Kala saaridda dowladda iyo diinta oo khilaaf ka abuurtay baraha bulshada Suuudaan

السودان

Xigashada Sawirka, Getty Images

Heshiiska dhanka mabaadi'da oo ay kala saxeexdeen dawladda Suudaan iyo dhaq-dhaqaaqa SPLM-North, ayaa Axaddii la soo dhaafaya ka dhacay magaalada Juba, wuxuuna gogol xaar u yahay wada-xaajood labada dhinac lagu wado inuu dhexmaro bisha soo socota, waxaase heshiiskaan uu muran badan ka dhaliyay baraha bulshada Suudaan.

Heshiiska ayaa dhigaya in diinta iyo dowladda la kala saaro, dhex dhexaadna laga noqdo arrimaha diinta, wuxuuna dammaanad qaadayaa xorriyadda caqiidooyinka iyo in dowladdu aysan qaadan wax diin ah oo rasmi u noqoto dalka.

Heshiiska waxaa ka mid ah in ismaamul la siiyo gobollada Suudaan iyo in la dhiso ciidan qaran oo mideysan oo ka tarjumaya kala duwanaanta Suudaan.

Madaxa Golaha Suudaan, Cabdel-Fattax Al-Burhan, ayaa sheegay inuu u arko saxiixa heshiiskaan "bilow dhab ah oo ka mid ah marxaladda kala guurka ee Suudaan."

Dhiniciisa, madaxa dhaq-dhaqaaqa SPLM-N, Cabdel Casiis Al-Hilu, ayaa sheegay in bayaanku "uu bixinayo xorriyado diimeed iyo mid qowmiyadeed isla markaana ilaalinaya xuquuqda shacabka Suudaan."

Ka gudbidda xadka Alle

Inkasta oo heshiisku wali ku jiro marxaladda ku dhawaaqista mabaadi'da" qodobbadiisana aan weli si rasmi ah loo ansixin, haddana arrintaan waxaa ay durbadiiba dhalisay kala qaybsanaan ballaaran oo dhanka baraha bulshada ah gaarhaanna gudaha dalka Suudaan.

Falcelintii ugu horreysay waxay ka timid Midowga Culimada, Imaamyada Suudaan, oo si qayaxan u diiday heshiiska, gaar ahaan aragtida ah in diinta iyo dowladda la kala saaro, iyagoo ku eedeynaya waxay ku tilmaameen"ku xadgudubka xadka Eebbe iyo Aayaadkiisa."

Culimada ayaa sheegay in dowlad kumeel gaar ah iyo dhaqdhaqaaq hubaysan aysan xaq u lahayn inay keligood go'aan ka gaaraan arrimaha xasaasiga ah.