Ma garan kartaa marka uu qof been sheegayo?

.

Xigashada Sawirka, Alamy

Fiirin kaliya kuma garan kartid qofka beenta sheegaya, laakiin khubarada cilmi nafsiga waxay isku dayayaan inay la imaadaan xeelado kale oo shaqeyn kara.

Tusaale ahaan, Booliska ayaa aaminsanaa in will 17 jir ah oo lagu magacaabo Marty Tankleff uu u muuqday qof daggan kaddib markii la arkay hooyadiis oo toori lagu dilay iyo aabihiis oo dhaawac uu markii dambe u dhintay la gaarsiiyay xilli ay ku sugnaayeen gurigooda ku yaalla meel jasiirad ah.

Saraakiishu ma aysan rumeysanin sheegashadiisii ahayd in uusan dambi lahayn wuxuuna dhammeystay 17 sano oo xabsi ah oo uu ku muteystay dilalkaas.

Kiis kalena, dambi baareyaal ayaa aaminay in wiil 16 jir ah oo lagu magacaabo Jeffrey Deskovic uu u muuqday qof argagaxsan diyaarna u ah inuu caawiyo dambi baareyaasha kaddib markii arday ay dugsiga sare isla dhiganayeen lagu dilay ceeji. Isaga laftiisa waxaaa lagu xukumay inuu been sheegayay wuxuuna xirnaa ku dhawaad 16 sano.

Labada wiil mid ma uusan murugeysneyn. Kan kalena aad buu u murugeysnaa. Hadda sidee ayaa labadaas dareen ee kala duwan loogu ogaaday xaqiiqda ku saabsan dambi qarsanaa.

Xigashada Sawirka, Alamy

Xaalku sidaas ma ahayn, sida ay sheegtay Maria Hartwig, oo ka tirsan kubarada cilmi nafsiga ee daraasadaha ka sameeya macadha cilmi baarista dambiyada ee Jaamacadda New York.

Labada ninba waxaa goor dambe la ogaaday in ay ahaayeen dhibaneyaal si kama ah loogu maleeyay dambiileyaal.

Dhaqamada kala duwan waxaa dadka lagu eegaa hab dhaqanka ay u hadlayaan iyo hadallada ay adeegsadaan si loo qiyaaso beentooda iyo runtooda.

Hase yeeshee cilmi baareyaashu caddeymo ku filan uma aysan helin arrinta ku saabsan in la eego dadka hab dhaqankooda hadalka, inkastoo ay tobannaan sano cilmi baaris wadeen.

"Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee aan wajahno waa in qof walba uu ogyahay sida ay sheegista beenta u shaqeyso," ayay tidhi Hartwig, oo qeyb ka ahayd daraasad lagu baarayay astaamaha lagu karan karo qofka beenta sheegaya.

Khubarada cilmi nafsigu waxay muddo dheer ogaayeen sida ay u adag tahay in si dhab ah loo garto qofka aan runta sheegeynin.

Sanadkii 2003-dii, Bella DePaulo oo ku takhasustay cilmi nafsiga, haddana ka howl gasha jaamacadda California ee magaalada Santa Barbara, ayaa iyada iyo howl-wadeennada kale ee la shaqeeya waxay aruuriyeen calaamado badan oo laga dheehan karo qofka marka uu been sheegayo. Waxaa ka mid ah googoynta hadallada, neefsashada meelaha aan ku habooneyn, hadallada qiyaasta laga dhex fahmayo, hakadyada qeyrul caadiga ah iyo waxyaabo kale.

Waxay isbarbardhig ku sameeyeen sida ay astaamahaas u muuqanayaan marka uu qof run sheegayo ama been sheegayo, inkastoo ay jiraan waxyaabo aysan bani'aadanka qiyaasi karin saxdooda iyo khaladkooda.

Aqoonyahannadu waxay xitaa sheegeen in qalabka beenta lagu garto ee la sameeyay qarnigii 20-aad gudihiisa uusan ahayn mid wal walba sida saxda ah wax loogu ogaado.

Xigashada Sawirka, Alamy

Cilmi baareyaasha waxay soo jeediyeen in booliska iyo dambi baareyaasha laamaha amniga ay ka gudbaan xeeladihii hore ee ay u adeegsan jireen soo saarista xaqiiqda. Waxay ku talinayaan in la badiyo adeegsiga seyniska halkii qiyaas iyo qiimeyn lagu socon lahaa marka lala tacaalayo dambiyada aan caddeymaha lahayn ee jah wareerka keeni kara.

Hartwig waxay rajeyneysaa in booliska loo sameeyo tababarro ka caawin kara in ay isticmaalaan xeelado ka fiican kuwii ay ku dhagganaayeen.

Mark Fallon, oo ah sarkaal horay uga tirsanaan jiray waaxda dambi baarista ee Ciidanka badda Mareykanka ayaa Hartwig ka caawinaya in laga shaqeeyo tababarista dambi baareyaasha si aan caddaalad darro loogu xukumin dad dhibaneyaal ah.

Mr Fallon wuxuu rajeynayaa in mustaqbalka la helo xeelado la isku halleyn karo si aan dadka dambi laaweyaasha ah noloshooda loogu ciyaarin, sida ku dhacday Jeffrey Deskovic iyo Marty Tankleff.