Tallaalka Covid-19: Ma run baa halista la sheegay ee dawada AstraZeneca?

Talaalka AstraZeneca

Xigashada Sawirka, PA Media

Tiro waddamo ah ayaa go'aansaday in ay joojiyaan isticmaalka tallaalka Oxford-AstraZeneca, ka dib markii ay soo bexeen warbixinno sheegaya in dadka qaarkood ay ku dhacday xinjirowga dhiigga ka dib markii la siiyay tallaalka.

Balse kiiskan ma yahay mid aad looga taxaddaray? ma laga yaaba in dalalka hakiyay talaalka uu ka maqan yahay sawirka guud ee faa'iidada tallaalka?

Go'aanka waxaa lagu gaaray iyadoo lagu saleynayo taxadar hordhac ah. Waa in uu noqdo qaab si wanaagsan looga fakaray oo seyniska iyo dawada ah oo sababi kara in la hakiyo dibna loo eego marka cadeynta laga shakiyo.

Waxyaabaha isku soo beegay

Xogta ay soo bandhigtay AstraZeneca waxay muujineysaa in ay jiraan 37 kiis oo ah dad ay xinjiro dhiigga fariisteen, marka loo eego 17 milyan oo qof oo la siiyay tallaalka.

Xinjiroowga dhiiga waxaa si taxadar ula socday dadka ka shaqeeya caafimaadka, waxayna xaqiijiyeen in intii lagu qiyaasayay xinjoroowga uu ka badan yahay iyo in kale.

37-da kiis ee xinjirowga waxay ka hooseeyaan heerkii la filayay. Intaa waxaa dheer in illaa iyo hadda aysan jirin faahfaahin dhanka caafimaadka ah ee quseeya sababta uu talaalkan u dhaliyay xinjirta dhiigga.

Waana sababta ay hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO iyo waaxda maamusha dawooyiinka UK ay dhammaan u sheegeen in aysan jirin caddeyn muujinaysa dhiig xinjiroowga.

Xitaa hay'adda Dawooyinka ee Yurub oo baaritaan ku wadda wararka ku saabsan tallaalka, waxay soo jeedisay in la sii wado isticmaalka tallaalkan iyadoo la eegayo khatarta caafimaad ee Covid-19 ee taagaan.

Khubarada Caafimaadka ayaa walaac ka muujinaya arrinta la xiriirta dalalka joojiyay isticmaalka tallaalka.

Prof Adam Finn, oo ah xubin ka tirsan kooxda WHO u qaabilsan tallaalka Covid-19, ayaa sheegaya in joojinta tallaalkan ay sababi karto hoos u dhac ku yimaadda kalsoonidii lagu qabay, waxayna taasi horseedi kartaa in nolosha dad badan uu sii galaafto xanuunka safmarka ah.

Yurub miyay dhibaato kala kulantay tallaalkan?

Ma ahan markii ugu horreeysay ee Yurub ay su'aal geliso tallaalka shirkadda AstraZeneca. Jarmalka, Faransiiska iyo waddamo kale ayaa horay walaac uga muujiyay tallaalka.

Jarmalka iyo Faransiiska wax badan kama aysan isticmaalin tallaalka oo inta badan wuu khasaaray. Laakinse markaad eegto Faransiska, Jarmalka iyo waddamada kale oo waaweyn waxaa weli ku badan kiisaska fayraska corona.

Haddii aad dib u eegto go'aankii ahaa in tallaalka loo isticmaalo dadka ay da'doodu ka weyntahay 65 sanno jir, waxaad dareemi kartaa sida go'aankaasi loo gaaray. Habkii loo sameeyay tijaabooyinka - aad ayay u xadid naayeen.

Qaban-qaabiyeyaasha waxay doonayeen in ay ka qeyb galiyaan tijbaabada tallaalka dadka dhex-dheexaadka ah, sababo la xiriira badqabka - sidaa darteed, marka ay timaado baaritaankii lagu sameeyay macluumaadka tallaaka, xilligaas weli diyaar uma uusan ahayn dadka da'da ah.

Hase yeeshee waxaa jirtay caddeyn muujinaysa in tijaabadii dhiigga ee la qaaday lagu ogaaday in tallaalka uu iis difaac adag u yeelay jirka dadka waaweyn. Balse ma jirin sabab tallaalka uusan ugu shaqeyneynin jirka dadka waaweyn.

Netherland ayaa noqotay dalkii ugu dambeeyay ee hakiya isticmaalka tallaalka korona ee AstraZeneca sababo la xiriira walaac ka imanaya dhibaatooyiinka uu keenay.

Dowlada Dutch ayaa sheegtay in tallaabadan oo socon doonta ugu yaraan illaa 29-ka bisha Maarso ay tahay mid taxadar ahaan loogu talagalay.

Jamhuuriyadda Ireland ayaa mar sii horreysay go'aan la mid ah ka qaadatay ka dib markii warbixinno ku saabsan xinjirowga dhiigga laga soo weriyay dalal kala duwan.

"Dalalka waa in aysan joojin isticmaalka tallaalka Covid-19 ee AstraZeneca sababo la xiriira in uu keeno xinjiro fadhiista dhiigga, iyadoo aysan jirin wax muujinaya in ay taasi run tahay," ayuu yiri Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Bulgaria, Denmark iyo Norway ayaa ka mid ah dalalka hakiyay isticmaalka tallaalkaas.

Balse afhayeen u hadashay WHO ayaa maanta sheegtay in uusan jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya tallaalka iyo xinjiraha dhiigga galay.

Wax xiriir ah oo la ogaaday inuu ka dhaxeeyo tallaalka iyo dhibataooyinka la sheegay ma jiro, sida ay sheegtay afhayeenka WHO.

Taliyaaniga iyo Austria ayaa sidoo kale joojiyay qeybo ka mid ah xirmooyinka tallaalka.

Hay'adda Dawooyinka ee Yurub, iyo waaxda xakameysa dawooyinka ee Midowga Yurub ayaa goor sii horreysay sheegay in aysna jirin wax muujinaya in tallaalku uu sababo xinjiro dhiigga dhex fadhiista.

AstraZeneca ayaa sheegtay in badqabka tallaalka si wayn loogu baaray sheybaarrada.

Dalalka kale, sida UK, Jarmalka, Australia iyo Mexico, ayaa sheegay in ay sii wadayaan isticmaalka tallaalka.

Tijaabo lagu sameeynayay talaalkan ayaa mar sababay in laga hakiyo guud ahaan caalamka ka dib markii dadka sida mutadawacnimada ah loogu tijaabiyay ee dalka UK uu jirkooda uga falceliyay si ka duwan sidii la rabay.

Waxay ahayd markii labaad oo hakad lagaliyay talaalka ay iska kaashanayaan jaamacadda Oxford iyo shirkadda AstraZeneca.

Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa sheegay in dadkii ka qeyb galay tijaabada talaalka la dhigay isbataal laguna sameeyay baaritaan madaxbanaan.