Imtixaanka dalka: Tabashada jirta iyo tubta toosinta

  • Dr. Cabdullaahi Sheekh Adan (Muqaddin)
  • Khabiir ka tirsan Machadka Heritage - @Muqadin
Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan ardeyda u qeybisay manhajka cusub ee iskuullada lagu dhigi doon.

Xigashada Sawirka, Villa Somalia

Qoraalka sawirka,

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan ardeyda u qeybisay manhajka cusub ee iskuullada lagu dhigi doon.

Afeef: Tani waa arigtida qoraaga oo keliya, kamana turjumayso aragtiyaha BBC, Machadka iyo meesha uu ka shaqeeyo qoraagu.

Waxaan intii muddo ahayd Soomaalida dhexdeeda waxaa ka jiray doodo kulul oo la xiriira arrimaha waxbarashada.

Doodahan ayaa salka ku haysa arrimaha manhajka iyo natiijooyinkii imtixaanaadka dugsiyadda sare ee ay dhawaan Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare soo bandhigtay.

Qomadani waxay qaadaa dhigaysaa arrimaha ay ka midka yihiin ujeedooyinka imtixaannada guud iyo tayaynta imtixaanka guud ee dalka.

Ujeeddada qormadani waa talo ku biirinta doodaha waxbarasho ee haatan dalka ka curtay.

Ujeeddooyinka Imtixaannada Guud

Khubarada arrimaha waxbarashada waxay ku tilmaamaan imtixaannada "shar aan looga maarmin" arrimaha waxbarashada.

Odhaahdan ayaa muujinaysa muhiimmadda iyo waliba dhibka ku lifaaqan imtixaanka. Sababta arday looga qaado imtixaan waa arrin ujeeddooyin badan.

Xigashada Sawirka, Villa Somalia

Qoraalka sawirka,

Madaxweyne Farmaajo, Wasiir Goodax iyo Gudoomiye Filish oo dhex taagan ardey

Ulajeeddooyinka imtixaannadda guud waxaa ka mid ah: in la ogaado lana qiimeeyo heerka waxbarasho ee ardayda; in ardaygu helo caddayn (shahaado) muujineysa heerkiisa; in qiimayn lagu sameeyo tayadda manhaj ee ardayga wax lagu baray; inay iftiimiso hannaanka tayo ee ardayga wax loo baray iyo ugu dambayn inuu ardaygu helo/heli karo oggolaansho uu ku sii wato waxbarashadiisa iyo tacliintiisa sare, amaba uu ku galo suuqa shaqo.

Ulajeeddooyinkaas oo wada socda ayuu imtixaanka guud u adeegaa. Waxaa muuqatay in su'aalo badan laga keeni karo nooca imtixaan ee muddooyinkii danbe ka hanaqaaday dalka, haddii ay noqoto waxa ardayga lagu imtixaanayo, cidda dajisay imtixaanka, cidda saxday, waddada loo maray hubinta tayada imtixaanka iyo ulajeedooyinka imtixaanka intaba.

Arrinkan ayaan ahayn wax lala yaabo oo Soomaaliya waxay wali ka soo kabanaysaa burbur baaxad leh muddana soo socday.

Intii ka dambaysay burburkii dawladdii dhexe 1991-gii, markii ugu horraysay, ee iskuday lagu sameeyo qaadista imtixaan guud oo qaran, waxay ahayd xilligii Madaxwayne Xasan Sheekh.

Khadra Bashiir Cali oo ahayd wasiirka waxbarashada dalka xilligaas, ayaa noqotay masuulkii ugu horreeyay oo iskuday ku sameeyay in la qaado imtixaan guud. Wasiir Khadra iska caabbin xoog leh ayay kala kulantay qaar ka mid ah dalladaha waxbarashada.

Intaas wixii ka danbeeyay, saamileyda waxbarashadu waxay garowsadeen muhiimmadda ay leedahay dhaqan galinta imtixaan guud oo uu dalku yeesho. Laakin tallaabadan ma ahayn mid dhammaystiran oo waxaa meeshaba ka maqan kaabayaasha muhiimka u ah hirgalinta imtaxaan guud oo lagu kalsoonaan karo.

Kaabayaasha imtixaanka

Si loo helo imtixaan tayaysan oo lagu kalsoonaan karo, waxaan soo jeedin lahaa tallaabooyinka soo socda:

