Maalinkii ugu dhimashada badneyd dibadbaxyada dalka Myanmar

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka,

.

Dad badan ayaa waxaa dalka Myanmar ku dilay ciidamada ammaanka ee dalkaasi.

Ugu yaraan 91 qof oo ay caruur ku jiraan ayaa la dilay, tiradaasi oo ay diiwaangalisay hay'adda caawiso dadka u xir-xiran siyaasadda ee loo soo gaabiyo (AAPP),.

Waxaa lagu tilmaamay in ay Sabtidii ahayd ahayd maalinkii ugu dhimashada badnaa tan iyo intii ay dibadbaxyada ka bilaabmeen dalka Myanmar.

"Waxay noo dilayaan sidii Shinbiraha iyo Digaaga oo kale, xitaa anaga oo guriyaha ku sugan ," waxaa sidaasi wakaalada wararka ee Reuters u sheegay Thu Ya Zaw oo ku sugan magaalada Myingyan.

"Dan kama lahin ee waan sii wadeynaa dibadbaxyada", ayuu intaa ku daray.

Howlgaladan ay booliiska dadka badan ku laayeen ayaa ku soo beegmaya, xilli ay horey militariga uga digeen dibadbaxayaasha in ay isu soo baxaan.

Saraakiisha Mareykanka, UK iyo midowga Yurub ayaa cambaareeyay falka lagula kacay dibadbaxayaasha.

Tiradan ugu dambeysay ee ku dhimatay dibadbaxyada Myanmar ayaa waxay tirada guud tan iyo 1 bishii February waxay ka dhigaysaa in ka badan 400.

Militariga dalka Myanmar ayaa xukunka dalkan ku yaalla Koonfurta Eeshiya la wareegay ka dib doorasho uu si wayn ugu guuleystay xisbiga Aung San Suu Kyi ee National League for Democracy (NLD).

Maxaa ka dhacaya waddooyiinka dalkaasi?

Dibadbaxayaasha oo ku gacan-seyray hanjabaada militariga ayaa waxay isugu soo baxeen guud ahaan dalkaasi Myanmar.

Telefeshinka qaranka Myanmar ayaa war uu baahiyay waxaa uu dibadbaxayaasha uga digay "in ay cashar ka bartaan musiibadii iyo dhamashadii foosha xumeyd ee horey u dhacday islamarkana ay halis ugu jiraan in madaxa iyo dhabarka laga toogto ".

Tira aad u badan oo ah ciidamada ammaanka ayaa soo baxay si ay uga hortagaan dibadbaxyaasha.

Sawiro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dad qaba dhaawacyo rasaas iyo qoysas barooranaya.