Korinta carruurta: Waalidiinta reer galbeedka ma si "naxariis darro" ah ayey u koriyaan carruurta?

.

Xigashada Sawirka, AFP

"Miyuu wali ku jiraa qolkiisa?" waa su'aal ay waalidiinta cusub had iyo jeer yiraahdaan marka ay ilmahooda u yara weynaadan. Laakiin in ilmaha qol gooni ah ama sariir kaligood la seexiyo ayaa ah arrin dhowaan soo badatay mana ahan mid ku baahsan dunida oo dhan. Waxaa jira dhaqamo badan oo kale oo ay caadi tahay in qol lala wadaago ama sariirta lagula seexdo ilmaha.

Tani ma aha tusaalaha kaliya ee waalidiinta cusub ee reer galbeedka ay leeyihiin.

Waalidiinta ku nool Mareykanka iyo UK waxaa lagula taliyaa inay ilmahooda seexdaan qolka waalidka ugu yaraan lixda bilood ee ugu horeysa, balse waxa jira qaar ka soo horjeeda taladaas.

Bulshooyinka ku nool dunida ayaa badankood carruurta waalidkood ay aad ugu dhegan yihiin. Dib u eegis 2016-kii lagu sameeyay baaritaan ku saabsan carruurta la seexda waalidkood ayaa tirada ugu badan laga helay Qaaradda Aasiya. Hindiya iyo Indonesia waa in ka badan 70% Hindiya iyo Indooniisiya, halka ay yihiin 80% Sri Lanka iyo Vietnam.

Debmita Dutta, oo ah dhakhtar ku sugan magaalada Bangalore ee dalka Hindiya ayaa sheegtay in walow ay jirto saameynta reer galbeedka, haddana weli waalidiinta ilmahooda qol gooni ah ama sariir gooni ah aysan u oggoleyn.

"In sariirta ilmaha lagula seexdo waxay leedahay faa'iidooyin badan, waxayna u fiican tahay hooyada iyo ilmahaba, gaar ahaan xilliyada habeenkii," ayey yiri Dutta.

Duta oo hadda gabadheeda ay 7 sano jir tahay ayaa tiri "Xitaa ka dib markan joojisay naas-nuujinta, waxaan wali jecelahay inay nala seexato hal qol."

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waalidiin badan oo ku nool waddamada reer galbeedka waxay bilaabeen nidaam ay ilmaha ugu tababarayan xilliyada hurdada, taas oo u sahlaysa inay ka yara maqnaadaan xilliyada ay wax qabsanayaan si aysan "u ooyin", iyagoo isku dayaya inay ku dhiirrigeliyaan ilmahooda inay seexdaan muddo dheer si ay waalidkood u helaan xoogaa nasasho ah.

Cilmibaaris ay si wadajir ah u sameeyeen Jun Kohyama, oo ah agaasimaha guud ee xarunta caafimadka ee Tokyo Bay Urayasu Ichikawa iyo asxaabtiisa ayay ku ogaadeen in ilmaha ku nool Japan ay u muuqdaan kuwa seexda wax ka yar marka la barbar-dhigo dalalka kale ee Aasiya.

Kohyama waxaa kale oo uu ogaaday in carruurta ku nool waddamada Aasiya ay xilliyada hurdada ka dambeeyaan kuwa kale ee ku nool waddamada Caucasian-ka ay ku badanyihiin.

Wuxuu aaminsan yahay in waalidiinta doonaya inay waqti la qaataan carruurtooda fiidkii ay eedda leeyihiin.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dalka UK, Akadeemiyada Mareykanka ee Caafimaadka Carruurta ayaa waalidiinta kula talineysa inay qol la wadaagaan ilmahooda si loo yareeyo halista cudurrada dhimashada keena, waxayna sidoo kale ka digeysaa in hal sariir lagula seexdo maxaa yeelay waxay sii kordhinaysaa halista heerka dhimashada carruurta.

Daraasadaha ku saabsan mowduucan inta badan waxay ka yimaadaan waddamada dhaqaalahoodu sarreeyo, halkaasoo in sariir la isla wadaago aan laga aqoonin.

Laakiin waddamada dhaqaalahoodu hooseeyo, ee sariirta in carruurta lagula seexdo ay dhaqan u tahay, sidoo kale waxay leeyihiin heerarka ugu hooseeya ee dhimashada carruurta adduunka.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sida ay isu soo dhawaansho ugu noqonayso habeenkii marka hooyada iyo ilmaha ay isku sariir ku seexdaan, xambaarsiga ilmahana waxay waalidka iyo ilmaha isu soo dhawaysaa maalintii.

Xitaa waalidiinta aan isticmaalin shakaalka waxay u badan tahay inay ogaadeen degenaanshaha deg dega ah ee waalidiinta dareemaan marka ay ilmahooda xambaarsan yihiin.

"Waxay dareen ahaan og yihiin in dhaqdhaqaaqa noocan oo kale ah, inta u dhaxaysa 1-2 , uu xoogaa awood u leeyahay inuu ku dejiyo ilmaha yar," ayay tiri Kumi Kuroda, oo ka tirsan Xarunta sayniska ee Riken ee ku taala dalka Japan.

Baaristeeda waxay ku ogaatay in qaadista cunugu ay yareyneyso garaaca wadnaha iyo waliba oohinta.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Laakiin fikradda ah in soo jeedka habeenku caadi yahay ma aha farriinta ay waalidiinta cusub ee reer Galbeedku ka helayaan qoyskooda, asxaabtooda iyo bulshada oo dhan.

"Waalidiinta niyad jabsan waxay la kulmaan hurdo xumida cunuggooda marka loo eego waalidiinta aan sidaas ahayn," ayay tiri.

"Dooddeennu waa taas run ahaantii waxaan u baahan nahay inaan ku taageerno inay ka fikiraan waxaas oo dhan si ka duwan sidii hore."

Fikradda ah in carruurta waaweyn "ay awoodaan" inay seexdaan habeenkii oo dhan waxay ka timid cilmi-baaris la sameeyay 1950-kii oo loogu kuur galay carruur kooban oo ah 160 oo ku nool London, kuwaasoo 70% ka mid ah ay bilaabeen "inay seexdaan habeenkii" markay gaareen saddex bilood.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ilaa maanta waxa socda baaritaan badan oo ku saabsan hurdada. Balse baaritaankii ugu badnaa dhawr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay waxaa lagu sameeyay carruurta reer galbeedka.

In kasta oo ay jiraan kala duwanaansho u dhexeeya dhaqamada marka ay timaado sida aan u daryeelno dhallaanka, haddana waxaa jira farqiyo badan oo dhexdooda ah. Ma aha in qof walba oo reer galbeed ah u maleeyo in ilmo yar oo qolkiisa ku dhex jira ay habboon tahay. Tusaale ahaan, hal daraasad ayaa muujisay in waalidiinta Talyaaniga ay arrintaas u arkaan "naxariis la'aan".

Xaaladaha shaqsiyeed ayaa door weyn ka ciyaara sida waalidiinta u daryeelaan dhallaankooda, waalid walbana wuxuu helaa dariiq gaar ah oo uu wax u sameeyo. "Qoysaska oo dhan way kala duwan yihiin, sidaa darteed kala duwanaanta ballaaran waa caadi," ayay tiri Kuroda.