Bollywood: Is barbardhigga Mithun Chakraborty iyo wiilkiisa oo filim cusub soo saaraya

Namashi Chakraborty

Xigashada Sawirka, Namashi Chakraborty

Qoraalka sawirka,

Mithum, waagii uu yaraa iyo wiilkiisa Namashi Chakraborty

Wiilka ugu yar ee uu dhalay Mithum ee lagu magacaabo Namashi Chakraborty ayaa qeyb ka ah filimka weli la jilayo ee "Bad Boy". Waxay dadka billaabeen in ay ka hadlaan sida uu ugu egyahay aabihii oo xidig dhanka aflaanta ahaa 1980-meeyadii.

Sida lagu qoray wargeyska Hindustan Times, Namashi wuxuu sheegay in uu diyaar u yahay in aabihii "la barbardhigo. Is barbardhigga waa sharaf wayn".

"Dadka waxay ila mid dhigi doonaan qof muddo tobannaan sano ah ku soo jiray jilidda aflaanta. Waa qof la xushmeeyo," ayuu yiri.

"Haddii dadka ay xirfadda iyo shaqadii aabahey ila barbardhigaan, taasi waa dhibaato. Sababtoo ah, waxaad raadineysaa qaab kale oo Mithun Chakraborty ah, taas oo aan suuragal ahayn. Waa jilaa iga duwan oo xilli kale soo shaqeeyay", ayuu yiri wiilkan uu dhalay atoorihii caanka ahaa ee Soomaalida qaar ay u garanayaan Been-boode.

Mithum wuxuu ka mid yahay xidigii ugu caansanaa Bollywood, sannadhihii 1980-maadkii iyo bilowgii 1990-meeyadii. Aflaantiisa waxay u badan yihiin dagaal iyo kuwa jaceyl ah.

Namashi Chakraborty

Xigashada Sawirka, Namashi Chakraborty

Qoraalka sawirka,

Namashi Chakraborty

Wiilkiisa ugu yar, wuxuu ku barbaaray isagoo daawanaya sida uu aabihii u dagaallamo iyo qaabka uu heeshaha ugu ciyaaro ee u gaarka ahaa.

"Waan arkay dhammaan filimadiisa. Markasta waan jeclaa in aabahay aan ka daawado shaashadaha waaweyn. Waa jilaaga aan ugu jeclahay. Marka wax badan waan iska dhigay sidiisa oo kale. Hab dhaqankiisa iyo sida uu jirkiisa u dhaqaajiyo, sababtoo ah waa aabahay. Marka inaan sidiisa u dhaqmo waa wax dhiigeyga ku jira," ayuu yiri Namashi, sida lagu qoray India TV News.

Wuxuu ka mid yahay jilaayada da'da yar ee dhowaan ku soo biiray Bollywood. Wuxuu sheegay: "jilaa kasta wuxuu leeyahay garasho u gaar ah. Fashilkana ma ahan qalad ka dhacay jilaaga ama filim soo saaraha".

"Ma u maleynayo in ay jiraan jilaayo fiican ama xun. Waxaa jiro kuwo la qaato iyo kuwa la diido. Marka waxay ila tahay in aad raacdo maskaxdaada, garashadaada iyo in aad sida ugu wanaagsan u jisho".

Mithum Chakraborty

Xigashada Sawirka, Times India

Qoraalka sawirka,

Mithum Chakraborty

Filimka uu jilayo ee 'bad boy' waa mid jaceyl iyo shactiro isugu jira.

Jilaaga caanka ah, Salman Khan ayaa markii ugu horeysay baahiyay in filimkan uu jilayo wiilka Mithum uu ku dhow yahay dhammaad.

Balse filimkiisan wuxuu ka mid yahay aflaanta uu saameyay cudurka coronavirus ee la hakiyay, waxaana la filayaa in dhowaan dib loo billaabo si loo dhameystiro.

"Cudurka aawadii, wax kasta way hakadeen. Balse waxaa jiro xaalado dhib badan, waaxan rajeyneynaa in dadka oo dhan ay badbaadaan. Waxaan dooneynaa in filimka uu soo baxo ka dib marka xaaladda ay caadi noqoto", ayuu sheegay.