Talyaaniga oo lugaha la galay xiisad siyaasadeed

Xigashada Sawirka, Reuters
Giuseppe Conte, ra'iisal wasaaraha istiqaalada gudbiyay ee Talyaaniga
Ra'iisal wasaaraha Talyaaniga, Giuseppe Conte, ayaa madaxweynaha waddankaas u gudbiyay warqadiisa iscasilaadda, kadib markii xukuumaddiisa lagu dhaliilay qaabka ay u wajahday Fayraska Korona.
In ka badan 85,000 oo muwaadiniinta waddankaas ah ayaa u dhintay cudurka.
Conte ayaa rajeynaya in madaxweynaha Talyaaniga uu u oggolaan doono inuu soo dhiso dowlad xooggan, kadib markii uu lumiyay aqlabiyaddii uu ku lahaa golaha senate-ka.
Haddii uu ku guuldaraysto hawshaas, waxa loo xil-saari doonaa qof kale oo haddii uu isna soo dhisi waayo xukuumad adag uu dalka u dareedi doono doorasho horleh.
Conte oo jaamacad ka dhigi jiray maadada qaanuunka ayaa todobaadkii hore ka badbaaday cod kalsoonida loogala laabanayay oo ay u qaadeen xubnaha aqalka hoose.
Codka ayaa loo qaaday kadib markii uu isbahaysiga talada haya ka baxay xisbi yar oo lagu magacaabo Italia Viva, kaasoo uu hogaamiyo ra'iisal wasaarihii hore, Matteo Renzi.
Waxa uu diiddan yahay qorshaha uu Conte ku kharash gareynayo lacag dhan 254 bilyan oo dollar, taasoo uu Midowga Yurub ugu talagalay ka soo kabashada dhibaatada Fayraska.
Renzi ayaa doonaya in dhaqaalahaas lagu maalgeliyo dhinacyada dijitaalka iyo tiknoolajiyadda aan deegaanka dhibaatada u geysan, isla markaana ay qeybsiga lacagta go'aamiyaan xildhibaannada.
Giuseppe Conte ayaa hogaaminaya xukuumaddii 66-aad ee Talyaaniga uu yeesho tan iyo dagaalkii labaad ee dunida.
Conte ayaa ra'iisal wasaare ka ah xukuumaddan iyo tii ka horreysay, waxaana isbahaysigiisii ka mid ahaa xibsi midigta fog u janjeera oo uu hogaaminayay ninka xagjirka lagu tilmaamo ee Matteo Salvini.