Boqol sano ka hor sidee xanuun jirey uu u saameeyey waxbarashada?

Iskuulaadka ardeyda banaanka wax ugu dhigi jiray ee New York

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Iskuulaadka ardeyda banaanka wax ugu dhigi jiray ee New York

Dhibaatada taagan ayaa ah , sidee carruurtu ay dib ugu laaban karaan iskuullada iyaga oo badqaba, si aaney waxbarashada u seegin xilli dunida uu saameeyay cudur dilaa ah oo aan weli loo heli tallaal.

Dunidu waxey xilligan wajaheysaa dhibaato lamid ah midii taagneyd 100 sano ka hor markii uu caalamka saameeyay cudurka qaaxada.

Qaaadda Yurub iyo Mareykanka toddobadiiba qofba hal qof oo ka mid ah waxaa xilliggaas dilay cudurka qaaxada, sida laga soo xigtay xaruunta ka hortagga cudurrada ee Mareykanka, waxaana qaaxada loo helay tallaal sanadkii 1921-kii

Marka la eego xaaladdan, ee ah nidaamka carruurta banaanka wax loogu dhigayo ayaa u muaqda xalka si carruurtu ay waxbarashadoodu usii wataan.

Xigashada Sawirka, Revista Brasileira de Ed Física/Reprodução

Qoraalka sawirka,

Iskuulaadka ardeyda banaanka wax ugu dhigi jiray waxaa laga bilaabay Jarmalka iyo Belgium sanadkii 1904-tii

Fikradda ah in carruurta banaanka wax loogu dhigo waxay bilaabatay sanadkii 1904-tii, waxaana bilaabay Jarmalka iyo Belgium, waxaa magaalada Paris sanadkii 1922-kii lagu qabtay shirkii ugu horreeyay ee looga hadlayay nidaamka waxbarashada ee ardeyda banaanka wax lagu baro.

Waxaana kuraasta la dhigay goob banaan ah, macalimiinta ayaa qaabkaas wax oogu dhigi jiray cabsida la qabo cudurka qaaxada.

Mareykanka, nidaamka ardeyda banaanka wax ku barata wuxuu bilowday sanadkii 1907-kii kaddib markii labo dhakhtar oo kasoo jeedo jasiiradda Rhode ay soo jeediyeen nidaamkaas, sida laga soo xigtay wargeyska New York Times.

Waxaana markii dambe la furay iskuullo ardeyda banaanka wax uga dhiga, sida in ardeyda goob banaan ah la geeyo ama wax lagu baro gudaha doomo la cidleeyay.

Maskaxda iyo jirka

Xigashada Sawirka, Revista Brasileira de Ed Física/Reprodução

Qoraalka sawirka,

Marka laga soo tego cudurrada ka dhasha nafaqo darrada, ardeyda qarnigii 20-aad waxaa saameyn ku hayay cudurka qaaxada

Xigashada Sawirka, Revista Brasileira de Ed Física/Reprodução

Qoraalka sawirka,

Iskuul ardeyda banaanka wax ugu dhigi jiray oo ku yaallay Brazil

Qaaxada ayaa ka duwan cudurka Covid-19, waana cudur ay gudbiso dabeysha, waxay ku dhaceysa qofka ay gasho bakteeriyada ka dhalato qaaxada muddo saacado ah, sida laga soo xigtay xaruunta ka hortagga cudurrada ee Mareykanka.

Halka Covid-19 lagu kala qaado taabashada ama goob uu qof qaba cudurka uu taabtay, sida ay sheegtay Ha'yadda Caafimaadka Adduunka.

"Marka laga soo tego xanuunnada ka dhasha nafaqo darrada, qaaxada ayaa aheyd dhibaatada ugu weyn ee heystay carruurta xilliggaas" Andre Dalben, oo ka tirsan jaamacadda Sao Paulo,ayaa sidaasi sheegay.

In carruurta laga raro deegaannada ay ka dhalan karaan xanuunada, sida goobaha ciriiriga ah, waxay kaalin weyn ka qaateen ilaalinta caafimaadka carruurta.

'Fikradda cusub ee dhameystiran'

Xigashada Sawirka, Revista Brasileira de Ed Física/Reprodução

Qoraalka sawirka,

Ardeyda wax banaanka wax loogu dhigi jiray

Diana Vidal oo ka tirsan jaamacadda Sao Paulo gaar ahaan qeybta taariikhda waxbarashada ayaa sheegtay in fikradda ah carruurta banaanka wax loogu dhigo ay bilaabatay intii u dhexeeysay labadii dagaal ee u dunida markaas oo waxbarashada ay kobceysay.

