"Maalin waliba waxaa la i xasuusin jiray mid ka mid ah kaftannadiisa,"

.

Xigashada Sawirka, Marie-Josée Boisvert/Michel Grenier

Toban sano ka hor, majaajiliiste reer Canada ah ayaa bilaabay inuu ka sheekeeyo kaftan ku saabsan heesaa da' yar oo naafo ah. Sidaan ayuuna kaftankaasi ku gaaray maxkamadda ugu sareysa ee dalka Canada.

Jeremy Gabriel wuxuu ku dhashay cudur loo yaqaano Treacher Collins Syndrome, oo saameyn ku yeelan kara qaab dhismeedka lafaha wajiga, cudurkaas ayuuna sidoo kale maqalkiisii ku waayay.

Iyada oo ay taasi jirto, wuxuu ka dhabeeyay riyadiisii ​​ahayd inuu noqdo heesaa, isagoo heeso la qaaday shaqsiyaad caan ah oo ay ka mid yihiin Celine Dion iyo Pope Benedict XVI. Isagoo ay da'diisa ka yartahay 18 sano ayuu caan ka noqday gobolka uu ka soo jeeda ee Quebec.

Sanadkii 2010, majaajiliiste caan ah oo reer Quebec ah laguna magacaabo Mike Ward, oo aad loogu yaqaanay soo bandhiga kaftan qallafsan, ayaa sameeyay barnaamij qaatay 90-daqiiqo.

Arrimaha uu ku hadlay ayaa qaar ka mid ah waxay la xiriireen jinsiyada iyo diinta, isaga oo dadka caanka ah ee ka soo jeeda gobolka ku tilmaamay "lo'da barakaysan" kuwaas oo uu sheegay inay yihiin dad maalqabeena ah oo awood badan, erayadaas oo loo arkay kuwa jesjees ah.

Doodii ka dhalatay bandhigaas oo muddo ku dhow toban sano ka socotay gobolka Quebec ayaa maanta lagu dhagaysan doona maxkamadda ugu saraysa dalkaas.

Qayb ka mid ah bandhiga Ward wuxuu dacaayadeey heesaa u dhalatay gobolka Quebec Céline Dion iyo seygeedii hore Rene Angelil. .

Xigashada Sawirka, Corbis via Getty Images

Wuxuu sidoo kale kaftankiisa ku xusay Gabriel, oo xilligaas warbaahinta looga yaqaanay "Petit Jeremy". Ward oo si khaldan u fahmay xanuunka Gabriel ayaa ku tilmaamay xanuunkiisa mid dilaa ah, wuxuu sidoo kale ku kaftamay qaabka muuqaalkiisa isaga oo la xiriirinaya naafanimadiisa.

Cadaymaha lala wadaagay maxkamdda ayaa waxa ku jiray hadalka Ward iyo falcelinta qosolka dadkii bandhigaas ka soo qayb galay.

Bandhiga ayaa waxa dib loo soo bandhigay tira ka badan 200 oo jeer intii u dhaxaysay sanadihii 2010 iyo 2013.

Gabriel ayaa ka war helay kaftanka Ward ee isaga la xiriira sanadkii 2010 xilligaas oo uu 13 sano jir ahaa. Wuxuu sheegay inuu horay ula kulmay faquuq la xiriira naafanimadiisa balse ay erayada Ward uga sii dareen.

Xigashada Sawirka, Getty Images

"Maalin walba waxaa la i xasuusin jiray mid ka mid ah kaftannadiisa," ayuu yiri heesaagan 24 jirka ah.

Wuxuu dareemay in lagu beegsaday naafanimadiisa, wuxuuna isku dayay marar badan inuu is-dilo. Qoyska Gabriel ayaan weligood si toos ah ula xiriirin majaajilaystaha.

Balse sanadkii 2012 ayey qoyska go'aansadeen inay gudbiyaan cabasha ka dhan ah Ward ee la xiriirta ku xadgudubka xuquuda aadanaha.

Kaddib markii kiiska la hor geeyay ururka u dooda arrimaha bini'aaadamka ee Quebec waxay ku tilmaameen inuu la xiriira takoor iyo fuquuq halkaas oo majaajilaystaha uu ku guuldareystay.

Sanadkii 2019, maxkamadda Rafcaanka waxay Gabriel u xukuntay inuu Ward ka qaado magdhaw gaara 27,500 oo dollar,

Ward ayaa horay u go'aansaday in haddii uu kiiskan ku guulaysan waayo uu u gudbin doono maxkamadda ugu sareysa Canada.

"Majaajilada ma ahan dembi," ayuu ku yiri hadal uu soo saaray kadib go'aanka Maxkamada Racfaanka. "Dal 'xor ah', ma ahan in garsooraha uu go'aan ka gaaro waxa lagu soo bandhigo kaftanka masraxa."

Ward wuxuu sheegay inuu diiday inuu bixiyo magdhawga "maahan aniga naftayda, laakiin waxaan u leeyahay majaajiliisteyaasha da' yarta, majaajiliisteyaasha dambe", isagoo ku doodaya inay aasaas u tahay xirfadda in majaajiliisteyaasha loo oggolaado inay wax waliba soo bandhigaan.

Majaajiliisteyaal badan oo ku nool Quebec iyo meelo kale ayaa isugu soo baxay bandhig dhowr sano ka hor Ward loogu aruurinayay kharashka ku baxaya dacwaddiisa.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Michael Lifshitz oo ah majaajiliiste Canada u dhashay oo qaba cudur dhanka dhimirka ah ayaa bandhigyadiisa wuxuu u adeegsadaa inuu dadka ka wacyigeliyo la dhaqanka dadka naafada ah.

"Waxaan u malaynayaa inay muhiim tahay in qof waliba waxa uu aaminsanyahay uu la yimaado," ayuu yiri Gabriel ka hor dhageysiga dacwadda maanta.

"Waxaan sidoo kale ku adkeysanayaa waxa aan aaminsanahay ee ah in xorriyatul qowlka uusan aheyn mid ka madaxbanaan waxa ka dhalan kara ficiladaada".