Afgembiga Myanmar: Janaraallada Myanmar oo dabaal degaya

Mourners at the funeral for Kyaw Win Maung in Mandalay

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka,

Dad ku sugan tacsida Kyaw Win Maung oo lagu dilay Mandalay

Dilka in ka badan 90 dibadbaxayaal ah loogu geystay Myanmar ayaa sababay cambaareyn caalami ah, iyadoo wasiirrada gaashaandhigga dalal ka badan 12 ay cambaareyn u soo jeediyeen milatariga dalkaas.

Mareykanka ayaa ku eedeeyay xoogagga ammaanka "argagixisanimo" kaddib shalay oo dibadbaxyadii dhacay lagu dilay dadkii ugu badnaa tan iyo afgembigii bishii la soo dhaafay ka dhacay dalkaas.

Hoggaamiyaha afgembiga Min Aung Hlaing iyo janaraalladiisa ayaa dhigtay xaflad tamashleyn ah oo loo qabtay Maalinta Xoogagga Hubeysan.

Maanta waxaa aas loo sameeyay dadkii ku dhintay dibadbaxyadii shaly, iyadoo wararku ay sheegayaan in milatariga uu isku dayay faragelinta tacsida.

Ilaa 400 oo qof ayaa haatan lagu dilay Myanmar tan iyo afgembigii 1-dii February.

Milatariga ayaa la wareegay xukunka dalkaas ku yaalla Koofur Bari Aasiya kaddib markii doorasho la qabtay uu ku guuleystay xisbiga Aung San Suu Kyi ee (NLD).

Muxuu caalamku ka yiri?

Wasiirrada gaashaandhigga dalal dhowr ah oo ay UK ka mid tahay, ayaa maanta soo saaray warsaxaafadeed dhif ah oo ay ku cambaareynayaan falka milatariga.

Mareykanka, Japan iyo Australia ayaa ka mid ah dadka ku jira warsaxaafadeedka oo lagu yiri: "Milatari xirfad yaqaan ah wuxuu raacaa shuruucda caalamiga ah wuxuuna mas'uul ka yahay dhowridda - ma aha dhibka - dadka uu u adeego."

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka,

Dibadbaxayaal ku sugan Mandalay oo sita sawirka hoggaamiyaha xiran Aung San Suu Kyi

Dalka Myanmar

  • Myanmar, oo sidoo kale loo yaqaanno Burma, ayaa xornimada ka qaatay Britain sanadkii 1948. Inta badan taarriikhdeeda casriga ah waxay hoos tageysay xukun milatari
  • Xayiraadaha ayaa la dabciyay sanadkii 2010, taas oo horseedday doorashooyin xor ah sanadkii 2015, hogaamiyihii mucaaradka ee rugcaddaaga ah Aung San Suu Kyi ayaana sanadkii xigay dowlad soo dhistay
  • Sanadkii 2017, ciidamada Myanmar ayaa ka jawaabay weerarro ay kooxaha Rohingya u geysteen booliiska iyagoo kaga jawaabay ugaarsi uu dhiig ku daatay, taas oo sababtay in in ka badan kala bar milyan Mulsimiinta Rohingya ay u gudbaan Bangladesh, Qaramada Miodobay ayaa arrintaas ku tilmaantay "mid tusaale u ah isir-sifeyn"