Biyo-xireenka Itoobiya: Ma jiraa "door" Israa'iil uga bannaan xiisadda biyo-xireenka ee Masar iyo Itoobiya?

Abiy iyo Netanyahu

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka,

Abiy iyo Netanyahu

Wargeysyo Carbeed iyo kuwa Masar ayaa qaadaa dhigay hadallo ay sheegeen qoreyaal iyo xubno baarlamaan Masaari ah oo ku saabsan "doorka" ay Israel ku leedahay xiisadda biyo-xidheenka fufka.

Saxafiga Mustafa Bakri ayaa sheegay in xiisadda biyo-xidheenka ay tahay siyaasad looga gol leeyahay in biyaha webiga Niil la gaadhsiiyo dawladda Israa'iil.

Sidoo kale xildhibaan Diyaa Addiin Daauud ayaa tilmaamay in Israa'iil u adeesanayso Itoobiya in ay culays ku saarto Masar si ay u gaadho "Israa'iisha weyn ee Niil iyo Furaat inta u dhaxaysa".

Musfata Al-Fiqi, oo ah diblomaasiga hore ee Masar ahna madaxa maktabada Al-iskandariya, ayaa sheegay in "Israa'iil saamayn ku leedahay arrinta biyo-xidheenka maadaama ay ku riyoonayso in ay ka mid noqoto dawladaha uu gaadho webiga Niil", tan iyo waagii madaxweynihii geeriyooday Maxamed Anwar Saadaat.

Tiro qoraayaal ah ayaa taageeray hadalladaa tilmaamaya in Itoobiya ka shaqaynayo in ay fuliso yoolka Israa'iil si ay "Qaahira gondaha dhulka ugu dhigto", halka kuwo kalena ay dhaleeceeyeen soo jeedinta ah in Masar ay Israa'iil ka doonto in ay dhexdhexaadin ka gasho xiisada biyo-xidheenka.

"Israa'iisha weyn"

Xusni Maxali Wuxuu wargeyska Mayaadiin ee Lubnaan ku qoray in "Israa'iil ay sanadihi u horreeyey ee aasaaskeeda damacday in ay biyaha Niil hesho, iyada oo adeegsanaysay mashaariic iyo qorsheyaal farobadan oo Maraykanka uu taageerayay".

Balse Amaani Al-Qirm waxay wargayska Ra'y Alyoom ee London ka soo baxa ku qortay in "muhiimadda ay Israa'iil siinayso biyaha guud ahaan iyo gaar ahaan meelaha Niil ka soo rogmado taas oo udub dhaxaad u ah aragtida Istiraatijiyadeed ee Israa'iil."

Qoreyaal dhowr ah ayaa diiday aragtida ah in Israa'iil laga dalbado in ay ka ergayso xiisadda biyo-xidheenka Itoobiya.

Cabdalla Sinnaawi oo wergyska Al-Akhbaar ee Lubnaan wax ku qoray ayaa dhaliilay soo jeedinta Mustafa Al-fiqii, waxaanu yidhi: "Waxyaabaha ugu daran ee haatan socda waxaa ka mid ah codadka Masar dhexdeeda ka dhawaaqaya ee doonaya in Israa'iil soo gasho xallinta xiisadda biyo-xidheenka Itoobiya".

Waxa arintaa la qaba Xusaam Cabdel Basiir oo wargeyska Al-Quds Al-Carabi ee London ka soo baxa ku qoray in "Israa'iil loo kaalmaysto culayska la saarayo Addis Ababa, waa wax aan la qaadan karin".

Xigashada Sawirka, Israa'iil iyo Itoobiya

Maxay Israa'iil doonaysaa?

Usaama al-Qasaali oo waregayska Ahraam wax ku qora ayaa isagu dhabbo kale qaaday, wuxuuna qabaa in loo baahan tahay in Masar ay Israa'iil weydiiso in ay mawqifkeeda caddayso.

"Waxay Masar aqqbashay, tan iyo heshiiskii madaxweynihii hore ee masar, Anwar Assaadaat, ee Israa'iil u furay iridaha dunida Carabta oo dhan iyo meelo kale oo heer gobol iyo mid caalami ah oo ay ilaa haatan maalin walba ku sii fidayso, waana waxa igu dhalinaya in Israa'iil la weydiiyo in ay mawqif cad oo ay Masar ku garab galayso ay la timaado, kaas oo ka dhan ah dagaalka jiritaanka ah ee ay kaga hortagtay arrinta biyo-xidheenka."

Waxaanu intaa ku daray Al-Qasaali: "Maaha oo kaliye xidhiidhka adag ee ay la leedhay Itoobiya, laakiin waxaa ka sii muhiimsan waa xidhiidhka qotada leh ee ay Maraykanka la leedahay iyo in ay fadhigii Golaha Ammaanka qaadatay mawqif debacsan oo u muuqday xiisadda loolal juquraafi iyo siyaasadeed oo dhex yaal Masar iyo Itoobiya".