Dalka Eritrea maxay weligeed doorasho uga dhicin?

Madaxweyne Isaayaas Afawarqii

Xigashada Sawirka, EDUARDO SOTERAS

Shacabka Eritrea waxay xorriyaddooda dalka Itoobiya ka qaateen sanadkii 1991-kii. Dalka Eritrea oo 30 sana xor ah weli doorasha kama dhicin, dastuurka dalkaasi u yaallana si buuxda uma dhaqan gelin iyada oo ay muuqan wax saansaan oo muujinaysa iney dalkaasi sanadaha soo socda ay doorasho ka dhacdo.

Haddaba maxay yihiin sababaha uu madaxweyne Isaayaas Afawarqii uu u oggolaan waayey iney dalkiisa doorasho ka dhacdo?

Halganka xornimo doonka Eritrea

Aqoonyaannada u dhuun daloola siyaasadda dalka Eritrea waxay sheegaan Ururka EPLF iyo EFL ee u soo halgamay xorriyadda iyo madax bannaanida dalkaasi hadafkooda inuu ahaa "Heeryada guumeysiga iney iska dul qaadaan ayna sameeyaan Eritrea ku dhisan Dastuur iyo Dimuqraadiyad."

Sharci yaqaan Dawiit Fisahaye wuxuu sheegay shirki labaad ee 1995-kii Saahil lagu qabtay iyo shirki seddexaad ee 2002-dii la qabtay laguna ansixiyey axdi qarameedka dalkaasi ujeedkiisu inuu ahaa "In la dhiso dowlad Dastuur iyo Dimuqraadiyad ku dhisan".

1998-kii mar uu madaxweyne Isaayaas Afawarqii uu ahaa guddoomiyaha xisbigiisa wuxuu ku baaqay iney shacabka dalkaasi inta tabartooda ah ay uga qayb qaataan dib u dhiska dalka iyo nidaamka dowliga ee dalka laga dhisayo si loo helo nidaam dadka oo dhan matala loona taabba geliyo nidaam suuragelinaya xisbiyada badan maadaamaa nidaam uu hal xisbi oo keli ah hoggaaminayo uu dalku u horseedi karin xasilooni iyo dammaanad buxda.

Haddaba xaaladuhu sideey iisu beddeleen?

Shacabka Eritrea afti madaxbannaani oo 1993-kii loo qaaday Eritrea iney Itoobiya madaxbannaani ka qaadato waxaa xornimo u codeeyey 99.8%.

19-kii May 1993-kii waxaa la soo saaray bayaanka uu tirsigiisa ahaa 37/1993 oo dhigayey dastuurka dalka iyo shuruucda saxaafadda dalka in la diyaariyo isla-markaana la dhiso dowlad ku meel gaar ah oo muddo 4 sana ah dalka Eritrea ka arrimiso.

Hase yeeshee sharcigaasi inuu meel maro waxaa caqabad ku noqday dagaalka xadka ee ka dhex qarxay Itoobiya iyo Eritrea. 1997-kiina baarlamaanka dalka Eritrea wuxuu ansixiyey guddiga soo diyaarinayo dastuurka dalkaasi uu yeelanayo.

1996-kii marki la diyaariyey sharciga saxaafadda oo qabya ah waxaa dalka Eritrea si aad ugu soo batay wargeysyada gaarka loo leeyahay.

"Madaxweynihi horay ugu baaqay shacabka dalkaasi iney ka qayb qaataan arrimaha dalkooda wuxuu haddana amar uu ku bixiyey ciddi dooneyso siyaasadda dalka Eritrea iney ka qayb qaadato ay u soo mari karto oo keli ah xisbi siyaasadeed."

"Dabeecadaha Isaayaas qofka garanayo kuma uusan fikireen in la dhiso nidaam dowli ah oo loo dhan yahay balse fikirkaasi waxaa qabay shaqsiyaad ka agdhawaa oo keli ah" ayuu yiri Elyaas.

2001-dina waxaa la dhisay laba guddi oo soo hindiso sharciga dorashada iyo sharciga lagu maamulayo xisbiyada siyaasadeed.

Balse waxaa markiba howlaha guddiga joojiyey oo soo farageliyey madaxweyne Isaayaas, marki uu kala duwanaashaha siyaasadeed ee dalkaasi uu soo ifbaxayna waxaa xabsiga loo taxaabay siyaasiyiin iyo suxuufiyiin tira badan.

Wixi intaa ka dambeeyana doorasho cid fikir ahaan soo hadal qaadday ma jirto sidaa ayeyna doorasha ilaa iyo hadda uga dhiicin dalka Eritrea ee 30-ka qaranka madaxa bannaan ah.

Madaxweynaha fikirkiisi muxuu u beddelay?

"Madaxweyne Isaayaas wuxuu aaminsan yahay doorasha iney dalka Eritrea waxba ku soo kordhineyn" ayuu yiri Elyaas

"1988-kii muddo afar saac ah waxaan Isaayaas kulan kula yeeshay Sahil oo la rumeysan yahay iney xuddunta u tahay halganka dhaliyey madaxbannaani inuu dalkaasi ka qaato Itoobiya. Balse muddada aan wada hadleynay waan ka dhaadhicin waayey in dalka dorasha ay ka dhacdo aniga oo tusaalooyin badan soo hordhigay" ayuu yiri.

Madaxweyne Isaayaas oo u warramay wargeys ka soo baxa dalka Mareykanka ayaa la weydiiyey "Qorshaha ma kuugu jiraa inaan xilka ka degto mise si la mid ah madax badan oo Afrikaan ah inta aad ka dhimaneyso kursiga waad sii hayneysaa?", wuxuu ugu jawaabay "Anigu shacabka Eritrea haddii uu iga dalbado inaan kursiga ka dego oo aan si degdeg ah kursiga u banneeyo diyaar ayaan u ahay, doorashada waxaa iska leh shacabka" ayuu ku yiri.

Sida oo kale madaxweynaha oo xuska sanad guurada 17-aad ee loo dabbaal dagayey madax bannanida dalkaasi talefishiinka Al-jaziira ayaa weydiiyey su'aal ah goormeey dalka Eritrea doorasha ka dhaceysaa?

Madaxweyne Isaayaas su'aasha Al-jaziira wuxuu ugu jawaabay "Doorashada Mareykanka uu qabto natiijada ka soo baxda inta aan ka arkeyno doorasha run ah 30 ama 40 sano ayaan sugeynaa..." jawaabta uu ka bixiyey su'aasha doorashada laga weydiiyey oo muujineysay aragtida uu Isaayaas doorashada ka qabo.

"Arrimahaasi oo dhan oo isbiirsaday waxay sawir buuxda ka bixinayaan madaxweyne Isaayaas inta uu talada dalkaasi hayo inaan lagu fakari karin iney Eritrea doorasha ka dhacdo, umana maleynayo inta uu Isaayaas dalka xukumo inaan arko doorasha dalkaasi ka dhacdo" ayuu yiri.