Dagaalka Israa'iil iyo Falastiin: Sharaxaad ku saabsan sida xaaladda taagan ay ku bilaabatay

Iska hor imaayada ka socda Qudus

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxaa xalay dhaqan gashay xabbad-joojin u dhaxaysa Israa'iil iyo dagaal-yahannada Falastiiniyiinta ee Xamaas, kaddib 11 maalmood oo uu dagaal dhex marayay, kaas oo ay ku dhinteen ilaa 250 qof. Here are some of the main news lines so far:

Howlgal nadiifin ah ayaa ka socda waddooyinka uu burburka dhismaha qariyay ee Gaza.

Rabshadahan oo ka bilowday masaajidka Barakeysan ee Al-Aqsa, waxay sii ballaarteen markii Xamaas ay gantaallo ku weerartay magaalooyiinka Israa'iil oo dhankeeda bilowday in ay duqeyso Marinka Qaza.

Siday ku bilaabatay?

Xigashada Sawirka, Getty Images

Arrin taagnayd muddo 100 sano ah

Wuxuu khilaafka bilawday markii Britain ay la wareegtay aagga loo yaqaan Falastiin, waa xilligii laga adkaaday taliyihii qaybtaas Bariga Dhexe ee Boqortooyadii Cusmaaniyiinta. Waxaa markaa bilow ahaa dagaalkii Kowaad ee adduunka.

Waxaa dhulkaas deganaa Yuhuud tiro yar iyo Carab aad u badan.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Intii u dhexeysay 1920 iyo 40, waxaa sare u kacay tirada dadka Yahuudda ah ee halkaas gaarayay. Badankooda waxay ka qaxayeen Yurub oo dagaallo ay ka jireen, waxayna ka baxsanayeen in la dilo. Waxay raadinayeen meel ay degaan ka dib xasuuqii Holocaust ee WWII.

Balse khilaafka wuxuu ahaa mid muddo qarniyo ah soo jiray, xitaa ka hor inta aan la aasaasin Israa'iil.

Sannadkii 1947, Qaramada Midoobey ayaa soo saartay qaraar lagu kala goynayay Falastiin oo markaasi hoos imaanaysay gumeystihii Ingiriiska.

Qorshahaas wuxuu ahaa in Falastiin laba dal laga dhigo, oo kala ah Israa'iil iyo Falastiin.

Israa'iil ayaa la siiyay boqolkiiba 55% halka 45% hartay la siyay Falastiiniyiinta.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Balse Badi beesha caalamka oo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay iyo maxkmadda caalamiga ah ee cadaaladda, waxay sheegeen in deegaamaynta ay Israa'iil ka sameyneyso dhulkii Falastiiniyiinta in ay tahay sharci darro.

Taasi waxaa saldhig u ah qodobka afaraad ee xeerka Geneva ee 1949, kaas oo mamnuucaya in dal haysta dhulka dal kale uu u sii gudbiyo shacabkiisa, si ay u degaan deegaanno xoog lagu qabsaday.

Laakiin Israa'iil waxay sheegtay in xeerka afaraad ee Geneva uusan saameyneynin lahaanshaha Daanta Galbeed, iyadoo ku doodaysa in dhulkaas aanu farsamo ahaan ahayn dhul la haysto.

Mareykanku wuxuu ku tilmaamay deegaamaynta Israa'iil, ee dhulka la haysto, mid "sharci daro ah" laakiin wuxuu ka laabtay in uu ugu yeero "sharci daro", wixii ka dambeeyay Carter ee sanadkii 1980-kii.

Khariidada maanta

Deegaameynta waa goobo dad la dajiyey oo Isra'iil ka sameysay deegaamadda ay ku qabsatay dagaaladdii ka dhacay Bariga Dhexe 1967.

Waxaa ka mid ah deegaamaddaas Daanta Galbeed, Bariga Qudus iyo Buuraleyda Golan Heights. Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus waxaa horey u haystay Jordan tan iyo dagaalkii 1948-49 ee Carabta iyo Isra'iil.

Sidoo kale, Israa'iil waxay deegaameyn ka hirgalisay Marinka Gaza oo ay ka qabsatay Masar intii lagu jiray dagaalkii 1967-dii, laakiin waxay burburisay markii ay halkaas ka baxday sanadkii 2005-tii.

