Guddiga doorashooyinka wuxuu sheegay in loo saaray guddi soo baara cabashooyinka ay xisbiyada soo jeediyeen

Astaanta guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya

Xigashada Sawirka, National Electoral Board of Ethiopia

Guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya ayaa sheegay cabashooyin la xidhiidha geeddi-socodka diiwaangelinta codbixiyeyaasha Deegaanka Soomaalida oo ka soo gaaray xisbiyada siyaasadeed marka uu qiimeeyey uu go'aan ku gaaray in si ku meel gaar ah loo hakiyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ka socota 11 goob doorasho.

Goob doorashooyinkaasi oo isugu jira 7 goob doorasho oo cabashadooda guddiga dhawaan la soo gaarsiiyey iyo 4 goob doorashada oo cabashadooda ay horreysay.

Wuxuuna guddigu sheegay inuu u saaray 10 guddi oo goob doorashooyinkaasi cabashooyinka laga keenay baaritaan ku soo sameeyo natiijada baaritaankoodana sida ugu dhaqsaha badan u soo bandhigaya.

Xisbiyada deegaanka oo aan la xiriirnayna waxay noo sheegen iney natiijada baaritaanka guddiga ay ka war sugayaan.

Guddiga doorashooyinka muxuu sheegay?

Guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya ayaa soo saaray bayaan la xidhiidha cabshooyinka geeddi socodka diiwaabgelinta codbixiyeyaasha ee deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Guddigana wuxuu bayaankiisu sheegay goobaha codbinita ee ay xisbiyada mucaarad iyo muxaafidba cabashooyinka ay ka soo gaarsiiyeen iney qiimeyn ku sameeyeen, qiimeyntaa kaddibna ay go'aansadeen in la hakiyo howlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Guddiguna waxay si ku meel gaar ah u hakiyeen diiwaangelinta codbiyeyaasha 11 goob doorasha oo deegaanka Soomaalida ku yaalla.

Goob doorashooyinkaasina waxay Guddiga ku sheegeen:

  • Goob doorashada Araabbi
  • Goob doorashada Dhagaxmadow
  • Goob doorashada Godey
  • Goob doorashada Jigjiga 1
  • Goob doorashada Jigjiga 2
  • Goob doorashada Qabridahar
  • Goob doorashada Qallaafo
  • Goob doorashada Wardheer
  • Goob doorashada Fiiq
  • Goob doorashada Gallaaddi iyo
  • Goob doorashada Dhagaxbuu

Sida oo kale guddiga doorashoyinka wuxuu sheegay seddex goob doorasho oo kale oo geeddi socodka diiwaan gelintu maamulka deegaanka uu istaajiyey: Waxayna seddexdaasi goob doorasho kala yihiin:

  • Goob doorashada Ayshca
  • Goob doorashada Erer iyo
  • Goob doorashada Shinniile

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka,

Guddoomiyaha guddiga doorashada Itoobiya Birtukaan Mideqsa

Tallaabbada xigta uu guddigu qaadayo maxay tahay?

Guddigu doorashooyinka wuxuu sheegay iyaga oo ka duulaya cabashada xisbiyada kala duwan ee deegaanka soomalaida ka jira ay soo jeediyeen iney diiwaan gelinta codbixiyeeyaasha u hakiyeen, marki ay eegeen cabashoooyinka la soo gaarsiiyey iyo caddeymaha la soo gaarsiiyey.

Waxayna sheegeen in guddiyo cabashooyinka soo baara iney u saareen muddo koobanna guddigu uu baaritaankiisu ku soo dhammeystirayo natiijada baaritaanka guddiga ka soo baxdana lagu saleyn doono go'aanka kama dambeysta ah uu goob doorashooyinkaasi guddiga ka qaato, in gabi ahaanba diiwaan gelinta horay loo sameeyey laga noqonayo iyo inkale.

Xisbiyadu maxay ka yirahdeen bayaan guddiga doorashada?

Xisbiyada deegaanka Soomaalida oo Mucarad iyo Muxaafidba isugu jira oo ay BBC-da la xiriirtay waxay sheegeen iney bayaanka guddiga doorashooyinka ka soo baxay ay soo dhaweynayaan.

Waxayna intaa ku dareen iney ka war sugayaan natiijada baaritaanka guddiga ay ku soo sameeyaan goob doorashooyinkaasi, markaa kaddib ay iyaguna qaadan doonaan go'aanka dhankooda kaga aaddan amuurtan.

Doorashada dalka Itoobiya oo lagu waday iney dhacdo 5-ta bisha June ayaa la go'aamiyey iney dhacdo 21-ka bisha June kaddib marki ay Guddiga doorashooyinka iyo Xisbiyada siyaasadeed ee doorashada dalka Itoobiya ka qayb galaya ay yeesheen kulan ay kaga arrinsanayeeyn arrimaha doorashada.

Guddigana doorashooyinkana dalka Itoobiyana dib u dhigista doorashada wuxuu u sababeeyey iney jiraan caqabada dhawr ah oo ku gadaaman u diyaar garowga doorashada.