Ma khilaaf ayaa soo kala dhex galay Farmaajo iyo Rooble?

.

Xigashada Sawirka, Villa Soomaaliya

War-saxafaadeed ka soo baxay maanta gelinkii dambe xafiiska ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu sheegay in haayadaha dawladdu ay sii wadaan shaqadooda.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Rooble ayaa sidaan lagu yiri "Iyada oo laga ambaqaadayo Qodobada Dastuuriga ah ee kor ku xusan, Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuu farayaa dhamaan hay'adaha Dawladda in ay si caadi ah u gutaan Waajibaadkooda shaqo si waafaqsan Dastuurka KMG ah, joogteeyaanna adeegyada loo hayo shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta hantida iyo danaha guud ee Qaranka, iyagoo xusuusan isla markaana dhawraya go'aamadii uu horay usoo saaray ra'isul Wasaaraha."

Hadalka raysal waasaaraha ayaa imaanaya iyadoo xalay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu soo saaray wareegto madaxweyne oo uu ku hakinayay in hay'adaha dowladdu ay galaan heshiis ama is af-garad, kaasi oo uu madaxweynuhu sheegay in uu taabanayo siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.

Haddab tallaabooyinkaan ma khilaaf ayay muujinayaan?

Sida ay qabaan qaar ka mid ah dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya marka la eego qoraalladii ugu dambeyay ee ka soo baxay dhinacyada raysal wasaaraha iyo madaxweynaha waxaa muuqanaya khilaaf soo kala dhex galay madaweyen Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble kaas oo la xiriira kala aragti duwanaan ay dad badan u arkaan in ay salka ku hayso awoodaha dastuuriga ah .

Prof Maxamed Xaaji ingiriis oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ee sida dhow ula socda arrimaha Soomaaliya ayaa qaba in war-Murtiyeedyadii ka soo kala baxay Aqalka Madaxtooyada iyo xafiiska raysal wasaaraha uu muujinayo khilaaf weyn oo ka dhex jira madaxweynaha iyo raysal wasaarihiisa.

Wuxuu sheegay in khilaafkaan uu sabab u yahay Dastuurka ku meel gaarka ah oo mugdi galinaya awoodaha madaxda sare .

"Khilaafkaan waxaa keenya dastuurkii oo u qoran si mugdi ku jiro oo madaxweynihii iyo rasal wasaarihii awoodoodii aan si cad u kala xadeynin oo madaxweynihii muxuu awood leeyahay raysal wasaarihii muxuu awood leeyahay" ayuu yiri Prof Maxamed Xaaji ingiriis.

Sidoo kale Daahir Qoriyow Isaaq oo ka faallooda arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya, ayaa BBC-da u sheegay in hadalkii ka soo baxay xalay madaxweyne Farmaajo iyo kan maata ka soo baxay raysal wasaare Rooble uu muujinayo khilaaf labadooda u dhaxeeye hase yeeshee wuxuu intaa ku daray in haddiiba uu jiro khilaaf heerkaan ah ay tahay in baarlmaanku soo soo fara geliyo.

Wuxuu nasiib darro ku tilmaamay xiliga khilaafkaani uu soo shaac baxayo oo ah wakhti dalku marayo meel xasaasi ah oo doorasho loo jiheysanyahay.

"Haddii raysal wasaaruhu ka soo daba hadlay madaxweynaha waxay tusinaysaa khilaaf dowladda dhexdeeda ah raysal wasaaraha uu fulintii ah iyo madaxweynaha oo ah madaxweynihii Qaranka " ayuu yiri Daahir Qoriyow.

Maxaa keeni kara khilaafkaan?

Falanqeeyaasha ayaa qaarkooda qaba in khilaafkaan waxyaabaha hadda keenay ay ka mid yihiin arrimo siyaasadeed,sababtoo ah war-saxaafadeedkii soo kala baxay Madaxtooyada ayaa muujinayay in madaxweynuhu ku diidanaa in Hay'adaha dowladda Federaalka Soomaaliya sida Xukuumadda iyo laamaha kale ee fulintu ay heshiiyo la galayaan dalalka kale, Hay'adaha iyo shirkadaha caalamiga ah, halka kan ka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha-na uu u muuqday inuu jawaab u ahaa hadalkii madaxweynaha.

Daahir Qoriyow Isaaq oo BBC-du wax ka waydiisay sababaha keeni kara khilaafkaan ayaa sidaan yiri:"Waxaan u malaynayaa in arrimo siyaasadeed ay dabada lagashay sababtoo ah raysal wasaaraha iyo madaxweynaha haddii ay noqto arrimo dibadeed waa in ay ka wadahadlaan oo go'aan la isla qaato"

Wuxuu intaa raaciyay in khilaafkaan laga yaabo inay ku lug leeyihiin sidoo kale mucaaradka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dowladaha shisheeye kuwaas oo ka dhex arka danahooda.

Khilaafkaan saameyn ma ku yeelan karaa hannaanka doorashada ee socda?

Maadaama dalku hadda ku jiro xaalad doorasho isla markaana dadku rajo ka qabaan in wax walba si nabad ah lagu gaaro ayaa dadka qaar waxaa ay qabaan in kala aragti duwanaanta madaxweynaha iyo raysal wasaarihiisa ay yeelan karto saameyn inkasta oo aan la oddarasi karin inta ay la ektahay saameyntaasi,sidoo kalana waxaa jira dad qaba in aaney saameyn sida au sii weyn yeelan karin.

Dadka sida dhow ula socda arrimaha Soomaaliya ayaa sheegaya in kala aragti duwanaanta madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble ay keeni karto in laga mashquulo arrimo doorashada iyo xalinta khilaafaadkii doorashada taas oo iyana xaaladda sii murjin karta.

Xalku muxuu yahay?

Inkasta oo aan si dhab ah loo oggeyn sida xaalku noqon karo haddana qaar ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa qaba in arrintaan la qaboojiyo isla markaana ay kacaan dadka waxgaradka ah iyo culimada maadama dalku wajahyo doorasho shacabkuna ay rajo ka qabaan doorasho si nabad ah ku dhacda.

Prof Maxamed Xaaji ingiriis ayaa BBC-da u sheegay in haddii madaxweynuhu ka falceliyo hadalka raysal wasaaraha ay arrintaasi xaalka dalka sii cakiri karto walaacana galin karto dadka Soomaaliyeed,wuxuuna muujiyay in xiligaan ay haboontahay in xaaladda la dejiyo ."waa in ay kacaan dadka waxgaradka ah iyo Culimo-udiinka umadoo dhana la is biirsado oo xaaladda lagu qaboojiyo halka ay hadda marayso" ayuu yiriProf ingiriis.

Khilaafkana soo shaaca baxay iyo waraaqaha is diidan ee manata iyo xalay ka soo kala baxay Aqalka madaxtooyada iyo xafiiska raysal wasaaraha, ayaa imaanaya iyadoo maanta wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Raychelle Omamo ay booqosho ku tagtay magaalada Muqdisho halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu kamid ahaa wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdirisaaq.Safarkan ayaa lala xiriirinayaa dib u hagaajinta xiriirka diblumaasi iyo midka ganacsi ee ka dhaxeeya labada dal.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa afiikiisa kulan kula qaatay wasiirka arrimaha dibadda Kenya Raychelle Omamo isla markaana waxay ka wadahadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeyo labada dal.Waxaana lagu wadaa ra'iisul Wasaarahu uu booqasho ku tego dalka Kenya kadib markii uu casuumaad ka helay madaxweynaha dalkaas."Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ka guddoomay casuumad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata" ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.