Qalalaasaha Tigray: Abiy oo qirtay in dagaalka ay ciidammo Ereteriyaan ahi ka qayb galeen

Ethiopian PM Abiy Ahmed speaking to parliament in November 2020

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Abiy Ahmed ayaa sheegay askari kasta oo lagu eedeeyo danbi ku saabsan dhac iyo wax la hal maala in lala xisaabtami doono

Ra'iisel wasaaraha Itoobiya ayaa qirey markii ugu horeysay qiray in ciidamo ka socda dalka ay deriska yihiin ee Eritrea ay ku sugan yihiin gobolka Tigreega ka dib dagaalkii bishii November.Muddo bilo ah ayay labada dalba beeniyeen in ciidammadaasi ay ka gudbeen xadka.Abiy Ahmed ayaa u sheegay mudanayaasha baarlamaanka in ciidamada Eriteriya ay yimaaddeen iyagoo ka baqaya in ay weeraro uga yomaaddaan dagaalyahanada gobolka ee Tigray.Iska hor imaadkan ayaa bilawday kadib markii Jabhada Xoreynta Dadka Tigreega (TPLF) ay qabsatay xarumo ciidan oo kuyaala gobolka.

Kooxda TPLF ayaa ahayd xisbiga xukuma gobolka woqooyiga Itoobiya, laakiin khilaaf aad u weyn ayaa kala dhexeeyey Mr Abiy kaas oo ku aaddan mustaqbalka nidaamka federaalka ee Itoobiya ee ku saleysan habka qowmiyadeed iyo doorka ay ku leedahay dowladdu.Boqolaal kun oo qof ayaa ka qaxay guryahoodii Tigray shantii bilood ee la soo dhaafay.In kasta oo TPLF laga saaray xukunka Tigray dhamaadkii bishii Nofeembar isla markaana Mr Abiy uu shaaca ka qaaday in khilaafkii la soo afjaray, haddana dagaallada ayaa wali ka sii socda qaybo ka mid ah gobolka.

Mr Abiy, oo horey ugu guuleystey abaalmarinta Nobel Peace Prize, ma uusan qiran in askarta Eriteriya la geeyey tuulooyinka oo dhanb.

Kooxaha u dooda xuquuqda aadamaha ayaa ku eedeynaya askarta Eriteriya inay xasuuq ka geysteen magaalooyin sida Aksum, oo ay ka mid yihiin dilka dadka rayidka ah ee aan hubeysneyn, kufsiga haweenka iyo dhaca baahsan ee hantida dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay.Ra'iisul wasaaraha ayaa u sheegay baarlamaanka in Ereteriya ay sheegtay in askarteeda ay u dhaqmayaan sugida xuduuda, iyagoo la wareegaya dhufeysyo halkaas ku yaal oo ay ka tageen askarta Itoobiya ee u baxay dagaalka.Wuxuu sheegay inuu kala hadlay saraakiisha Eriteriya eedeymaha loo soo jeedinayo ee ah in askarta ka socota Eriteriya ay xasuuq ka geysteen Tigray."Kadib markii ciidanka Eriteriya ay ka gudbeen xadka isla markaana ay ka howlgaleen dalka Itoobiya, wixii dhibaato ah ee ay u geystaan dadkeena lama aqbali karo," wakaalada wararka ee AFP ayaa soo xigatay isaga oo leh.Bartiisa Twitter-ka ayaa intaas ku dartay: "Warbixinadu waxay tilmaamayaan in tacadiyo laga gaystay gobolka Tigray."Iyadoo aan loo eegin dacaayadaha buunbuuninta ah ee TPLF, askari walba oo mas'uul ka ah kufsiga haweenkeena iyo dhaca bulshada kudhaqan gobolka waa lala xisaabtami doonaa maadaama hadafkoodu yahay ilaalinta."

Qoraalka sawirka,

.

Tan iyo markii colaadda ay ka billaabatay Gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya, in hay'adaha iyo saxaafadda ay galaan aad ayey u adkeyd. Weriyaha BBC, Kalkidan Yibeltal, ayaa ugu dambeyn loo ogolaaday in uu gobolka booqdo, wuxuuna ku soo arkay xaalada aad u xun oo bini-aadamnimo.

Maalin kasta, magaalada Shire waxaa ka sii baaba'aya nolosha aasaasiga ah.

Betlehem Tesfaye, oo lix sano jir ah, waxay ka soo barakacday meel u dhow magaalada Aksum, oo qiyaastii 50km ee bariga fog ah. Labadeeda lugood ayey ku wayday qaraxii ay hooyadeed ku dhimatay.

Aabeheed wuxuu daweynteeda ku bixiyay dhammaan lacagtii uu haystay. Haddana ma garanayo halka uu uga keeni karo lugo macmal ah oo ay isticmaasho.

