Tigraay: 'Qaxooti ayaan ku dhashay haddana qaxootinimo ayaan ku laabtay'

Gabreigzaaber Hayle Sillaase

Gabreigzaaber Hayle Sillaase 27 sano ka hor wuxuu ka soo laabtay xero qaxooti uu tobannaan sano ku noolaa, balse weligii kuma fakarin inuu xerada qaxootiga lafteedi uu dib ugu laabanayo isaga oo qaxooti ah.

1984-kii xilligii uu dalka Itoobiya uu ka arriminayey Mangistu Haylamaaryaam ayuu Gabreigzaaber ka qaxay abaartii dabada dheereyd ee dalka Itoobiya ka dhacday inta u dhaxeysay 1984-1985.

Wuxuuna islahaa marka uu dalkiisa hooyo dib u isugu soo laabtay noolashi qaraareed ee qaxootinimada mardambe ku noqon meysid.

Boqollaalkii qof ee ka qaxay macluushi Itoobiya ka dhacday ee Suudaan lug ku galay xilligaa ayuu ka mid ahaa Gabreigzaaber.

"Dad badan ayaa inta aan sii lugeyneynay dhexda ku dhintay. Dowladdi Mangistana maadamaa ay qowmiyadda Tigreega ay beegsaneysay waxaan ku qasbaneen inaan lafahayaga la baxsanoo" ayuu yiri Gabreigzaaber oo xusuusanayo wixi uu soo maray.

Tobannaanka sano uu ku jiray xerada qaxootiga Um-raaqubaa ee dalka Suudaan waxaa halkaasi ugu dhalatay laba wiil. Seddex sano kaddib marki ay dhacday dowladdi Mangiste ayuu dib ugu soo noqday deegaanka Rawyaan oo ka tirsan gobolka Tigraay.

Rawyaan marka uu yimidna wuxuu guursaday xaas kale, noolashiisana waxay ku tiirsanayd beeraha.

Balse nasiib darro 27 sano kaddib Gabreigzaaber oo ay da'diisu tahay 70 jir ayaa dib ugu laabtay xeradii qoxootiga uu islahaa dib dambe ugu soo noqon meysid.

Wuxuuna ka mid noqday 60,000 oo qof ee qaxootiga oo ka qaxay dagaallada gobolka Tigraay ee dalka Itoobiya ka dhacay.

Dagaalka Tiraay ayaa billaawday saqdii dhexe ee Novenber 04/2020 kaddib marki ay dowladda Itoobiya sheegtay iney maleeshiyaad daacad u ah TPLF iney weerareen saldhigga ciidamada federaalka qaybtooda waqooyi uu fadhigoodu ahaa deegaanka Tigraay, ciidamada dowladda dhexena ay sidaas dagaalka ku galeen.

"Dagaalka habeenkii uu billaabmayey aniga waxaan ku sugnaa beerteyda oo laba habeen ayaan halkaasi ku sugnaa, balse habeenki seddexaad oo aan gurigeyga ku soo noqday xaaladdu habeennadi hore wey ka baddalneyd" ayuu yiri.

Dagaalka marka uu billaawdayna Gabreigzaaber iyo qoyskiisa si ay naftooda u badbaadiyaan waxay u qaxeen dalka Suudaan.

"Dad aragga la' ayaa la dilay, baadariyiinna waa la dilay" ayuu yiri isaga oo ay illinta ka qubaneyso.

Ra'isal wasaare Abiy Axmed oo bishii November 2020-kii baarlamaanka hortagay wuxuu sheegay ciidamada federaalka "iney jirin hal qof oo rayad ah oo ay dileen" ayuu yiri.

Hay'adaha xuquuqda adanaha u dooda waxay sheegeen dagaalka Tigraay iney ku dhinteen dad rayad ah inkasta oo ay jirin cid madax bannaan oo tirada rasmiga ah ee dadaka rayadaka ee dagaalkaasi lagu dilay xaqiijisa.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Hay'adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International oo horay warbixin u soo saartay waxay ku sheegtay in boqollaal qof oo rayid ah oo aan hubaysnayn ay ciidammada Eritrea bishii Nofeembar ee sanadkii tegay ku xasuuqeen magaalada taariikhiga ah ee Axum ee waddanka Itoobiya, intii uu socday dagaalkii gobolka Tigray.

