Gabdho Soomaali sawir qaadeyaal ah: 'Waxaan doonayaa in gabdhaha ay caadi u noqoto sawir-qaadista'

Hand being painted with henna

Xigashada Sawirka, Fardowsa Hussein

Qoraalka sawirka,

Cillaan saar

Soomaaliya sawirrada keli ah ee laga haysto waa colaad iyo burbur, balse bandhig sawirro oo lagu qabtay Muqdisho wuxuu loolan adag keliyay fikraddaas iyo sidoo kale cidda keeneysa ama sharaxeysa sawirradaas, sida weriyaha BBC Mary Harper ku warrantay.

Gidaar wayn oo cad ayaa lagu dhejiyay sawirro ay ka muuqato xasillooni iyo qurux, waxaana soo qaaday laba gabdhood oo sawir-qaadeyaal ah.

"Waa muhiim in dumarka ay dib uga soo muuqdaan kaalintooda bulshada," ayey tiri mid ka mid ah gabdhahaas, Fardowsa Xuseen.

Waxay sheegtay in marka ay jidadka sawireyso in ragga qaar ay ku qeyliyaan, ayna u sheegaan in ay guriga iska joogto halkii ay dadka isku dhex ceebeyn lahayd.

"Waxaan doonayaa in ay caadi u noqoto haweenka aniga ila midka ah in ay muuqaal duubaan ama sawir qaadaan, iyagoo cabsi iyo xadgudub kale aan dareemeynin."

Xigashada Sawirka, Fardowsa Hussein

Bandhigga waxaa qabanqaabisay Sagal Cali, Agaasimaha Ururka Saf, oo la billaabay bishii September 2020.

Waxay sheegtay in howsha sawir-qaadista ee Soomaaliya loo arko shaqada ragga "gaar ahaan marka laga hadlayo sawir-qaadista jidadka. Lama filayo in dumarka ay bannaanka u soo baxaan oo sawiraan nolosha maalinlaha ah ee goobaha mashquulka badan ee dadka ku howlan yihiin sidii ay u badbaadi lahaayeen".

"Hal-abuurka iyo dhaqanka waxaa baabi'iyay dagaal muddo 30 sano ah ka socday Soomaaliya," ayey tiri. "Ujeedada Saf waa sidii dib loogu soo nooleyn lahaa, dadkana loogu muujin lahaa".

Waxay dooneysaa in ay wax ka bedesho sida dadka loo arko, waxayna fileysaa in bandhiggan uu ka hortago aragtida ah in dumarka aysan qaban karin shaqada u baahan farsamada culus.

"Waxaa isoo jiitay sawirra dumarka waxayna dhaqaajiyeen shucuurteyda. Uma maleynayo in rag ay qaadi kari lahaayeen sawirradan," ayey tiri Sagal.

Xigashada Sawirka, Fardowsa Hussein

Qoraalka sawirka,

Geelley

"Sawirkan waxaan ka qaaday meel u dhow magaalada Xudur," ayey sheegtay Fardowsa Xuseen.

"Dhaqashada geella waa waxa ugu quruxda badan. Dhallinyarada ayaa masuul ka ah in ay la socdaan. Laba wiil ayaa illaaliya illaa 50 neef oo geel ah, mararka qaarna lix illaa toddobo maalmood ayey biyo la'aan maqnaadaan.

"Soomaalida waxay dhahaan arrintan waa shaqada ugu adag, balse faa'iido ayaa laga helaa maadaama geela uu qiimo ka leeyahay dhaqankeena."

Xigashada Sawirka, Hana Mire

"Waxaan saarnaa bajaaj, Muqdisho dhexdeeda, markii labadan gabdhood ay indhaheyga soo jiiteen," ayey tiri mid ka mid ah sawir-qaadeyaasha Hana Mire.