Profesoor Dalben wuxuu helay diiwaanno dhowr ah oo ku saabsan iskuulaadka ardeyda banaanka wax uga dhigi jiray sanadihii 1920s iyo 1930s.

Mid kamid ah iskuulaadkaas waxaa la oran jiray (Escola de Aplicação ao Ar Livre/ EAAL), geed hoostiis ayaa ardeyda wax loogu dhigi jiray magaalada Sao Paulo ee Brazil laga bilaabo 139-kii ilaa 1950-kii, markii dambe waxaa loo raray dhismo ku yaalla halkaas.

Waa kuwaan sawirrada taariikhiga ah ee ku saabsan iskuulkaas oo ardeyda banaanka wax loogu dhigi jiray.

Xigashada Sawirka, Revista Brasileira de Ed Física/Reprodução

Qoraalka sawirka,

Ardeyda wax banaanka wax loogu dhigi jiray

Inta badan iskuulkaas, kuma badneyn ardeyda kasoo jeedda qoysaska dabaqadda dhexe, waxaa wax ka dhigan jiray 350 ardey, waxaana jirtay ardey badan oo sugsysa in la qaabilo.

"Waxaan la hadlay ardeydii wax kasoo baratay iskuulaadkaas oo haatan galay da'da 80, waxay ii sheegeen in macalimiinta ay ahaayeen dad waxbarashada ku adag, marka la fiiriyo iskuullada kale waxbo kama duwaneyn" ayuu yiri profesoor Dalben.

Wuxuu sheegay in iskuullaadka ardeyda banaanka wax ugu dhigi jiray ay meesha ka baxeen sanadihii lixdameeyadii.

Xigashada Sawirka, Revista Brasileira de Ed Física/Reprodução

Daraasado ayaa muujinayaa in fiditaanka cudurka lagu yaren karo nidaamka ardeyda banaanka wax loogu dhigayo balse cilmi- baarayaashan waxay rumeysan yihiin in fikradda ah in ardeyda banaanka wax loogu dhigo dib loo booqdo.

U doodista in ardeyda banaanka wax loogu dhigo

Nidaamka ardeyda banaanka wax loogu dhigo waxaa laga dhaqan geliyay gobolka Kashmiir qeybta ay Hindiya maamusho, halkaas oo ardeyda ay ku bartaan agagaarka buuraha qabowga badan ee Himalayas.

Dalka Singapore wuxuu sanado badan waday olole uu ardeyda banaanka wax loogu dhigayo si loo xoojiyo maskaxda iyo jirka carruurta dalkaas.

Qoraalka sawirka,

Ardey ku sugan gobolka Kashmiir qeybt ay maamusho Hindiya oo banaanka wax ku dhiganaya

Finland, waxaa caan ka ah ardeyda wax loogu dhigo banaanka ama keymaha gudahooda.

Denmark waxaa ka jirtaa maalin lagu magacaabo Udeskole, iskuullaad badan ayaa si joogta ah u dhaqangeliya arrintani, dalkan wuxuu ku baaqayaa in qaabkan ardeyda wax lagu baro si looga hortaggo cudurka Covid0-19.

Prof. Vidal waxay sheegeysaa in nidaamka ardeyda banaanka wax loogu dhigo uu xoojinayo xiriirkooda, dhaqdhaqaaqa jirkooda iyo horumarinta niyad wanaagga.

Waxay macalimiinta ka dhigeysa tababarayaal baddalkii ay gudbin lahaayeen casharka.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Ardeyda Denmarka oo banaanka wax loogu dhigayo bishii April sanadkan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Ardey banaanka wax loogu dhigayo New York

Prof. Dalben wuxuu sheegaya in nidaamka ardeyda banaanka wax loogu dhigayo uu yahay tallaabo dhiirogelin ah oo dib looga fiirsanato sida ay u howlgalaan iskuulaadka maanta

"Markii aan bilaabay daraasaddeyda, waxaan diiradda saaray deegaanka wax lagu barayo carruurta balse haatan waxaa jirtaa dhibaatada ka dhalatay safmarka" ayuu yiri Dalben.

"Waxaan dib uga fiirsan karaa iskuulada sidii aan sare ugu qaadi laheyn nidaamka ardeyda banaanka wax loogu dhigo si loo adeegsado barxadaha iyo goobaha kale ee dadweynaha, mana raaci doono qaabkii uu ahaan iskuulaadkii hore ee banaanka ardeyda wax ku bari jiray balse dib ayaan u casriyeyn karnaa"