Waa la afduubay, waa la katiinadeeyay waxaana guur lagu khasbay iyadoo 12 jir ah

Farah and her father
Qoraalka sawirka,

Farah iyo aabbeheed, oo dib u kulmay

Farah, oo ah gabadh 12 jir ah ayaa sheegtay in xagaagii hore laga kaxeeyay gurigeeda oo ku yaalla dalka Pakistan, gacmaha laga katiinadeeyay, lagu khasbay inay diinta Islaamka qaadato islamarkaana uu guursaday ninkii soo afduubtay.

Arrintan ayaa lasoo tabiyay in ay tahay mid ay la kulmaan boqollaal gabdho da' yar ah oo isugu jira masiixiyiin, Hindu iyo Sikh, kuwaasoo sanad kasta xaaladdaas ku wajaha waddankaas.

Maxaa ku dhacay Farah?

25-kii bishii June ee sanadkii lasoo dhaafay, Farah oo ku sugan guriga qoyskeeda ee ku yaalla magaalada Faisalabad oo ah tan saddexaad ee ugu dadka badan dalka Pakistan, ayna la joogaan awoowgeed, saddex wiil oo walaalaheed ah iyo walaalheed oo isugu jira saddex wiil iyo labo gabdhood ayaa mar qura waxay maqleen qof garaacaya albaabkooda hore.

Waxay xasuusataa in awoowgeed uu kacay uuna furay albaabka. Kaddib waxaa gudaha xoog kusoo galay saddex nin, Farah ayey qabteen waxayna khasab ku saareen gaari bannaanka u yaallay.

"Qoyska waxay uga digeen in haddii ay isku dayaan inay raadiyaan iyada ay ka qoomameyn doonaan," ayuu yidhi Farah aabbeheed, Asif, oo xilligaas shaqo ku maqnaa.

Asif wuxuu tagay saldhigga booliska ee ugu dhawaa si uu ugu wargaliyo fal dambiyeedkaas - isagoo xitaa siiyay magaca mid ka mid ah afduubeyaasha, kaasoo uu aqoonsaday Farah awoowgeed - laakiin wuxuu sheegay in askarta aysan u muuqanin kuwo diyaar u ah inay caawiyaan.

"Way diideen inay arrinta si fiican u wajahaan oo kiiska ay diiwaan galiyaan. Intaas kaliya ma ahane waxay xitaa iga soo eryeen saldhigga iyagoo i aflagaaddeynaya."

Cabashooyin badan kaddib, waxaa kiiskii la diiwaan galiyay markii ay saddex bilood kasoo wareegeen dhacdada, sidaasoo ay tahayna wax tallaabo ah lama qaadin wali.

Intii muddadaas lagu guda jiray, Farah oo 12 jir ahayd waxaa loo kaxeeyay guri xaafaddeeda u jira 110km oo ku yaalla magaalada ugu dhow ee lagu magacaabo Hafizabad, halkaasoo ay sheegtay in lagu kufsaday, lagu katiinadeeyay loogulana dhaqmay sida adoomada.

Tiro koobkii ugu dmabeeyay ee laga sameeyay dalka Pakistan ayaa muujiyay in ay dalkaas ku nool yihiin 2 milyan oo masiixiyiin ah, tiradaasina waa 1% ka mid ah shacabka guud ee dalkaas.

Sida laga soo xigtay hayadaha u dooda xuquuqda aadanaha, gabdho ay tiradoodu gaareyso 1,000 oo isugu jira masiixiyiin, Hindu iyo Sikh ayaa la afduubtaa sanad kasta. In badan oo ka mid ah waxaa lagu khasbaa inay diinta islaamka qaataan, sababtoo ah waxaa aad loo rumeysan yahay in shareecada ay oggoshahay in la guursado gabdhaha ka yar 16 sano haddii labada ruuxba ay Msulimiin yihiin.

Isla sidaas ayaa ku dhacday Farah, waxaana guursaday ninkii soo afduubtay.

Midowga kaniisadaha dalka Paskistan ayaa sheegay in tirada afduubka ay soo badaneyso.

Farah aabbheed, Asif, oo aad u walwalsanaa, wuxuu caawinaad u doontay wadaad diimeedyada deegaankiisa, kuwaasoo qorsheeyay in qoyskiisa la garab istaago.

Horaantii bishii December, kaddib markii shan bilood dadaal loogu jiray in qofkii afduubka geystay la xiro, Farah-na la sii daayo, booliska ayaa ugu dambeyn tallaabo qaaday.

"Afar askari ayaa timid guriga afduubaha waxayna dadkii halkaas joogay u sheegeen in maxkamad amar kusoo bixisay inaan booliska usoo raaco saldhigga," ayey tidhi Farah.

Qoraalka sawirka,

Katiinadihii lugaha looga xiray Farah waxay sababeen dhaawacyo ay muddo qaadatay inay raystaan

Laakiin mar labaad waxaa soo baxay war laga naxo.

Iyadoo qoyska ay sugayaan go'aanka kama dambeysta ah ee maxkamadda, booliska waxay farah aabbeheed u sheegeen in ay xirayaan baaritaanka maadaama ay Farah u sheegtay in ay aqbashay guurka iyo qaadashada diinta labadaba.

Farah ayaa hadalkaas mar kale ku celisay iyadoo maxkamadda hor taagan 23-kii bishii January. Laakiin saraakiisha maxkamadda waxay ka shaki qabeen in lagu khasbay arrintaas - taas oo ay Farah sheegtay in arrintu ay sidaas ahayd.

"Hadalkaas waxaan u iri sababtoo ah afduubihii ayaa ii sheegay in haddii aan sidaas sameyn waayo uu marka hore aniga i dili doono kaddibna dili doono aabeheey, ayna kusii xigi doonaan walaaleheey. Guud ahaan qoyskeyga. Aad baan runtii uga cabsanayay inuu sidaas sameeyo, sidaas darteed waan aqbalay waxa uu ii sheegayay."

Saddex isbuuc kaddib, 16-kii bishii February, oo ahayd ku dhawaad siddeed bilood kaddib markii Farah guriga qoyskeeda laga kaxeystay, garsooreyaashii amxkamadda ayaa go'aamiyay in Farah arooskeeda uu ahaa mid aan si sax ah loo diiwaan gelinin, uuna yahay waxba kama jiraan.

Qoraalka sawirka,

Farah oo mid ka mid ah gabdhaha walaalaheed ah hab ku siineysa maxkamadda bannaankeeda

Waxay ku badbaadday arrimaha farsamo ee loo maray guurka - dib ayeyna ula midowday qoyskeeda.

Xitaa markii carruurta la afduubtay lasoo badbaadiyo, dhibka lagu hayo halkaas kuma haro. Kuwo badan oo ka mid ah ayaa loogu hanjabaa in mar kale la qafaalan doono ama xubnaha qoysaskooda la dili doono, walwalka maskaxdana halkaas ayuu kasii socdaa.

Ra'iisul Wasaaraha Pakistan, oo horay u ahaan jiray ciyaartoyda Cricket-ka, Imran Khan ayaa amar ku bixiyay in baaritaanno lagu sameeyo kiisaska ku saabsan dadka diinta lagu khasbo.

Farah oo hadda 13 jir ah waxay aad ugu faraxsan tahay inay guriga qoyskeeda dib ugu laabatay, waxayna kasoo kabaneysaa dhaawicii dhinaca maskaxda ee kasoo gaaray dhacdooyinkii ay la kulantay.