Gabadhii taajirnimo been ah ka macaashi jirtay oo la xiray

Xigashada Sawirka, Getty Images
Taxane ay Netflix ka sameysay dembiyadeeda, oo lagu magacaabo Inventing Anna, ayaa haatan lagu guda jiraa soo saariddiisa
Waaxda socdaalka Mareykanka ayaa xiray haweeney taajirnimo been ah ku qaraaban jirtay oo loo heysto dembiyo dhaqaale, xilli ay iyadoo ku sugan New York iska dhigi jirtay taajirad.
Anna Sorokin, oo sameysatay magaca been abuurka ah ee Anna Delvey, ayaa la xiray 25-kii March.
Gabadhan 30 jirka ah ayaa loo musaafurinayaa dalkeeda Jarmalka kaddib markii xabsiga laga sii daayay bishii February.
Bishii April 2020 ayaa lagu helay dembi ah inay khiyaantay bankiyo iyo hoteello, iyadoo dhacday in ka badan $200,000 (£153,580).
Afhayeen u hadlay waaxda socdaalka ayaa BBC-da u sheegay in Sorokin lagu xiray jeel ku yaalla New Jersey. Faahfaahin kale lagama bixin.
Sorokin, oo u dhalatay Jarmalka, ayaa sii joogtay Mareykanka xilli uu dhacsanaa dal ku galkeeda.
Sorokin ayaa 25-kii March tagtay xarunta waaxda socdaalka ee magaalada New York waxaana lagu waday in maalin kaddib loo musaafuriyo Jarmalka balse waxay sii joogtay Mareykanka.
Ma cadda in Sorokin ay dood ka keentay musaafurinteeda iyo in kale.
Qareennada Sorokin ma aysan ka jawaabin mar shalay wax laga weydiiyay arrintaas.
Bishii February mid ka mid ah qareennadeeda, Todd Spodek, ayaa BBC-da u sheegay in uu filayo in Sorokin loo musaafuriyo Jarmalka xilliga la qorsheeyay.
Intii ay socotay maxkamadeynteeda dacwad oogayaasha ayaa ka sheekeeyay sida Sorokin, uoo wadatay magaca Anna Delvey, ay isaga dhigi jirtay inay leedahay adduun dhan $60m.
Si ay sanado u joogteyso arrintaas, Sorokin ayaa sidoo kale ku nooleyd nolol heer sare ah.
Dacwad oogayaasha ayaa sheegay inay adeegsan jirtay dokumentiyaal dhaqaale oo la soo xaday, isla markaana ay u suurto gashay inay hal banki deyn ahaan uga qaadato lacag dhan $100,000.
Xigashada Sawirka, BFA
Sorokin ayaa dadka ku khiyaani jirtay inay tahay bilyaneer
Qareenkeeda, Mr Spodek, ayaa ku dooday in Sorokin ay isku dayday inay "ka been sheegto ilaa ay ka dhabeysay".
Sorokin ayaa lagu helay ilaa siddeed dembi. Waxaa lagu xukumay afar ilaa 12 sano oo xabsi ah, balse bishii February ee sanadkan ayaa lagu sii daayay cafis loo sameeyay.
Sheekadeeda ayaa dunida qabsaday sanadkii 2018 kaddib markii wargeys caan ka ah New York uu qoray.
Tan iyo intii xabsiga laga sii daayay, Sorokin waxay ka faa'iideysatay caannimadeeda ay kasbatay intii ay maxkamadeyntu ku socotay. warbaahinta ayaa la dhacay sheekadeeda iyada oo bixin jirtay wareysiyo.
Shirkadda Netflix ayaa sorokin siisay Sorokin was paid $320,000 (£230,000) by Netflixsi ay sheeko uga sameeyaan qisadeeda. Qaar ka mid ah lacagtaas waxaa lagu guday bankiyadii ay khiyaantay.
Wareysi ay BBC-du la yeelatay bishii la soo dhaafay, Sorokin waxaa la weydiiyay in ay ku faa'iidday dembiga iyo in kale. "Marka dhan laga eego, waan ku faa'iiday" ayay ku jawaabtay.