Hay'adda Amnesty waxa ay ciidammada Itoobiya kuwa Eritrea ku eedaysay inay gaysteen "dambiyo badan oo dagaal" waqtigii ay wadeen dagaalkii ay magaalada kula wareegayeen.

Komishiinka hay'adda xuquuqda aadanaha ee qaramada midoobay Michel Bashlet waxay sheegtay waxyaabaha ka dhacay deegaanka Tigraay in lgu sifeyn karo 'dambiyo dagaal iyo dambiyo loo geystay xuquuqda adanaha.

Hay'adda xuquuqda aadanaha waxay dowladda Itoobiya ka codsatay iney oggolaato baaritaan madax bannaan in lagu sameyo dambiyada dagaal, dil wadareedka, xadgudubka xuquuqda aadanaha iyo tacaddiyada galmo ee la sheegay iney ka dhaceen deegaanka Tigraay.

'Tan oo kale noolasheyda lama kulmin'

Gabreigzaaber wuxuu yiri dagaalka Tigraay ka socda wuxuu la mid yahay dagaalki sokeeya oo 17-ka sana socday oo jabhadda Tigreegu ay kula jireen dowladdi Mangiste.

"Nidaamki Dargiga ee dowladdii Mangiste waan la soo dagaallannay. Hase yeeshee Dowladda Mangiste beeraleyda aan dagaalka ka qayb gelin ma dili jirin, kaniisadna ma gubi jirin" ayuu yiri.

Gabreigzaaber wuxuu sheegayaa dowladdi Mangiste iney kaga wanaagsaneyd ilaalinta dadka rayadka ah marka loo eego dowladda hadda jirta sida ay u dhaqmeyso.

"Seddex jeer ayaan gurigeyga dhibaata uga qaxay. Balse qaxaan ugu dambeeyey ayaa ugu darnaa. Noolasheyda wax noocan lama kulmin. Habeen iyo maalin waan ooyaa. Waxaa nala siiyey masaggo aan cunno iyo caw yar oo aan ku seexanno. Waxaanse ka fakaraa dadka weli ku gaajoonaya gudaha dalka oo ay jirin cid caawineyso" ayuu yiri isaga oo ooynaya.

'Xeradii qaxootiga ee aan ku dhashay ayaan ku noqday'

Dadka dagaallada Tigraay ka dhacay uu ka kallifay iney marlabaad ay degaannadoodi ka qaxaan Gabreigzaaber oo keli ah ma aha.

Mulugeta Berhe wuxuu BBC uga warramay inuu marlabaad uu qaxooti noqday isaga oo weliba ku noqday xeradi qoxootiga uu ku dhashay muddana uu ku noolaa.

Mulugeta sheekadiisu waxa ay qaxootiga kale kaga duwan tahay ayaa waxay tahay inuu ku noqday xeradi qaxootiga ee Tunyaadbah ee dalka Suudaan.

Mulugeta iyo afar carruur ah uu dhalay waxay ka mid yihiin 13,000 ee qaxootiga ah ee ku sugan Tunyaadbah oo magaalada Gadarif u jirta 136 km.

Xeradaasina 1977-kii wuxuu hoy u ahaa qaxooti aad u badan oo ay ka mid ahaayeen waaliddiinta Mulugeta.

"Aniga waxaan dhashay kuna soo barbaaray qaxootinimo. Intaan deegaanka Tigreega taginna halkan ayaan wax ku bartay kuna guursaday" ayuu yiri Mulugeta oo BBC u warramay.

"20 sano kaddibna xeradi qaxootiga ee aan ku dhashay ayaan ku soo laabannay aniga oo ay carruurteyda ila socdaan" ayuu yiri.

"Mar labaad inaan qaxooti noqanaya marnaba kuma fikirin. Magaalada Humera waxaan ku haystay noolal wanaagsan. Afarteyda carruurta ahna halkaa ayey iigu dhasheen" ayuu yiri.

Abiy ayaa sheegay in lagu guulaystay duulaanka Tigray kadib markii uu bil socday, balse hogaanka TPLF oo hadda baxsad ah ayaa wacad ku maray inay qaadayaan dagaallo jabhadeyn ah.

Qoraalka sawirka,

Colaadda Tigray