Qalalaasaha gobolka Tigray: Xogta goobaha colaadda Waqooyiga Itoobiya

Young girl in a dress
Qoraalka sawirka,

Six-year-old Betlehem Tesfaye lost both her legs in an explosion

Tan iyo markii colaadda ay ka billaabatay Gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya, in hay'adaha iyo saxaafadda ay galaan aad ayey u adkeyd. Weriyaha BBC, Kalkidan Yibeltal, ayaa ugu dambeyn loo ogolaaday in uu gobolka booqdo, wuxuuna ku soo arkay xaalada aad u xun oo bini-aadamnimo.

Maalin kasta, magaalada Shire waxaa ka sii baaba'aya nolosha aasaasiga ah.

Betlehem Tesfaye, oo lix sano jir ah, waxay ka soo barakacday meel u dhow magaalada Aksum, oo qiyaastii 50km ee bariga fog ah. Labadeeda lugood ayey ku wayday qaraxii ay hooyadeed ku dhimatay.

Aabeheed wuxuu daweynteeda ku bixiyay dhammaan lacagtii uu haystay. Haddana ma garanayo halka uu uga keeni karo lugo macmal ah oo ay isticmaasho.

Sida magaalooyiinka kale ee gobolka Tigray, deegaanka Shire wuxuu hoy nabdoon u noqday kumannaan qof oo ka soo barakacay colaadda la sheegay in ay dhibaato u geysatay xuquuqda aadanaha, sida xasuuq, kufsiga ay ciidanka dowladda geysteen iyo isir sifeyn.

Balse magaaladan ay deggan yihiin 170,000 oo qof, kuna taalla bartamaha gobolka waxaa ka taagan dhibaato gaar u ah.

Magaalada Shire waxaa ku soo qulqulaya barakacayaal aad u badan, afartii bilood ee la soo dhaafay, diyaarna uma ahayn qaabilaadda tiradaas.

Dhismeyaasha iskuullada iyo jaamacadaha ku yaalla magaalada waxay hoy u noqdeen barakacayaasha, waana masraxa dhibaatada hadda taagan.

Hay'adaha gargaarka waxay sheegayaan in illaa 200,000 oo qof ay gabaad u noqdeen xeryaha barakacayaasha ee magaaladaas. Waxaana dadkaas u badan haween iyo carruur.

Dadkii ugu horreeyay ee halkan soo gaaray waxay yimaadeen bishii November ee sannadkii hore, xilligii uu dagaalka bilowday. Badankooda waxay ka soo qexeen dhulka hoose ee Tigray, gaar ahaan Koonfurta iyo Koonfur-Galbeed, maalmihii ugu horreeyay ee colaadda.

Dagaalka waxaa sababay khilaafkii adkaa ee muddada u dhexeeyay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed iyo hoggaamiyeyaashii TPLF ee gobolkaas - Jabhaddaas waxay ahayd middii haysay awoodda maamulka dalkaas tan iyo 1990-kii, waxayna awoodda lumisay markii Abiy uu xilka qabtay, 2018-kii.

Ka dib markii Abiy Axmed uu ku dhawaaqay howlgal militari oo ka dhan ah TPLF, go'aankaas oo dabasocday weerar lagu qaaday saldhigii ciidamada cirka ee dowladda ee Mekele, wuxuu dagaal culus ka bilowday jihooyiin kala duwan.

Dhanka Koonfurta iyo Koonfur-Galbeed, ciidamada gobolka Amxarada ayaa galay si ay dowladda uga caawiyaan dagaalka TPLF.

Atsede Mebrahtom oo 65 sano jir ah, waxay xasuusataa wixii dhacay maalmahaas argagaxa iyo cabsida lahaa.

Waxay ka mid ahayd dadkii ka soo qaxay magaalo lagu magacaabo Dansha. Waxay isla soo qaxeen labadeeda gabdhood iyo qaraabada.

Ms Atsede, gabdheheeda, seygeeda, ilmaha ay ayeeyada u tahay, dhammaantood waxay hadda ku nool yihiin xero ku taalla magaalada Shire.

