Sawirradii ugu cajiibsanaa caleema saarka Biden

Joe Biden ayaa loo dhaariyay inuu noqdo madaxweynihii 46-aad ee Mareykanka - waxaan idiin soo gudbineynaa qaar ka mid ah sawirradii laga soo qaaday maalintii caleema saarka.

President Biden sits at his desk in the Oval Office

Xigashada Sawirka, Jim Watson / AFP

Qoraalka sawirka,

Madaxweyne Biden oo dhex fadhiya Xafiiska Oval ee Aqalka Cad kahor inta uusan saxiixin 15 amar sare ah oo lagu xoojinayo sida ay dowladdu wax uga qabaneyso coronavirus

Xigashada Sawirka, Jim Watson / AFP

Qoraalka sawirka,

Madaxweyne Biden iyo dadkii loo soo magacaabay maamulkiisa

Xigashada Sawirka, Tom Brenner / Reuters

Qoraalka sawirka,

Madaxweyne Joe Biden oo gacan haatinaya taageerayaashiisa kahor inta isaga iyo Marwada Koowaad Jill Biden aysan gelin Aqalka Cad

Xigashada Sawirka, Shawn Thew / EPA

Qoraalka sawirka,

Madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris iyo Mudanaha Labaad Doug Emhoff oo iyagoo qoyskooda la socda lugeynaya Waddada Pennsylvania ee hormarta Aqalka Cad

Xigashada Sawirka, Patrick Semansky / Getty Images

Qoraalka sawirka,

Goor hore Arbacadii, Joe Biden ayaa waxaa madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka u dhaariyay xaakimka sare ee Maxkamadda ugu Sarreysa Mareykanka John Roberts, iyadoo xaaskiisa Jill ay garab joogto

Xigashada Sawirka, Alex Wong/Getty Images

Qoraalka sawirka,

Kamala Harris waxaa loo dhaariyay madaxweyne ku xigeenka Mareykanka iyadoo seygeeda Doug Emhoff uu garab taagnaa

Xigashada Sawirka, Kevin Lamarque / Reuters

Qoraalka sawirka,

Madaxweyne Biden oo ku dhaaranaya kitaabka Bible-ka oo ay qoyskiisu heysteen tan iyo sanadkii 1893

Xigashada Sawirka, Rob Carr / Getty Images

Qoraalka sawirka,

Kaddib markii la dhaariyay, Madaxweyne Biden ayaa jeediyay hudbaddiisa, isagoo yiri: "Waxaan mar kale barannay in dimuqraaddiyaddu ay qaali tahay. Dimuqraaddiyaddu waa mid nugul xilligaanna, saaxiibbadeydow, dimuqraaddiyadda ayaa awood yeelatay." Intii uu khudbada jeedinayay, Biden ayaa daqiiqado aamusnaan ah amray si loogu duceeyo dadkii u dhintay xanuunka safmarka ah ee Covid-19

Xigashada Sawirka, Jim Lo Scalzo / Getty Images

Qoraalka sawirka,

Gudaha Capitol, Madaxweyne Biden ayaa saxiixay magacaabidda golihiisa wasiirrada

Xigashada Sawirka, Chip Somodevilla / Getty Images

Qoraalka sawirka,

Madaxweyne Joe Biden iyo madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris oo ka qeyb galaya xaflad baroor diiq ah oo lagu qabtay Qabuuraha Arlington

Xigashada Sawirka, Chip Somodevilla / Getty Images

Qoraalka sawirka,

Madaxweyne Joe Biden iyo Marwada Koowaad Dr Jill Biden oo iyagoo gacmaha is heysta sii galaya Aqalka Cad

Xigashada Sawirka, Jim Watson / Getty Images

Qoraalka sawirka,

Lammaanaha oo ku faraxsan Aqalka Cad, oo noqon doona gurigooda afarta sano ee soo socota

Xigashada Sawirka, Patrick Semansky / EPA

Qoraalka sawirka,

Qoraa Amanda Gorman oo caleema saarka ka jeedineysa gabaygeeda Buurta aan ka Boodno

Xigashada Sawirka, Alex Wong / Getty Images

Qoraalka sawirka,

Lady Gaga oo ku heeseysa heesta astaanta qaranka ee Mareykanka

Xigashada Sawirka, Saul Loeb / EPA

Qoraalka sawirka,

Fannaanadda Jennifer Lopez, oo waqti la qaadaneysa Kamala Harris. Lopez ayaa ku heestay Dhulkan waa Dhulkaaga Ameerikana way Qurux badan tahay

Xigashada Sawirka, Alex Edelman / Getty Images

Qoraalka sawirka,

Iyadoo Joe Biden uu isku diyaarinayay dhaarinta, madaxweynaha xilka ka sii degayay Donald Trump iyo marwada koowaad Melania Trump ayaa gaaray garoonka Palm Beach International Airport ee Florida, iyagoo ku sii jeeda hoygooda Mar-a-Lago

Xigashada Sawirka, Win McNamee / Getty Images

Qoraalka sawirka,

Biden iyo xaaskiisa oo sawir laga qaaday markii ay yimaadeen caleema saarka

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka,

Kamala Harris iyo seygeeda Doug Emhoff oo u gacan haatinaya taageerayaasha xilli ay yimaadeen xafladda caleema saarka. Harris waxay xirneyd dhar kalarka purple-ka ah, oo gudaha Mareykanka looga yaqaanno inuu yahay astaan muujineysa waddaniyad

Xigashada Sawirka, Alex Wong/Getty Images

Qoraalka sawirka,

Madaxweynihii hore Barack Obama marwadii koowaad ee hore Michelle Obama ayaa ka mid ahaa martidii caleema saarka

Xigashada Sawirka, Rob Carr / Getty Images

Qoraalka sawirka,

Madaxweynihii hore Bill Clinton ayaa sidoo kale la yimid xogahayihii hore ee arrimaha dibadda Hillary Clinton

Xigashada Sawirka, Kent Nishimura / Getty Images

Qoraalka sawirka,

Madaxweynihii hore George W. Bush iyo marwadii koowaad ee hore Laura Bush oo la tusinayo kursigii ay fadhiisan lahaayeen

Xigashada Sawirka, Tom Brenner / Reuters

Qoraalka sawirka,

Goor sii horreysay shalay, Joe Biden oo ku sugan kaniisad ku taalla Washington DC

Xigashada Sawirka, Leah Mills / Reuters

Qoraalka sawirka,

Donald iyo Melania Trump oo ka baxay Aqalka Cad, siina raacaya diyaarad u gaar ah. Kama aysan qeyb gelin caleema saarka Biden

Xigashada Sawirka, Mike Segar / Reuters

Qoraalka sawirka,

Joe Biden iyo Kamala Harris, iyo lammaaneyaashooda, oo ku sugan National Mall, oo caadi ahaan ay taageerayaal badan joogi jireen, haddii uusan jiri lahayn xanuunkan safmarka ah

Xigashada Sawirka, Yegor Aleyev / Tass / Getty Images

Qoraalka sawirka,

Ammaanka Washington oo aad loo sugay iyadoo 25,000 oo ciidan la geeyay kaddib weerarkii ay dadka ku dhinteen ee dhismaha Capitol

Xigashada Sawirka, National Park Service/Reuters

Qoraalka sawirka,

Mid ka mid ah dabaal degyadii caleema saarka, National Mall oo ku yaalla Washington waxaa lagu dahaaray calamo, taas oo wakiil looga noqonayo dadkii aan awoodin inay ka soo qeyb galaan xafladda sababo la xiriira xayiraadda Covid

Dhammaan xuquuqda sawirrada way dhowran yihiin