Khilaafka badda ee Kenya iyo Soomaaliya: Arrimo muhiim ah ka ogow dacwadda maanta dhageysigeeda la billaabay
- Cabdiraxmaan Cali Dhimbiil
- BBC Somali, Nayroobi

Xigashada Sawirka, ANADOLU AGENCY
Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ayaa billowday dhageysiga dacwadda badda ee u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, inkastoo wakiillada Kenya aysan ka qeyb galin. Garsooreyaasha ayaa hadda dhageysanaya Qareennada difaacaya Soomaaliya.
Muddo badan oo Soomaaliya iyo Kenya uu u dhaxeeyey muran badeed, waxaad mooddaa in la soo gaadhay gebagebadiisii, taas oo ka dhigan in midkood lahaan doono waax badeedka yar ee ay ku jiraan khayraadka baahsani.
Kolka kor laga eego, goobtan saddex xagalka ah ee la sheegay in cabbirkeedu yahay 100,000km oo laba jibbaaran kuna taalla cidhifka badweynta Hindiya - ayna ceegaagaan saliidda iyo gaasku - ayaa ku dhawaad tobakii sano ee u danbaysey ahayd boogta ku taalla derisnimadii Soomaaliya iyo Kenya.
Sidee wax ku bilaabmeen?
Sannadkii 2009-kii, labada waddanba waxay ku heshiiyeen in guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan dhexdhexaadinta khilaafaadka xuduuduha ay go'aamiyaan khad xadeedka u dhaxeeya labada dhinac. Waxay xilligaas sidoo kale isla garteen inay sii wadaan wada shaqeynta si xal loo helo arrintuna aysan u gaadhin heer maxkamadeed. Bilo yar uun kaddib ayaa se baarlamaanka Soomaaliya uu laalay heshiiskaas.
Bishii August, sannadkii 2014-kii ayay dawladda Soomaaliya geysay kiiska dacwadda badda Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ. Xilligaas Kenya waxa ay u arkaysay arrin aan habboonayan.
Xeer ilaaliyihii guud ee dalka Kenya Githu Muigai ee waagaas oo BBC-da la hadlay waxa uu sheegay in Soomaaliya aysan xaq u lahayn in kiiskaas ay geyso maxkamaddaas kuna gorgortanto waxa aysan lahayn. Waxaa xilligaas Kenya ay diidday in gal-dacwadeedkeeda ay soo xaraysato xilligii maxkamaddu u mudddaysay, oo ahaa sannadkii 2016.
Bishii February, Sannadkii 2017 ayay Kenya dhankeeda soo xeraysay jawaab dacwadeedkeedii, taas oo isla sannad kaddib bishii februray 2018, maxkamadduna aqbashay, shaacisyna in kiiskani gaadhay xilligii laga garnaqi lahaa.
Xigashada Sawirka, ICJ
Maanta ayuu billaabanayaa dhageysiga kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya
Waxaa dhegaysiga dacwaddaas markii u horraysay la isu ballansaday bishii September ee sannadkii 2019. Doonis ka timi dhanka Kenya awgeed, maxkamadda ICJ ayaa shaacisay kiiskaas in dib loo dhigay, lagana dhigay bisha November isla sannadkaas 2019. Mar kalena sababo aan la shaacin dartood waxaa dib loogu dhigay June 2020.
Bishii May ayay markii saddexaad maxkamaddu sheegtay in dhegaysiga dacwaddaas oo qorshaysnayd June 2020 dib loo dhigay, iyada oo xillligaasna ay Kenya soo socdsatay sababo la xidhiidha xanuunka safmarka ah ee Covid-19.
Ugu danbayn, Bishan March 1-deedii ayay ICJ dib u shaacisay in dhegaysiga dacwadda ee Kenya iyo Soomaaliya la qabanayo isla bishan 15-keeda oo maanta ku beagan loona qaban doono hab online ah (maqal iyo muuqaal) marka laga reebo tiro yar oo kooban oo ku sugnaan doonta maxkamadda gudaheeda, maadaama uu dunida ku faafay fayraska corona.
Maxaa xiga qaadista dacwadda kaddib?
