John Magufuli: Booliska Tanzania oo dad u xirxiray hadal heyn ku saabsan in la la’yahay Madaxweynaha

Xigashada Sawirka, AFP
Mr Magufuli fagaare laguma arkin labo isbuuc
Booliska dalka Tanzania ayaa xabsiga u taxaabay afar qof oo looga shakisan yahay inay baraha bulshada ku fidinayeen hadal heyn ku saabsan in madaxweyne John Magufuli uu xanuunsan yahay.
Hoggaamiyaha 61 jirka ah ayaan fagaareyaasha lagu arkin muddo labo isbuuc ah.
Ra'iisul Wasaaraha dalkaas, Kassim Majaliwa, ayaa isbuucii lasoo dhaafay sheegay in Magufuli uu "caafimaad qabo uuna shaqo adag hayo".
Laakiin siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sheegay in xaaladda madaxweynaha ay aad u liidato kaddib markii uu ku dhacay cudurka Covid-19, dalkana looga dhoofiyay si loo soo daweeyo.
"In la faafiyo warar ku saabsan inuu xanuunsan yahay waxay abuurayaan nacayb," ayuu Mr Majaliwa yidhi maalintii Jimcada, isagoo intaasna ku daray inuu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha, uuna ka wado salaan uu shacabka ugu soo dhiibay.
Maanta oo Isniin ahna, madaxweyne ku xigeenka, Samia Suluhu Hassan, ayaa dadka reer Tanzania u sheegtay inay dhagaha ka fureystaan wararka la isla dhex marayo, waxayna ugu baaqday inay mideysnaadaan.
"Waa caadi in qof walba uu xanuunsado, oo uu ku dhaco hargab ama qandho... xilligan waxaa loo baahan yahay in dadka reer Tanzania ay ku mideysnaadaan ducada," ayey tidhi, iyadoo aan faahfaahinin qofka ay ka hadleyso cidduu yahay.
Xigashada Sawirka, AFP
Madaxweynaha 61 jirka ah ayaa ku jira muddo xileedkiisa labaad
Afarta qof ayaa lagu xiray meelo kala duwan oo ka mid ah waddankaas, iyadoo qofkii ugu horreeyayna xabsiga loo taxaabay maalintii Jimcada, sida ay soo tabisay Wariyaha BBC-da ee magaalada Dar es Salaam.
Hadallada la isla dhex marayo ee ku saabsan caafimaadka madaxweynaha ayaa sii kordhayay maalinba maalinta ka dambeysa, ayey dhaheen warfidiyeenku.
Hoggaamiyaha mucaaradka ee lagu magacaabo Tundu Lissu ayaa isbuucii lasoo dhaafay BBC-da u sheegay in ilo wareedyadiisa ay usoo gudbiyeen war ku saabsan in Mr Magufuli la dhigay isbitaal ku yaalla Kenya oo looga daweynayo fayraska corona.
Wuxuu sheegay in madaxweynaha wadnaha laga qabtay ayna xaaladdiisu liidato. Hase ahaatee, sheegashadan waxaa beeniyay saraakiil badan oo ka tirsan dowladda Tanzania.
Siyaasi kale oo reer Tanzania ayaa isagoo magaciisa qarinaya cabsi uu ka qabo in dhibaato ay soo wajahdo awgeed waxa uu Wakaaladda Wararka ee Associated Press u sheegay inuu la hadlay dad ku dhow madaxweynaha, kuwaasoo u sheegay inuu aad u xanuunsan yahay, uuna ku jiro isbitaal.
Mr Magufuli ayaa lagu eedeynayay inuu yareystay khatarta ka dhalan karta fayraska corona waxaana lagu dhaliilay in dadka reer Tanzania uu ku dhiirrigaliyay inay ku tiirsanadaan duco, is uumin iyo dawo dhaqameedyo.