deegaannada ay gacanta maamulka dib ugu soo noqon doonaan," ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

Balse, dowladda federaalk Soomaaliya ayaa u muuqata in arrintaas aysan aqbalin, waxayna ku adkeysaneysaa in ciidamada Dowladda aanan laga saareyn gonbolka, taas oo ah mid uu Axmed Madoobe dalbaday.

Xigashada Sawirka, Jubbaland State House

Qoraalka sawirka,

Madaxda federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa dhawaan heshiis ku gaaray shir ka dhacay Muqdisho

Bishii August, waxaa magaalada Dhuusamareeb heshiis ugu gaadhay Madaxweynaha federaalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda saddexda maamul ee kala ah Gal-mudug, Hir-shabeelle, Koonfur-Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Axmed Madoobe iyo Siciid Cabdullaahi Deni oo kulankaas ka maqnaa waxay dhaliilsanaayeen sidii ay wax u socdeen iyo arrimo la xiriiray maamulka Gedo.

Labadaas Hoggaamiye ee Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kullankii dambe ee Muqdisho ka qeybgalay, waxayna qeyb ka ahaayeen heshiiskii ku saabsanaa in doorasho dadban la qabto iyo sida loo qabanayo.

Xigashada Sawirka, Villa Somalia

Qoraalka sawirka,

Horay ayey Madaxweyne Farmaajo iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada ugu heshiiyeen magaalada Dhuusamareeb

Hadda, mid ka mid ah qodobbada ugu waaweyn ee saldhigga u ah ismaan-dhaafka hadheeyay qabashada doorashada uu wakhtigeeda gabaabsiga yahay waxaa cidda maamuleysa doorashada Gobolka Gedo iyo guddiga la isku maandhaafay ee doorashada ee heer Federaal.

Gobolka Gedo ayaa u muuqda inuu xudun u noqday khilaafka u dhaxeeya maamul goboleedka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mas'uuliyiinta Jubbaland waxay ku andacoonayaan in shan degmo oo ka mid ah gobolkaas ay dowlada dhexe iyadu maamusho, ayna mas'uuliyadda ciidanka ka howlgala halkaas u dhiibtay taliyeyaal iyada ka amar qaata.

Degmooyinka Gobolka Gedo - marka laga reebo degmada Ceelwaaq - dhamaan inta kale waxay hadda hoostagaan Dowlada Federaalka, waxaana muuqata in arrinytani ay noqotay mid ay labada dhinacba ay ku gorgortamaan.

Arrinta kale ee iyana xusidda mudan waxay ah in maamulidda gobolka Gedo ay saamayn ku yeelatay doorashada soo socota iyo meelaha kuraasta qaar laga soo dooran doono.

Labada dhinac ee kala ah Jubbaland iyo Dowladda Federaalka waxa ay u arkaan in gobolkaasi uu miisaan siyaasadeed leeyahay, marka laga hadlo kuraasta baarlamaanka ee gobolkaasi ka soo baxaysa.

"Hannaanka doorasho ee ay ku heshiiyeen madaxda heer federaal iyo heer maamul goboleed, Axmed wuxuu ka ahaa xubin, asagoo runtii matalaadda uu meeshaas ku fadhiyo aysan ku qanacsaneyn inta badan dadka reer Jubbaland haddana wax baa lagu heshiiyay si kastaba ha u adkaadaane waa lasoo dhaweeyay, hadduu ka baxo wixii lagu heshiiyay waa arrin isaga gaar u ah. Gedo Axmed kama hadli karo, isagu gacanta kuma hayo, doorashaduna way ka dhaceysaa Gedo." Ayuu yiri Cabdiraxmaan, Wasiirka Kuxigeenka Arimaha Gudaha Jubaland oo BBC Somali u warramnay bilowgii September.

Dhanka kale, maamulka hadda gacanta ku haya gobolka Gedo ee Soomaaliya ayaa gaashaanka ku dhuftay hadalka ka soo baxay madaxweynaha Jubaland ee ah inaanay doorasho ka dhici Karin Gedo sababo la xiriira in maamulkii uu u magacaabay aanay tagi karin isla markaana aan wali laga saarin gobolka ciidankii dawladda federaalku geysay.

Hardanka xildhibaannada ka soo jeeda Gedo

Xigashada Sawirka, Puntland State House

Qoraalka sawirka,

Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa ku sugan Muqdisho

Balse weli waxaa taagan su'aalo la iska weydiinayo in xitaa haddii dowlada dhexe ay ogolaato inay Baladxaawo ka qaado ciidankeeda, qaabka mar kale la isigu waafiqi karo in maamullo cusub loo sameeyo Gobolka Gedo.

Janan

Xigashada Sawirka, MAXAMED QANI KUUSOOW

Qoraalka sawirka,

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur(Janan)

Arrinka ku saabsan Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa sidoo kale qeyb ka ah hardanka Gedo ka jira.

Cabdirashiid waxuu magaalada Baladxaawo dagaal kula galay ciidanka dowlada, waxuuna horay u ahaa masuulka Jubbaland u qaabilsan siyaasad ahaan Gobolka Gedo oo dhan.

Dagaalkaas ka hor, Janan waxaa mar xabsiga dhigay ciidanka dowladda federaalka, hase yeeshee markii dambe wuxuu ka baxsaday gacanta dowladda.

Muran xoog leh ayaa labada dhinac ku dhex maray xiisadda ka dhalatay Cabdirashiid, oo xukuumadda federaalka ay ku eedeysay inuu geystay tacaddiyo, inkastoo isaga iyo maamulkiisa Jubbaland ay beeniyeen eedeymahaas.