Xiisadda labada dal: Isra'iil iyo Iran oo mar kale gorodda iskula jira

Israeli PM Naftali Bennett

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka,

Naftali Bennett ayaa u muuqda mid hadal aargoosi, isaga oo sheegay in ay yaqaannaan sida Iran loogu jawaabo.

Ra'iisel wasaaraha Israa'iil ayaa sheegay inuu og yahay "si hubaal ah" in Iran ay ku lug lahayd weerar markab oo ka dhacay Cumaan, eedeyntan Tehran ayaa ku tilmaantay "mid aan sal iyo raad toona lahayn".

Laba shaqaale ah ayaa dhintay markii Mercer MV Street,oo u shaqeeya shirkad Israel leedahay, la weeraray Khamiistii..

Ra'iisul wasaaraha Israel Naftali Bennett ayaa ku gooddiyey "waan naqaan sida farriin loogu diro Iran", halka Tehran ay sheegtay "inaysan ka waaban doonin inay difaacdo danaheeda".

Waxaa jiray dhowr weerar oo dhawaan lagu qaaday maraakiibta ay maamulaan Israa'iil iyo Iiraan.

Weerarada tan iyo bishii Maarso ayaa loo arkaa inay yihiin dhacdooyin kicinaya xiisad cusub oo labada dhinac ah.

Waardiye British ah iyo shaqaale u dhashay Romania ayaa ku dhintay markabka Zodiac ee ka shaqeeya badda, iyada oo Maraykanku tilmaamayo in weerarku ah mid la adeegsaday drone.

Mr Bennett ayaa u sheegay shirkii golaha wasiirada ee Axadii cadeymo sirdoon oo jira in Iran ay soo qaaday weerarkaas.

Wuxuu ugu baaqay beesha caalamka inay si cad u sheegaan in Iran "ay samaysay khalad weyn".

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan, Saciid Khatibzadeh, ayaa weriyayaasha u sheegay in Israa'iil "ay tahay inay joojiso eedeymaha aan salka lahayn".Wuxuu ka sheegay eedeymaha: "Ku alla kii beeraa dabayshu wuxuu goostaa dabaylaha."

Si kastaba ha ahaatee, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee UK Dominic Raab ayaa isna eedeeyey Iran.

"Waxaan aaminsanahay in weerarkan uu ahaa mid ula kac ah, oo lala beegsaday, iyo xadgudub cad oo ay Iiraan ku samaysay sharciga caalamiga ah," ayuu Mr Raab ku yiri bayaankiisa.

"Qiimeynta UK waxay soo gabagabeysay inay aad ugu dhowdahay in Iran ay weerartay MV Mercer Street oo marayey biyaha caalamiga ah ee Cumaan 29kii Luulyo iyadoo adeegsanaysa hal ama in ka badan oo ah Gawaarida aan duuliyaha lahayn (UAVs)."

Iran ayaa ku eedaysay Israa'iil inay weerar ku qaaday goobaheeda nukliyeerka iyo saynisyahannadeeda.

Waxay ka soo horjeedaa wadahadaladii Vienna ee isku dayayay inay soo nooleeyaan heshiiskii caalamiga ahaa ee 2015 kaas oo cunaqabatayntii Iran laga qaaday, taas beddelkeedana ballanqaadyo ay ku samaysayTehran si loo xakameeyo barnaamijkeeda nukliyeerka.

Waddammada reer galbeedka ayaa ku eedeeya Iran inay isku dayeyso inay samaysato bam nukliyeer ah. Iran, ayaa iyaduna beeninaysa arrintan, waxayna ku adkaysanaysaa in barnaamijkeeda nukliyeerka uu diiradda saarayo cilmi -baadhista iyo korontada.