Argaggax ka dhashay lix macallin dugsi lagu dilay Cadale

Cadale waa magaalo xeebeed

Wararka ka imanaya Tuulda hoos timaadda deegaanka Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in lix qof xalay lagu dilay halkaasi.

Sida wararku sheegayaan, dadka la dilay waxay ahaayeen Macliin dugsi Quraan.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Hirshabeelle, Maxamed Cabdiraxman Kheyre, oo BBC la hadlay ayaa xaqiijiyay dilka 6-da qof. "Saaka aroortii hore waxay warbixin inagu soo gaartay in aagga Raage Ceelle lagu dilay dad shacab ah," ayuu yiri.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in "5 qof oo ka mid ah dadka la dilay ay isla gobta ku dhinteen, qofka lixaadna uu u geeriyooday dhaawac soo gaaray.

Waxaa sidoo kale jira qof dhaawac ah oo xaaladdiisa weli lala tacaalayo.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Hirshabeelle ayaa dhanka kale sheegay in baaritaano ay wadaan, laamaha ammaankana ay arrintan ku howlan yihiin.

"Weli waxaa socdo baaritaanka. Dadka la dilay iyo sababta loo dilay iyo cidda ka dambeysay, maamulka iyo ciidamada ammaanka ayaa arrintaas eegaya," ayu yiri Mr Kheyre.

Qoraalka sawirka,

Cadale waa magaalo xeebeed

Mr Kheyre ayaa xusay in warar aan la xaqijin ay sheegayaan in dadka la laayay ay Quraan saarayeen qof xanuunsan.

Wasiir Maxamed Cabdiraxman Kheyre ayaa tilmaamay in mamulka Hirshabele ay halkaas u direen ciidamo iyo saraakiil baaritaan soo sameysa.

Dableyda hubeysan ee falkan geystay oo aan la garanayn heebtooda iyo sababta a dilka u geysteen waxaana la sheegayaa inay goobta ka baxsadeen.

Dadka deegaanka Raage Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa argagax ka muujiyay dhacdadanas.

Cali Saciid Sh Muxumed oo ay qaraabo ahaayeen raga la dilay islamrkaana ah xildhibaan ka tirsan baaralamaanka Hirshabelle ayaa arrinatni ku tilmaamay dhacdo fool xun, waxa uuna sheegay inuu tuhusan yahay inay arrinatni salka ku haysa aana qabiil.

"Dagaal qabaa'il ayaa ka jiray meesha waxaana laga yaabaa in dilkan uu taa daba jooga. Waa wax laga xumaada dilka loo geystay macallimiinta dugsiga", ayuu yiri xildhibaan Cali.

Wuxuuna intaasi ku daray, " Waxaa socda olole lagu aasaya meydka. Waxaana ka codsaneynaa dowladda inay ciddii ka dmabeysay caddaaladda horkeento."