Muxuu yahay muuqaal Trump ee been abuurka ah ee godka uu farta ku fiiqayo?

Trump oo ku sugan aqalka cad

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Trump oo ku sugan aqalka cad

Muuqaal marin habaabin ah oo muujinaya madaxwayne Donald Trump oo ku jahwareersan god yar oo ay ku jiraan biyaha roob da'ay, ayaa si wayn loogu baahiyay baraha bulshada.

Sida muuqaalka laga arkayay, goobta waa gudaha aqalka cad ee Mareykanka.

Waxaa sidoo kale baraha bulshada si wayn loogu baahiyay sawir muujinaya Doon uu ku xiran yahay calanka astaanta Trump ee doorashada 2020, waxayna doonta ku degtay meel hara ah.

Haddaba waxaan si dhaw u eegaynaa labada arrin ee sawirka iyo muqaalka.

Muxuu yahay muuqaalka uu Trump ag-taagan yahay godka biyaha?

Muuqaalkan oo soconaya 12 ilbiriqsi ayaa muujinaya madaxwayne Trump oo ka sii dhaqaaqay wariyayaal una dhaqaaqay god ay biyo fadhiyaan oo ku yaalla barxadda Aqalka Cad wuxuuna eegayaa godka biyaha ay ku jiraan.

Qoraalka sawirka,

Muuqaalka marin habaabinta ah oo uu madaxwaynaha tilmaamayo godka ay biyaha ku jiraan

Muqaalkan kooban ayaa la soo galay baraha bulshada iyada oo la soo barbar dhigay qoraal Tweetar oo su'aal galinaya caafimaadka dhanka maskaxda ee madaxwayne Trump kuna tilmaamay in"uu yahay qof isku dhax yaacay".

Balse muuqaalkaasi ayaa ahaa mid micnihii dhabta ahaa laga weeciyay, waxaana laga soo jaray muuqaal dheer oo la duubay bishii August 2019.

Muuqaalka dhameystiran ee saxda ah wuxuu ahaa madaxwaynaha oo ka si dhaqaaqaya wariyayaasha una dhaqaaqaya dhanka godka ay biyaha fadhiyaan wuxuuna meel u dhaw godka uu ku sugayaa marwada kowaad si ay u wada raacaan diyaaradda meesha taagnayd.

Madaxwayne Trump ayaa la arkayaa isaga oo xaaskiisa uga digaya godka biyaha in ay ku dhacdo farta na ugu fiiqaya.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Melania oo ka leexanaysa godka ay biyaha fadhiyaan islmarkana Trump uu dhanka klae ku sugayo T

Godka ay biyaha fadhiyaan iyo marwada kowaad ayaa si cad looga arkayaa sawir uu qaaday wariye goobta ku sugnaa.

Muuqaalka la soo jarjaray ayaa imika laga saaray baraha bulshada, balse waxaa horey u daawatay in ka badan 2 milyan.

Muxuu ahaa sawirka Doonta?

Waxaa jiro sawirka ay ka muuqato doon uu ku xiran yahay calanka uu Trump u isticmaalo ololaha dorashada 2020 ee dhex fadhida bartamaha haro ku taalla gobolka Texas.

Waxaa lagu baahiyay baraha internet-ka ka dib markii doomo uu leeyahya Trump lagu soo bandhigay Austin, oo ku tirsan Texas, .dabayaaqadii toddobaadkii aanu soo dhaafnay.

Qoraalka sawirka,

Sawirka Doonta Trump ee been abuurka ah

Balse sawirkan imika baraha bulshada lagu baahiyay, ka mid ma ahayn doomahaas la soo bandhigay.

Sawirkan ayaa si wayn baraha bulshada loogu baahiyay, waxaana ka mid ahaa dadka baahiyay xildhibaan ka tirsan xisbiga dimuqraadiga oo lagu magacaabo Shevrin Jones, oo laga soo doorto gobolka Florida.

Ka dib waxaa Sawirkaa barta Tweetar-ka lagu sii baahiyay in ka badan 3,000 oo mar, waxaa sidoo kale la soo galiyay qaar ka mid ah bogagga Internet-ka.

Balse sawirkaas waxaa uu ahaa doon ku degtay Michigan bishii June, balse calanka ololaha ee doorashada ee Donald Trump ayaa lagu daray oo la dulsaaray iyadoo la isricmaalayo qalabka casriga ah.

Xigashada Sawirka, Dusty Klifman

Qoraalka sawirka,

Sawirka saxda ah waxaa laga qaaday haro ku taalla Michigamn, bishii June.

Sawirkan markii bishii June lagu baahiyay bogga maxaliga ah ee Michigan, waxaana xilligaas la sheegay in 10 qof oo saarnaa doonta degtay la badbaadiyay.

Ma cadda illaa iyo imika cidda asal ahaan doonta dulsaartay calanka Trump ee ololaha doorashada 2020.