Si la mid ah, waxay deegaamayn ka sameysay Gacanka Siinaay oo sidoo kale ay ka qabsatay Masar 1967-dii. Waxaana taa lagu burburiyay heshiiskii 1982-dii ee dhexmaray Masar iyo Israa'iil.

Waxaa kale oo jira tobonnaan deegaanno laga sameeyay buuralayda la haysto ee Golan Heights, oo ay ka qabsatay Suuriya dagaalkii 1967-dii.

Goobaha deegaameynta laga sameeyay ee Daanta Galbeed waa boqolkiiba 2%, laakiin dadka dhaliila waxay sheegayaan in dhulkaas ay maamulaan kooxaha u olaleeya deegaamaynta, sida dhulka beeraha iyo goobo kale, waana in ciidamo ay joogaan.

Xaaladda deegaamaynta Yuhuuda ee Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus waxay muddo dheer ahayd ubucda khilaafka u dhaxeeya Israa'iil iyo inta badan dalalka beesha caalamka, oo uu ku jiro saaxiibka ugu wayn Israa;iil ee Mareykanka.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Hadda maxaa socda?

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maalmihii la soo dhaafay magaalada Qudus waxaa ka dhacayey iska horimaadyadii ugu xumaa oo muddo sanado ah halkaasi ka dhaca.

Falastiiniyiinta ayaa si weyn uga carooday ka dib markii dadkii tukanayay laga hor istaagay inay galaan masaajidka seddexaad ee barakeysan ee al-Aqsa, oo aan ka fogeyn Macbadka Mount ee ay dadka Yahuudda ku cibaadeysstaan.

Iska horimaadyada rabshadaha wata waxay dhexmareen Booliska Israa'iil iyo Falastiiniyiinta ka careysan in qoysaska laga rarayo qayba ka mid ah Bariga Quddus oo la rabo in deegaameyn looga sameeyo dad Yuhuud ah.

Hay'adda bisha Cas ee Falastiin waxay shalay sheegtay in rabshadihii laamaha ammaanka Israa'iil iyo Falastiiniyiinta maalmihii la soo dhaafay ku dhex marayey Qudus iyo Daanta galbeed ay ku dhaawacmeen dad Falastiiniyiin ah oo ka badan 700.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dhibaatada ugu weyn

Dagaalkii Carabta iyo Israa'iil ayaa qarxay sannaddii 1948, ka dib markii Israa'iil ay ku dhawaaqday in ay dal yihiin, islamarkana ay qabsadeen boqolkiiba 78% dhulkaas. Xilligaasm intii hartay oo kala ah Daanta Galbeed, Bariga Qudus iyo Qaza waxay hoos imanayeen Masar iyo Urdun.

Israa'iil ayaa xoojisay qabsashada dhulkaas, sannadkii 1967, ka dib dagaalkii labaad ee Carabta iyo Israa'iil, markaasi oo ay isku sii fidisay bariga Qudus iyo waliba la wareegida magaalada Qudus guud ahaan.

Muddo Sannado, Israa'iil waxay qaadaysay tallaabooyiin ay gacanta ugu dhigayso qeybta qadiimiga ah ee magaalada Qudus, guud ahaan.

Sannadkii 1980, Israa'iil waxay ansixisay sharci lagu qeexay in magaalada Qudus ay tahay mid "gabi ahaanteedaba mideysan" ayna tahay caasimada Israa'iil, taasi oo ah mid jabinaysay shuruucda caalamiga ah.

Waa sidee mustaqbalka?

Marka la soo koobo, xaaladda si degdeg ah looma xallin doono.

Qorshihii nabadeed ee ugu dambeeyay, ee ay diyaariyeen Mareykanka, markii uu Donald Trump ahaa Madaxweynaha, waxaa loogu yeeray "heshiiskii qarniga" waxaana aqbalay Ra'iisul wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, balse Falastiiniyiinta ayaa diiday, waxayna ku tilmaameen heshiis hal dhinac ah, ka dib markii Trump uu Qudus u aqoosaday caasimadda Israa'iil.

Heshiis kasta oo nabadeed oo mustaqbalka la isla gaaro, wuxuu u baahan doonaa in labada dhinacba ay ku heshiiyaan xallinta arrimaha murugsan.

Illaa ay taasi dhacdo, khilaafka wuu sii socon doonaa.