Sida magaalooyiinka kale ee gobolka Tigray, deegaanka Shire wuxuu hoy nabdoon u noqday kumannaan qof oo ka soo barakacay colaadda la sheegay in ay dhibaato u geysatay xuquuqda aadanaha, sida xasuuq, kufsiga ay ciidanka dowladda geysteen iyo isir sifeyn.

Balse magaaladan ay deggan yihiin 170,000 oo qof, kuna taalla bartamaha gobolka waxaa ka taagan dhibaato gaar u ah.

Magaalada Shire waxaa ku soo qulqulaya barakacayaal aad u badan, afartii bilood ee la soo dhaafay, diyaarna uma ahayn qaabilaadda tiradaas.

Dhismeyaasha iskuullada iyo jaamacadaha ku yaalla magaalada waxay hoy u noqdeen barakacayaasha, waana masraxa dhibaatada hadda taagan.

Hay'adaha gargaarka waxay sheegayaan in illaa 200,000 oo qof ay gabaad u noqdeen xeryaha barakacayaasha ee magaaladaas. Waxaana dadkaas u badan haween iyo carruur.

Dadkii ugu horreeyay ee halkan soo gaaray waxay yimaadeen bishii November ee sannadkii hore, xilligii uu dagaalka bilowday. Badankooda waxay ka soo qexeen dhulka hoose ee Tigray, gaar ahaan Koonfurta iyo Koonfur-Galbeed, maalmihii ugu horreeyay ee colaadda.

Dagaalka waxaa sababay khilaafkii adkaa ee muddada u dhexeeyay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed iyo hoggaamiyeyaashii TPLF ee gobolkaas - Jabhaddaas waxay ahayd middii haysay awoodda maamulka dalkaas tan iyo 1990-kii, waxayna awoodda lumisay markii Abiy uu xilka qabtay, 2018-kii.

Ka dib markii Abiy Axmed uu ku dhawaaqay howlgal militari oo ka dhan ah TPLF, go'aankaas oo dabasocday weerar lagu qaaday saldhigii ciidamada cirka ee dowladda ee Mekele, wuxuu dagaal culus ka bilowday jihooyiin kala duwan.

Dhanka Koonfurta iyo Koonfur-Galbeed, ciidamada gobolka Amxarada ayaa galay si ay dowladda uga caawiyaan dagaalka TPLF.

Map

Atsede Mebrahtom oo 65 sano jir ah, waxay xasuusataa wixii dhacay maalmahaas argagaxa iyo cabsida lahaa.

Waxay ka mid ahayd dadkii ka soo qaxay magaalo lagu magacaabo Dansha. Waxay isla soo qaxeen labadeeda gabdhood iyo qaraabada.

Ms Atsede, gabdheheeda, seygeeda, ilmaha ay ayeeyada u tahay, dhammaantood waxay hadda ku nool yihiin xero ku taalla magaalada Shire.

Markii ay guryahooda ka soo qexeen, iyagoo lacag iyo alaab aan wadanin, ma aysan garaneyn meesha ay ku dambeyn doonaan.

Mararka qaar way soo lugeeyeen, marna waxay dhinac ka soo raacayeen gawaarida waaweyn ama basaska ay saarnaayeen dad iyaga la mid ah oo soo barakacay.

"Ma nasan karin intii aan soo soconay," ayey tiri. way oomanaayeen, wayna gaajeysnaayeen. "Waan tuugsaneynay si aan jab rooti ah u helno una siino carruurta. Waxaan barinay biyo aan carruurta ku waraabino."

Waxay sheegtay in ay jidadka ku aragtay maydad aan la aasin. Waa muuqaal aysan ilaawi karin.

Ma faraxsanin, ayey u sheegtay weriyaha BBC. "Balse weli waan noolnahay . Maalmo kala duwan way na soo maraan wayna na sii dhaafaan. Nasiib ayaan leenahay haddii aan noolnahay."

Xeryahan ayaa lagu siiyaa kaalmo yar. Balse dadkan waxay sheegayaan in aysan ku filneyn.

Maamulka ku meelgaarka ah ee Tigray, ee dowladda ay magacowday, ka dib markii TPLF meesha laga saaray, waxay sheegayaan in illaa 4 milyan oo qof ay u baahan yihiin kaalmo degdeg ah - waa in ka badan kalabar bulshada Tigray.

In ka badan hal milyan oo qof ayaa gudaha gobolka ku barakacay.

Etenesh Nigussie, Afhayeenka maamulka, waxay sheegtay in hay'adaha gargaarka looga baahan yahay in ay laba jibbaaraan dadaalkooda.