  • Dhammaystirka manhajaka: Imtixaanku waa qayb ka mid ah manhajka dalka. Maaddada ardayga la baro, siyaasadaha iyo ulajeeddooyinka waxbarashada, tababarka macallimiinta iyo qiimaynta ayaa manhaj laysku dhahaa. Waxaan la wada soconnaa in arrimahaas aysan wali waddanka ka jirin. Horumar ayaa laga sameeyay arrimaha qaar, laakin ma dhammaystirna.
  • Hirgalinta guddiga imtixaannaadka qaranka: Inta ay wasaaraddu maamulayso imtixaanka, natiijo kasta ay soo bandhigtaa waxaa la dhihi karaa waa mid siyaasadaysan. Dowladdu waa in waxbarashadda ay ka fogayso gacma-gacmaynta siyaasiyiinta. Midda keliya ee lagu hirgalin karaa arrinka waa in la sameeyo guddi heer qaran ah oo awood u leh dajinta, sixidda, maamulidda, soo bandhigga iyo qiimaynta imtixaanaadka/shahaadooyinka. Guddiga Qaran ee Imtixaanaadka iyo Qiimaynta waxaa looga baahnaan doonaa soo bandhigidda noocyada imtixaanka iyo tababaridda saxayaasha imtixaannada. Sidoo kale waxay dusha u ridanayaan hirgalinta iyo maamulidda imtixaan tayo leh.
  • Sharciga waxbarashada: Tallaabada ugu muhiimsan ee wasaaradda waxbarashada u taal waa soo saaridda sharci waxbarasho. Sharcigan oo ay tahay in lagu saleeyo dustuurka qabyada ah ee dalka, waxaa la rabaa inuu qeexo awoodaha iyo ciqaabta la xiriira dhammaan arrimaha waxbarashada. Sharcigu wuxuu sidoo kale qeexayaa awoodaha guddiyada adeegga waxbarasho side Guddiga Imtixaanaadka iyo Guddiga Manhajka. Sidoo kale, sharcigu wuxuu caddaynayaa shuruudaha lagu furan karo iskuullo si gaar ah loo leeyaay, iyo cidda leh kormeerka iyo tayeynta adeegyada waxbarasho iskuulladaas.
  • Beddelidda ereyada "haray/dhacay": Inuu arday imtixaan ku dhoco sababo badan ayaa keeni kara oo kuma koobna oo kaliya ardayga. Macallinka, manhajka iyo duruufaha ardaga ee nabadgalyo, caafimaad iyo dhaqaale ayaa ayaguna kaalin ku lahaan kara. In arday maaddo amaba maaddooyin ka helo dhibco hoose, la yiraahdo ku celi sannad kale adigoo baranaya maaddooyinkii oo dhan, waa arrin qaldan, marka la eego dhinaca waxbarashada. Arday kasta oo u fariistay imtixaanka waan in la siiyo shahaado caddaynaysa dhibacaha uu keenay, kaddibna haloo daayo suuqa shaqada ama tacliinta sare inuu go'aan ka gaaro. Kaliya waxaa la rabaa in jaamcadaha ay caddeeyaan dhibcaha ay uga baahan yihiin ardayga ay u qaadanayaan takhasusyadda kala duwan (arinta waxaa kaalin ku leh Guddiga Qaran ee Imtixaanaadka). Maxay macno ah oo ay leedahay in ardaygu ku dhaco, tusaale ahaan maaddada Taariikhda, haddiiba uusanba rabin inuu sii wato tacliinta sare ee maadadaas?

Gunaanad

Natiijada imtixaanaadka dugsiyada sare ee dhawaan ka soo baxday wasaaradda waxbarashada waxaa ka biyo diiday siyaasiyiin badan oo ka keenay su'aalaha ay ka mid yihiin: sidey ku timid in arday badani ay ku dhacaan imtixaanka? Siday Jubbaland u gashay kaalinta koobaad?

Waa su'aalo meesha ku jira muhiimna ah in laga jawaabo. Su'aalahan waxaa si fiican looga jawaabi karaa keliya marka cilmi baadhis lagu sameeyo arrimahaas.

Xigashada Sawirka, Wasaaradda waxbarashada

Laakiin waxaan rabaa inaan tilmaamo in sannadkii la soo dhaafay ay arday intan ka badan ku dhaceen imtixaannada dugsiyada sare. Dhinaca kale, Gulmudug ayaa gashay kaalinta koobaad ee imtixaannada dalka. Marka labadan arrimood midna inaguma cusba.

Muhimmadu waxay tahay in la saxo, kaalinna laga gaysto sidii imtixaanka dalka loo tayayn lahaa aydoo la raacayo tub cad oo cilmiyaysan.

Ugu danbeyntii waxaan jeclahay inaan Wasiirka Waxbarashada Mudane Cabdullaahi Goodax Barre uga mahad celiyo kaalinta uu ka qaatay doodda waxbarasho ee dalka ka socota.

Tallaabooyin badan oo uu wasiirku qaaday kuma raacsani, sida in shahaadooyinka loo diido ardayda Puntand, laakiin wuxuu ku ammaanan yahay inuu qaaday tallaabooyin/go'aammo abuuray dood waxbarasho oo dhab ah.

Dooddan ayaa kaalin mug leh ka geysan karta sixidda khaladaad dhacay iyo waliba tayeynta waxbashada dalka.

Waxaa qoray Dr. C/lLaahi Sh Adan (Muqaddin)Khabiir ka tirsan Machadka Heritage@Muqadin