"Aad ayaan ula dhacay. Bajaajta ayaan ka degay, mana aysan ogeyn in aan sawirayay. Ka dib waxaan tusay sawirkii aan ka qaaday, wayna ka heleen."

Xigashada Sawirka, Fardowsa Hussein

Qoraalka sawirka,

Gabar ku dabaalaneysay xeebta Lido ee Muqdisho

Gabadhan badda ku dabaalaneysa waa mid ka mid ah sawirrada ay ugu jeceshahay Fardowsa.

"Qurux iyo xasillooni ayaa ka muuqata, inkastoo hareereheeda ay buuq iyo sawaxan ka jireen," ayey tiri.

Fardowsa waxay tilmaamtay in sidoo kale xirnaashaha xijaabka uu gabadhaas ka dhigay qurux, taa oo siisay fursad ay ku qabato sawirkan.

Xigashada Sawirka, Fardowsa Hussein

Sidoo kale waxay qabatay sawirka gabdhahan isaga ciyaaraha biyaha oo ay lugaha la galeen.

Xigashada Sawirka, Hana Mire

"Aways aad ayuu u jecel yahay sawirkan," ayey tiri Hana Mire.

"Waa qof naxariis badan. Wuxuu ii sheegay in sawirkan uu yahay midkii ugu horreeyay ee laga qaaday. Wuxuu la kulmaa faquuq nooc kasta ah."

Hana Mire waxay sheegeysaa in ay muhiim tahay in la muujiyo sida Soomaalida u kala duwan tahay.

"Inta badan dadka waxay la tahay in Soomaalida ay hal qabiil tahay, iyo in dhammaantood ay ku hadlaan hal luqad. Balse taa dhab ma ahan."

Xigashada Sawirka, Hana Mire

Qoraalka sawirka,

Gabadh ku jirta masaajid, ciidii la soo dhaafay

Sawirkan waxaa laga qaaday gudaha Masaajidka Xamar Wayne oo ka mid ah kuwa ugu qadiimisan, waxayna ahayd xilli ciid ah.

"Way istaagtay waxaana dhallaalayay xijaabkeeda jaallaha ah," ayey tiri Hana Mire.

Xigashada Sawirka, Hana Mire

Hana waxay sidoo kale sawirkan ka qaaday jidadka cidhiidhiga ah ee Xamar Wayne. "Halkan waa meelaha aan jeclahay in aan sawir ka qaado ee magaalada Muqdisho," ayey tiri.

"Waxaan arkay ninkan oo socda, waxaan ka helay lebiskiisa. Waxaan waydiistay in aan sawirkiisa qaadan karo, wuxuuna ii sheegay in uu ku farxayo in aan sawirto."

Xigashada Sawirka, Hana Mire

Qoraalka sawirka,

Xaafadda Shangani

Sawirkan way jeceshahay Hana Mire.

"Waxaan ku sugnaa xaafadda qadiimiga ah ee Shangani. In kastoo dhismeyaasha ka arkayso dhibaatada colaadda, waxaan haddana ku xasuustaa waalidiinteyda iyo xilligii farxadda iyo quruxda ee magaaladan cajiibka ah."

Waxay tilmaamtay sida ay u aamusto una xusuusato khibraddii waalidiinteeda, marka ay aragto canugan yar ee daawanaya badda.

"Waxaan u maleeyaan aniga inaan ahay. Wuxuu matalayaa carruurnimadeyda."

Xigashada Sawirka, Hanna Mire

Gabdhahan sawir-qaadeyaasha ah waxay dareemayaan in reer galbeedka ay bedeleen sida Soomaaliya loo arko ayna ku mataleen meesha ugu halista badan dunida, ayna baabi'iyeen colaado, cudurro iyo macluul.

Waxay sheegeen in ay doonayaan in iyaga ay maamulaan wararka Soomaaliya, ayna soo bandhigaan warar dhameystiran oo sax ah oo muujinaya nolosha dhabta ah ee dalka.