Ciyaaraha Olimbikada: "Kuma dhacdid inaad i tiraahdo hadda dumar ma tihid"

Beatrice Masilingi oo u dhalatay dalka Namibia

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka,

Beatrice Masilingi oo u dhalatay dalka Namibia

Beatrice Masilingi oo u dhalatay dalka Namibia ayaa isu diyaarinaysa waqtigeedii ugu muhiimsanaa ee soo mara xirfadeeda iyada oo ka soo kabanaysa niyad-jabkeedii ugu waynaa.

Gabadhan oo 18 jir ah ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay inay ka qayb gasho tartanka 200m ee haweenka ee Olombikada Tokyo 2020 maalinta Isniinta ah.

Laakiin orodka 200m ayaa iyada u ah khiyaarka labaad waxayna isu diyaarinaysay inay ka qeyb gasho tartanka 400m ee dumarka.

Waxay u tartameysaa bilad dahab ah ka dib markii ay soo gashay kaalinta saddexaad ee ugu dhaqsaha badnayd sanadkan iyada oo ku oroday 49.53 ilbidhiqsi.

Farxadeedii hore ee isreebreebka Olombikada ayaa burburtay ka dib markii ay ku wargeliyeen guddiga olambikada inaysan awoodi doonin inay ka qeyb gasho tartanka 400m ee Ciyaaraha sababo la xiriira heerarka sare ee hoormoonkeeda testosterone oo mid ah caadi ahana ku badan ragga.

"Bilowgii aad ayaan u niyad jabsanaa, imika intaad ii timaado ima dhihi kartid haweeney ma tihid, runtii taasi waa niyad jab waxayna igu abuurtaa walaac laakiin ma jirto wax aan hadda ka qaban karno," ayay u sheegtay BBC.

"Waxay ahayd wax aad looga xumaado, sidoo kale aad bay ii xumaysay, waxaan sugayay horyaalkaygii ugu horreeyay ee Diamond League markii aan arkay warka".

"Runtii waa caddaalad darro maxaa yeelay ma filan kartid in qof walba isku mid noqdo, qof walba inuu yeesho karti isku mid ah, waxaan ku dhalannay kartiyo kala duwana, isku mid ma noqon karno macno ma sameyneyso."

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka,

Christine Mboma

Masilingi waxay guddiga olambikada ku wargeliyeen bishii July in heerarkeeda hoormoonka loo yaqaano testosterone ay dhaaftay xadka loo oggol yahay ciyaartooyda dumarka ah ee doonaya inay ku ordaan masaafo dhan 400m illaa hal mayl, haddii aysan iyada oo daawo la adeegsanayo hoos u dhigin hoormoonkeeda muddo ugu yaraan lix bilood ah.

In kasta oo ay niyad jabtay, haddana gabadhan dhalinyarada ah waxaa ka go'anayd inay ka faa'iidaysato waqtigeeda Olombikada.

"Aad ayaan u faraxsanahay, waxay ahayd mid ka mid ah himilooyinkeygii ugu weynaa laakiin runtii uma malaynaynin inaan gaari doono da'daan," ayuu Masilingi u sheegtay BBC.

Si ay riyadeeda usii noolaato Olombikada Masilingi iyo tababaraheeda Christine Mboma, waxaa saameeyay xeerarkan, waxay go'aansadeen inay beddelaan tababarkooda oo ay isku diyaariyaan 200m dhowr toddobaad ka hor Ciyaaraha.

Masilingi ayaa diiday inay dhigato bartilmaameedka Olombikada laakiin waxay sheegtay inay mar kale ku faraxsan tahay inay tartan gasho inkasta oo niyad jabkii hore la kulantay.

"Weli waxaan haystaa fursad kale, weli waxaan haystaa 200m oo aan weli ku tartami karo sidaa darteed ma aha in aan is niyad,weli waxaan dareemayaa farxadda aan uga qeyb galayo 400m, "ayay tiri.

Waxaan isku dayayaa inaanan aad ugu badnaan baraha bulshada maxaa yeelay waxaan hubaa inay