Muxuu yahay hadalka ka soo yeeray garsoorahan ee ka careysiiyay reer Hindiya?

Garsoore Sharad Bobde

Xigashada Sawirka, Getty Images

Baaqyo ka dhan ah garsooraha maxkamadda sare ee dalka Hindiya oo lagu doonayo inuu is ku casilo ayaa guud ahaan dalkaas qabsatay, arrintaan ayaa imaanaysa maalmo kaddib markii uu jeediyay hadallo la xiriiray kiisaska kufsiga.

In ka badan "5,000 oo haweenka u ololeeyo xuquuqda dumarka " ayaa warqad ay u diray Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Sharad Bobde, waxay ku sheegeen" inay ka caroodeen "waxayna ka codsadeen inuu ka noqdo hadaladiisa uuna raali gelin ka bixiyo.

Muxuu yiri garsooraha oo dad badan ka caraysiiyay?

"Ma guursani gabadhii aad kufsatay"

Justice Bobde oo madax u ahaa seddex garsoore oo dhagaysanayay dacwadda ayaa weydiiyay nin 23 jir ah oo lagu eedeeyay inuu kufsaday gabar inuu guursanayo iyo in kale.

"Haddii ay kaa go'antahay inaad guursato waan ku caawin karnaa, haddii kale waxaad weynaysaa shaqadaada waxaana laguugu xukumayaa xabsi," ayuu yiri.

Hadalkiisa ayaa dad badan ka nixiyay, gaar ahaan isagoo tixgelinaya eedeymaha naxdinta leh ee gabadha oo 16 jir ahayd xilliga kufsiga lagu eedeeyay ninkan, oo ay qaraabo fog yihiin.

Sida ku cad warqadda, waxaa "lagu eedeeyay inuu xir-xiray gabadha ka hor inta aysan iyaga oo koox ah kufsanin iyo inuu ugu hanjabay inuu ku shubi doono baatrool iyo inuu ku shubay aashito, walaalkeedna la dilo. ".

Qoyska gabadha ayaa la sheegay inay ogolaadan inaysan tagin xarunta booliska maxaa yeelay hooyada ninkan kufsiga gaystay ayaa ballan qaaday inay marka ay weynaadan ay isku dari doonan.

Badanaa dhibanayaasha ayaa lagu ceebeyaa falalka kufsiga ee loo gaysto balse qoyska gabadha ayaa ogolaaday codsiga si arrinkan uusan u soo shaac bixin.

Balse kaddib markii ay qoyska eedaysanaha ay ka soo bixi waayeen ballantii ay qaadeen oo uu wiilkooda guursaday qof kale ayaa kiiska booliska la geeyay.

Eedaysanaha oo ka howl galayay xarun ay dowladda leedahay ayaa lagu sii daayay damiin kaddib markii uu codsaday in aanan la xirin haddii kale uu waynayo shaqadiisa balse maxkamadda sare ee Bombay ayaa amar ku bixisay in aanan damiin lagu sii daynin.

Maxay tahay falcelinta ka dhalatay?

Warqadda oo ay saxiixeen qaar ka mid ah haweenka caanka ah iyo ururada aan dowliga ahayn, ayaa "arxan daran" ku tilmaamay falka garsooraha.

"Markii aad soo jeedisay in haweeneydan la kufsaday ay guursato eedaysanaha adiga oo ah madaxa cadaalada Hindiya, waxaad isku dayday inaad caburiso nolosheeda," ayaa lagu yiri waraqadd dalabka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Baraaruga kufsiga iyo tacaddiyada galmada ayaa sare u kacay tan iyo sannadkii 2012, makii ardayad 23 jir ahayd lagu dhex kufsaday gaari bas ah, magaalada Delhi.

Maalmo yar ka dib ayay u geeriyootay dhaawacyadii ka soo gaaray dhacadadaas. Afar ka mid ah eedeysanayaasha ayaa la daldalay bishii March 2020.

Iyadoo ay jirto cambaareyn badan oo falalkaas ku aaddan, haddana kiisaska kufsiga ayaa sii kordhaya.

Sida laga soo xigtay waaxda ururinta xogta dembiyada, booliiska ayaa gudaha Hindiya ka diwaan geliyay 33,977 kiis sannadkii 2018 - taasi waxay ka dhigan tahay in 15-kii daqiiqaba uu kufsi dhaco. Balse dadka u dooda arrimahan ayaa sheegaya in tirada saxda ah ay aad u badan tahay, maaddaama aanan kiisas badan la diwaan gelin.

Sidoo kale waxaa jiray xukumo dhowr ah oo ka soo baxay Maxkamadda Sare iyo garsoorayaasha maxkamadaha sare iyo garsoorka hoose oo tilmaamay in kufsiga iyo guurka aan la isku qasi karin duruuf kasta oo jirta awgeed.

5.6% ka mid ah dambiyada laga soo tabiyo Hindiya waxay ka dhacaan magaalada Hyderabad.

Waxay ka yartahay caasimadda Delhi, oo ah 28.3%, iyo magaalada Bangalore oo ah 8.7%.

Xigashada Sawirka, Getty Images