Ramla Ali: Waa tuma gabadha Soomaaliya ku mataleysa tartanka Feerka Olimbikada?

Ramla Cali ayaa horey uga qeybgashay tartamo caalami ah oo ay ku guuleysatay

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Ramla Cali ayaa horey uga qeybgashay tartamo caalami ah oo ay ku guuleysatay

Gabadha Soomaaliya ku meteleysa tartanka feerka ee Olimpikada, Ramla Cali ayaa saacadaha soo socdo la feertami doonto gabadh u dhalatay dalka Romania oo lagu magacaabo Maria Claudia.

Feerkooda ayaa noqonaya kii 16-aad ee tartankan.

Ramla Cali oo ah gabadh Soomaali ayaa mar kale taariikh u sameynaysa dalkeeda, iyadoo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee ka soo jeedda Soomaaliya ee u tartanta ciyaaraha feerka ee Olimbikada.

Sanadkii 2017 ayay aheyd markii Ramla ay ku guuleystayb tartanka feerka, waxay noqontay gabadhii ugu horreysay ee Muslim ah eek u guuleystay feer dalka Britain.

Wixii ka dambeeyay guushaas waxay go'aansatay in Soomaaliya ay ku matasho tartanka Olimbikada gaar ahaan feerka.

Taariikhda Ramla Cali

Ramla Cali oo ah gabadh ku guuleysatay tartanka feerka ee Ingiriiska sanadkii 2016-kii ayaa waxay haatan heshiis la gashay shirkad qaabilsan tartamada feerka oo la yiraahdo Matchroom Boxing.

Ramla iyada oo ilmo yar ah ayaa qoyskooda ka qaxeen magaalada Muqdisho horaantii sagaashameeyadii markii dagaalka sokeeye socday. Qoyskooda ayaa dagaalladaa ku waayay walaalkeed oo 12 jir ahaa.

Ramla oo 31 jir waxay sheegtay inay hadafkeedu uu yahay inay noqoto qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee ka qeybgala tartanka olimbikada ee feerka.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Ramla waxay soo garaaday haween badan oo dalal kala duwan u dhashay, Sida Mareykanka.

Ramla Cali waxay barashada feerka billawday markay dhawr iyo tobon jirka ahayd, hooyadeedna waxay u sheegi jirtay in ujeedadeedu tahay jimicsi ee aanay tartan doonayn.

Hadda Ramla waxay dooneysay in Soomaaliya ay ku matasho tartamada caalamiga ah ee Feerka, waxaana ka mid ah midka hadda ka socdo dalka Japan, ee dib loo soo dhigay sannadkii 2020, ka dib xanuunka Covid-19 cabsidiisa.

"Waxaan doonayaa in aan ku guuleysto tartanka feerka ee adduunka"

"Waxaan ku rajo weynhay in dadka ay aragti wanaagsan ka heysan doonaan Soomaaliya"

Waxaana gabadhan tababar siiyay seygeeda Richard Moore oo isagu ah tababare feerka ah.

Ramla aabaheed wuxuu ahaan jiray Imaam, waxayna ka qalin jabisay jaamacad, marna waxay u shaqayn jirtay shirkad sharciyada ka shaqaysa laakiin waxay soo rawaxi jirtay goor dambe oo habeenimo ah. Lix bilood ka dib ayey ku noqotay ciyaartii oo nolosheda si aad ah saamayn ugu yeeshay.

Waa haweenaydii ugu horaysay ee Muslimad ah ee ku guulaysatay tartanka feerka Ingiriiska.

Muddo dheer ayay hamigeeda ka qarineysay qoyskeeda oo waxay ka baqaysay in aysan u ogolaan doonin.

"Waxaa la joogaa xilligii aan sii xoojin lahaa mihnadeyda, waa mid weli taagan riyadeyda ku aadan ka qeybgalka tartanka olimbikada, waxaan ku faraxsanahay in aan bilaabo safarkaas" ayay tiri Ramla.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Ramla waxay ku guuleysatay tartanka feerka ee Ingiriiska

Eddie Hearn oo kamid ah dadka garabka u ah Ramla wuxuu yiri "Sheekada Ramla waa mid qeyrul caadi ah oo dhiirigelin leh, in heerkan ay soo gaarto waxay soo martay dhibaatooyin badan"

"Ramla waxay ku biirtay shirkadda Matchroom, shirkaddaas oo taageereysa qaar kamid ah dumarka ugu wanaagsan ee u taagan xuquuqda dumarka dunida, waxay joogtaa goobtii ugu habooneyd ay ku gaari karto riyadeeda ah in Soomaaliya ay ku guuleysato tartanka caalamiga ah ee feerka"

Soomaaliya weligeed kama ay qayb galin tartanka feerka ee ciyaaraha Olombigga, laakiin Ramla Cali waxay doonaysaa in ay labadaa arimood ba ka dhabayso.

Haday guul ka soo hoyso iyo haddii kaleba, Ramla waxay rumaysantahay in isku dayga arintaasi uu guul u yahay.

"Mar baa [qof dumar ah] fariin iigu soo dirtay baraha bulshada waxay tiri: Gabadheyda ayaa daawatay waraysi lagaa qaaday kaddib waxay bilowday in ay feerka barato, waana toban jir. War fiican buu ahaa oo waxaan is iri haddii aad sidaas dadka qof dhiiri geliya ugu noqoto waabad guulaysatay" ayay tiri Ramla Cali.

Qoraalka Codka,

Ciyaarta feerka ee beri-samaadkii laga dheeli jiray Soomaaliya