Markii ay guryahooda ka soo qexeen, iyagoo lacag iyo alaab aan wadanin, ma aysan garaneyn meesha ay ku dambeyn doonaan.

Mararka qaar way soo lugeeyeen, marna waxay dhinac ka soo raacayeen gawaarida waaweyn ama basaska ay saarnaayeen dad iyaga la mid ah oo soo barakacay.

"Ma nasan karin intii aan soo soconay," ayey tiri. way oomanaayeen, wayna gaajeysnaayeen. "Waan tuugsaneynay si aan jab rooti ah u helno una siino carruurta. Waxaan barinay biyo aan carruurta ku waraabino."

Waxay sheegtay in ay jidadka ku aragtay maydad aan la aasin. Waa muuqaal aysan ilaawi karin.

Ma faraxsanin, ayey u sheegtay weriyaha BBC. "Balse weli waan noolnahay . Maalmo kala duwan way na soo maraan wayna na sii dhaafaan. Nasiib ayaan leenahay haddii aan noolnahay."

Xeryahan ayaa lagu siiyaa kaalmo yar. Balse dadkan waxay sheegayaan in aysan ku filneyn.

Maamulka ku meelgaarka ah ee Tigray, ee dowladda ay magacowday, ka dib markii TPLF meesha laga saaray, waxay sheegayaan in illaa 4 milyan oo qof ay u baahan yihiin kaalmo degdeg ah - waa in ka badan kalabar bulshada Tigray.

In ka badan hal milyan oo qof ayaa gudaha gobolka ku barakacay.

Etenesh Nigussie, Afhayeenka maamulka, waxay sheegtay in hay'adaha gargaarka looga baahan yahay in ay laba jibbaaraan dadaalkooda.

Waxaa jiray baaqyo caalami ah oo la xiriira in aan la xakameynin gargaarka iyo hay'adaha gobolka ka howlgalaya.

"Hadda hay'adaha waa loo ogolaaday in ay yimaadaan ayna dadka caawiyaan. Hadda waa xilliga ugu haboon," ayey tiri. Hadalkaas waxay sheegtay xilli ay hor taagnayd dhismo xarun u ahaa TPLF oo ku yaalla Mekelle.

"Waxaan ka fileynaa in ay inoo keenaan gargaarka aan uga baahannahay ayna badbaadiyaan dadkeena - Waa in uu dheeraad ku ahaadaa gargaarka ay dowladda keeneyso."

Map

Leteberhan Assefa, waxay ka mid tahay dadka ka soo qaxay Humera, oo ah magaalo yar oo 450km u jirta Shire, oo ku dhow xuduudda Sudan iyo Eritrea.

Waxyar ka hor inta colaadda aysan gaarin deegaankeeda, gabadheeda ayaa canug lagu soo qalay - markii dagaalka uu halkaas gaaray, waxay la soo qaxday gabadhii umusha ahayd iyo canug yar oo ay wadatay. Xerada waxay ka heleysaa nabad balse maysan helin daryeel", ayey tiri.

Warar kale oo la xiriira colaadda Tigray:

Inkastoo dagaalka uu yaraaday hadda, weli kumannaan qof ayaa soo gaaraya Shire - waxaa ku yimaadaan basas buux dhaafay, gawaari xamuul oo dad badan ay saaran yihiin iyo gaari-dameerro,

Barakaca weli sii socda waxaa sabab u ah in amniga uu weli aad u xun yahay iyo in meelaha qaar ay weli ka dhacayaan dagaallo aad u culus.

Xaaladda degdegga ah ee gobolka lagu soo rogay ayaa weli sideedii ah. Waxaa saaran bandow habeenkii ah, waxaana jid-gooyooyiin la dhigay jidadka isku xira deegaannada gobolka.

Si kasta oo dagaalka loo soo afjaro, in la dhayo dhaawacyada waxay qaadan kartaa in muddo ah.

Dadka qaar waxay u arkaan in saameynta iyo dhibaatada dagaalkaas Tigray ay weligeed sii jirayaan.