Jilayaasha Netflix: Ninkii aflagaaddeeyay atariishadii is dishay oo lagu ganaaxay $80 doolar

Hana Kimura looks on during the press conference Bushiroad and Stardom on October 17, 2019 in Tokyo, Japan.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Musalsalka Terrace House ayaa la joojiyay kaddib geeridii Hana Kimura oo is dishay dhimatay bishii May 2020

Ganaax lacageed oo dhan 9,000 yen ($80; £59) ayaa la dul dhigay nin loo maxkamadeynayay eedeymo ku saabsan inuu aflagaaddeeyay atariisho barnaamij musalsal ah uga qeyb gali jirtay dalka Japan, taasoo is dishay sanadkii lasoo dhaafay, sida ay sheegeen dacwad oogeyaasha.

Warar kasoo baxay dalkaas ayaa sheegay in ninka oo aan magaciisa la shaacinin uu farriimo baraha bulshada ugu gudbiyay cinwaanka ay ku lahayd Hana Kimura, isagoo u sheegay in "shakhsiyaddeeda ay xun tahay", sidoo kalena weydiiyay su'aal ahayd "goormaad dhimaneysaa?"

Kamura, oo 22 jir ahayd ayaa lagu bartilmaameedsan jiray aflagaaddooyin iyo hadallo wax loogu dhimayo sumcaddeeda oo ay maalin kasta Twitter-ka u marin jireen taageerayaasheeda.

Barnaamijkii xaqiiqda ku saleysnaa ee ay atariishadaas wadday, oo la yiraahdo Terrace House, ayaa la joojiyay kaddib markii la shaaciyay dhimashadeeda bishii May ee sanadkii 2020-kii.

Soo saarista musalsalkan waxaa iska kaashan jiray shirkadda FujiTV ee dalka Japan iyo Netflix, wuxuuna si weyn caan uga ahaa dunida, ka hor inta aan la joojinin.

Musalsalkaas oo ahaa mid aan qorneyn ayaa looga hadlayay nolosha lix dhallinyaro ah oo hal guri ku wada nool balse si guud u raadsada nolol maalmeedkooda.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Hana Kimura waxay sidoo kale ciyaari jirtay musaaracada

Sannadihii lasoo dhaafay wuxuu kasbaday daawadeyaal aad u badan oo uga taxnaa caalamka qeybihiisa kala duwan, waxyaabaha lagu xiiseynayayna waxaa ka mid ahaa isdhexgalka dadka jilaya iyo in uu ku saleysnaa xaqiiq dhab ah.

'Qof aad u dulqaad badan'

Kimura waxay ku jirtay lix qof oo kasoo muuqday xalaqadii ugu dambeysay ee musalsalkaas, oo Tokyo lagu dhigay intii u dhaxeysay 2019 ilaa 2020.

Waxaa lasoo tabiyay in tacaddiyada loogu geysanayay online-ka ay xoogeysteen markii hal xalaqo - oo Japan kaliya laga daawaday - lagu arkay iyadoo la murmeysa qof kale oo ay qol isla daganaayeen.

Dhimashadeeda ka hor, waxaa lagu soo warramay in ay Twitter-ka soo dhigtay sawirro muujinaya iyadoo niyad jabsan iyo qoraallo laga garan karo inay aad u walwalsaneyd.

Warar laga soo xigtay booliska ayaa sheegay in ninka la maxkamadeeyay uu si joogto ah baraha bulshada usoo galin jiray farriimo tacaddi ah oo ka dhan ah haweeneydaas.

Dacwadda lagu soo oogay waxay ahayd dambi "aflagaaddeyn" ah. Marka la eego sharciga dalka Japan, dambiyada noocaas ah ciqaabtooda ugu badan waa ganaax lacageed oo dhan 9,999 yen.

Waxaa jira dambi kale oo kaas ka ciqaab culus "oo ah meel ka dhaca", waxaana lagu muteysan karaa ganaaxa lacageed oo ugu badnaan la eg 500,000 yen.

Xukunka maxkamadda ayaa sababay hadal heyn dhinaca baraha bulshada ah oo lagu sheegayo in uu yahay mid aad u sahlan.