Meghan iyo Harry: Michelle Obama maxay ka tidhi arrinta cunsuriyadda ee Meghan?

Former first lady Michelle Obama

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka,

Michelle Obama ayaa sheegtay in ay jeclaan lahayn in xaaladaha noocaasoo kale ah "la cafin karo"

Xaaska madaxweynihii hore ee Mareykanka, Michelle Obama, ayaa sheegtay "in aysan layaab ku noqonin" markii ay maqashay Amiiradda Sussex oo ka hadleysa arrimaha ku saabsan jinsiga ee ay ku soo bandhigtay wareysigii dhawaan lala yeeshay.

Mrs Obama ayaa warbaahinta NBC maanta kala hadashay dareenkeeda ku aaddan wareysigii ay Meghan iyo Harry siiyeen Optah Winfrey.

Meghan iyo Harry ayaa si furan uga hadlay mowduucyo shakhsi ah, oo ay ku jiraan cunsurinnimo iyo caafimaadka dhinaca maskaxda.

Intii uu wareysiga socday, Meghan ayaa sheegtay in qof ka tirsan boqortooyada uu Harry weydiiyay su'aal la xiriirta "sida uu madow u noqon karo" maqaarka cunuggooda inta uusan dhalanin ka hor. Cunuga laga hadlayay waa wiilka Meghan iyo Harry, oo lagu magacaabo Archie.

Qasriga Buckingham ayaa sheegay in arrinta cunsuriyadda ee ay shaaca ka qaadeen Mehgan oo 39 jir ah iyo Harry oo 36 jir ah ay tahay "mid walaac leh", ayna ka qaadi doonaan "tallaabo dhab ah", oo waliba si hoose loo xallin doono.

Wareysiga ay Mrs Obama siisay NBC ayaa lagu weydiiyay su'aal ku saabsaneyd waxa ay dareentay markii ay daawatay wadasheekeysigii Meghan iyo Oprah.

"Dadka bulshada u shaqeeya way iftiimayaan, isha ayaana lagu wada hayaa," ayey tidhi Mrs Obama, oo muddo siddeed sano ah ku sugneyd Aqalka Cad, intii uu madaxweynaha Mareykanka ahaa ninkeeda, Barack Obama.

"Inta badan dadku ma fahmaan arrintaas, mana fahmi doonaan. Qodobka aan mar walba niyadda ku hayo waa in arrintan aysan khuseynin dadkeenna bulshada u adeega, waxay ku saabsan tahay dadka aan u adeegno."

Mrs Obama, oo 57 jir ah, ayaa la weydiiyay inay cabbirto sida ay noqotay islamarkii ay maqashay hadalkii Meghan ay u sheegtay Oprah, ee ku saabsanaa "cunsuriyadda ay la kulantay".

"Sida aan horay u sheegay, cunsuriyaddu maaha wax ku cusub dabka midabka leh, sidaas darteedna layaab iguma noqonin inaan maqlay dareenkeeda," ayey ku jawaabtay Mrs Obama.

Qoraalka Muuqaalka,

Prince William wuxuu sheegay in qoyska Boqortooyada Royal Family is "very much not racist"

Wareysi kaas ka duwan oo ay siisay warbaahinta Access Hollywood, ayey Mrs Obama ku sheegtay in ay rajeyneyso in Mrghan iyo Harry ay heli doonaan waddo ay kula heshiiyaan qoyska boqortooyada.

"Rajadeydu waa taas, marka aan ka fikiro waxa ku dhacaya, waxaan ka fikiraa muhiimadda uu leeyahay qoyska, waxaana ku duceeyaa in uu jiro cafis, inuu jiro jacayl, xalna la isla gaadho," ayey tidhi Mrs Obama.

Michelle Obama waxay muddo dheer taageero u ahayd Meghan, iyadoo qoraal ay sanadkii 2019-kii soo dhigtay Instagram ku tilmaantay inay tahay "saaxiibteed" iyo "qof ku dayasho mudan".

Harry ayaa isagana sannado badan saaxiib la ahaa Obama, iyagoo iska kaashay howlo samafal ah.

Meghan ayaa qudheeda la kulantay Michelle, waxayna ku qeexday qof naxariis badan oo aan isla weyneyn.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Harry wuxuu Obama la saaxiibay intii uu madaxweynaha ahaa

Mrs Obama waxay intii uu ninkeeda madaxweynaha ahaa hoggaamisay mashaariic badan oo lagu taageerayay nafaqeynta carruurta iyo caafimaadkooda.

Hadda waxay garab siisaa musalsal cusub oo ku saabsan cuntooyinka loo kariyo carruurta.

Laakiin isbuucii lasoo dhaafay, Mrs Obama waxay sheegtay in ay "howlgab noqoneyso hadda" ayna diiradda saari doonto mashruucyada ay faraha kula jiro oo kaliya.