Haddii dhegaysiga dacwaddu uu furmo, sidaana maxkamaddu ku sii socoto, waxa ay u badan tahay in midkood - Kenya iyo Somaaliya- ku guulaysan doono kiiskan. Dadka se wax falanqeeya ayaa qaba in ku guulaysiga kiiskani uusan ahayn dhammaadka xiisaddii diblomaasiyadeed iyo siyaasadeed ee u dhaxaysay sannadihii la soo dhaafay labada dhinac, bal se uuba furi doono xiisad hor leh.
February 2019, Waxaa magaalada London lagu qabtay shir lagu soo bandhigayey maclumaad la xidhiidhaa sahamin shidaal oo laga sameeyay Soomaaliya. Kenya xilligaas waxa ay caydhisay safiirkii Soomaaliya u fadhiyay magaalada Nairobi, waxa ayna dib ugu yeedhatay danjirihii ka fadhiyay Muqdisho, iyagoo ku eedeeyey in London lagu xaraashayo qayb ka mida khayraadkii ku duugnaa baddii ay isku hayeen.
Muran badeedka u dhaxeeya laba dal kaas oo gaadhsiisan heer maxkamadeed ee qaaradda Afrika ka taagani ma aha uun kan Soomaaliya iyo Kenya. Galbeedka qaaraddda, dalalka Ghana iyo Ivory Coast ayaa laftoodu maxkamado iskula jira. Isla sidoo kale bariga Afrika waxaa muran xuduudeed u dhaxeeyaa Tanzania iyo Malawi.
Khilaafka guud ee u dhaxeeya labada dhinac
Inkastoo xuddunta khilaafka labada dhinac uu ahaa kiiska badda, waxaa haddana muddooyinkii u danbeeyey soo baxayey in khilaafkani leeyahay wejiyo kale. Soomaaliya oo waajahaysa xilli doorasho, dhammaadna uu ku dhaw yahay muddo xileedkii madaxweyne Farmaajo ayaa mar kale November 2019, u yeedhatay safiirkeedii, kii Kenyana amartay in dalkiisa uu wadatashi ugu laabto, iyada oo markan eeddu tahay wax ay madaxda Soomaaliya ugu yeedheen 'fara-gelin' gudaha ah, gaar ahaan maamulka Jubbaland. 15-kii December-na waxa ayba Soomaaliya ku dhawaaqday in ay gebi ahaan ba xidhiidhkii diblomaasiyadeed u jartay Kenya.
Isla sannadkaas horraantiisii Soomaaliya waxa ay xayirtay duullimaadyada rakaabka iyo qaadka ugu yimaadda Kenya, inkasta oo markii danbe la fasaxay duullimaadyadii weli se qaadkii xayiran yahay.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Xilligaas waxa ay Soomaaliya ku sababaysay faafitaanka Covid-19. Halka Kenya xayiraadda qaadka iyo Covid-19 ku tilmaantay marmatrsiinyo. Sida uu sheegay wargeyska Foreign Policy, 15 diyaaradood oo jaad wada ayaa maalin walba ka degi jirey magaalooyin badan oo Soomaaliya ah, waxaana ganacasatada Kenya sannadkiiba la sheegay in ay ka soo galeysay lacag gaadheysa $144 milyan oo doollar.
Shirkii sannadlaha ahaa ee urur goboleedka IGAD ee 2020 ayaa mar kale ay ku garrameen Soomaaliya iyo Kenya, inkasta oo wax natiijo ah aysan ka soo bixin. Guddidii loo saaray waxyaalihii ay isku hayeen qodobbadii ay ka soo saareenna waxa ay Soomaaliya ku tilmaantay kuwo dhinac ka raran.
Labada dal kolka laga tago darisnimadooda iyo in Soomaali badan ay ku nool yihiin dalka Kenya, halka Kenyaan badanina ay u shaqo tagaan Soomaaliya, waxaa u dheer oo ay wadaagaan la dagaallanka kooxda Alshabaab oo labada dhinacba ku sugan. Ciidamada Kenya ayaa sidoo kale qeyb ka ah kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.