Afghanista: Taliban "oo guul weyn gaartay"

Afghan security personnel fighting against the Taliban in the outskirsts of Kunduz city. 12 July 2021

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka,

Qabsashada magaalada Kunduz waxay dharbaaxo kulul ku tahay ciidamada ammaanka Afghanistan

Kooxda Taliban ayaa qabsaday saddex caasimad goboleed oo Afghanistan ku yaalla xilli ay ku sii siqayaan qabsashada dalkaas.

Waxay la wareegeen gacan ku heynta magaalada waqooyiga dalkaasi ku taalla ee Kunduz iyo sidoo kale Sar-e-Pul iyoTaloqan.

Waxay taasi la micno tahay inay hadda maamulaan shan caasimad goboleed, iyadoo Kunduz ay tahay guusha ugu weyn ee ay sanadkan gaareen.

Magaalada waxay isku xirtaa magaalooyinka kale sida caasimadda Afghanistan ee Kabul.

Rabshadaha Afghanistan ayaa sii kordhay kaddib markii ciidamada Mareykanka iyo kuwa kale ee ajnabiga ah ay bilaabeen inay isaga baxaan dalkaas, kaddib 20 sano oo ay howlgallo militari ka wadeen.

Kooxda Taliban ayaa guulo waaweyn gaaray toddobaadyadii la soo dhaafay. Kaddib markii ay qabsadeen deegaanno badan oo miyiga ku yaalla, waxay haatan ku hanweyn yihiin inay gacanta ku dhigaan magaalooyin waaweyn.

Saddexda magaalo ee waqooyiga ku yaalla ayaa saacado gudahood gacanta u galay Taliban.

Dowladda Afghanistan, ayaa dhanka kalesheegtay in ciidamadeeda ay u dagaallamayeen inay dib u qabsadaan deegaanno muhiim ah.

Dagaal xooggan ayaa sidoo kale laga soo sheegay Herat oo galbeedka ku taalla, iyo magaalooyinka koofurta ku yaalla ee Kandahar iyo Lashkar Gah.

Kumannaan rayid ah ayaa barakacay sanadkan dhexdiisa. Qoysaska oo ay ku jiraan dhallaan iyo carruur yaryar, ayaa hoy ka dhigtay iskuul ku yaalla waqooyi-bari magaalada Asadabad.

"Bambaanoyin badan ayaa lagu riday xaafaddeenna. Taliban ayaa timid wax walbana wya burburiyeen. Wax na caawiya ma helin guryaheennana waan ka soo tagnay. Craruurteenna iyo annaguba dhulka ayaan seexaneynay iyadoo xaalad xun ay jirto", ayuu Gul Naaz u sheegay AFP.

"Rasaas ayaa dhacaysay, mid ka mid ah gabdhaheyga toddobo jirka ah ayaa bannaanka aadday intii uu dagaalku socday wayna maqan tahay. Ma garanayo inay nooshahay iyo inay dhimatay," ayuu qof kale yiri.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka,

Carruur soo qaxday ayaa hoy ka dhiganeysa iskuul ku yaalla Asadabad, gobolka Kunar oo u dhow xadka Pakistan

Mareykanka ayaa xoojiyay duqeymaha cirka ee ka dhanka ah saldhigyada Tlaiban, iyadoo saraakiisha militariga Afghanistan ay sheegeen in xubno ka tirsan kooxda la dilay. Balse Taliban ayaa sheegtay in duqeymaha cirka lala beegsaday labo isbitaal iyo iskuul ku yaalla magaalada Lashkar Gah. Sheegashooyinka labada dhinac midkoodna lama xaqiijin karo.

Safaaradda Mareykanka ee Afghanistan ayaa cambaareysay "dagaalka cusub ee Taliban ay ka wadaan magaalooyinka Afghanistan", iyadoo sheegtay in falalka kooxda aan la aqbali karin.

Isbeddel weyn oo ku yimaada dagaalka-Falanqeyn

Weerarkan lagu qaaday magaalooyinka iyo inay gacanta u galaan Taliban ma ahayn kuwo la saadaalinayay. Balse iyadoo ay soo dhowdahay xilliga kama dmabeysta ah ee loo qbatay ciidamada shisheeye inay isaga baxaan dalkaas, waxaa la filayaa isbeddel weyn oo dagaalkaku yimaada.

Hadda waa waqtigii ay dowladda Afghanistan caddeyn lahayd in ciidamadeeda xoogga badan, aadlka u qalabeysan ee gaaraya 350,000 ay awoodaan inay dib u qabsadaan deegaannadii laga qabsaday.

Way ku adkaan doontaan Taliban inay sii hayaan Kunduz, balse dhowr toddobaad ayay kooxdu gacanta ku sii hayeen xarumaha ganacsiga ee muhiimka u ah ganacsiga Iiraan iyo Pakistan.

Bulshooyinka magaalooyinka ay Taliban qabsadeen ayaa maraya dhibaatada, iyagoo qaraabadooda amaba hantidoda ku waayay. Waxay ka tagayaan guryahooda, iyagoo ka cabsi qaba inay dowladdu soo qaaddo weerar ay dib ugu qabsaneyso magaalooyinka.

Wada hadallada nabadda ee ay dowladda Afghanistan magaalada Dooxa kula leedahay Taliban ayaa u muuqda kuwo aan wax ka soo socon. Haddii ay dib u bilowdaan, hadda wixii ka dambeeya labada dhinac wuuxu midkoodba isku dayi doonaa inay gacanta ku hayaan deegaanno badan si ay u sheegtaan inay u qalmaan awoodda, haddii ay isku raacaan dowlad ku meel gaar ah.

Muhiimadda Kunduz

Qabsashada Kunduz waa mid ka mid ah guulaha ugu waaweyn ee ay Taliban gaareen tan iyo intii ay dagaalka bilaabeen bishii May. Magaaladu, waxay hoy u tahay 270,000 oo qof, waxaana loo arkaa inay xuddun u tahay gobollada waqooyi ee macdanta qaniga ku ah.

Halka ay ku taallana waa meel istaraatiiji ah iyadoo ay ku yaallaan waddooyin waaweyn oo isku xiraya Kunduz iyo magaalooyinka kale, sida Kabul, gobolka ayaana xad la wadaaga Tajikistan.

Xadkan waxaa loo adeegsadaa in maaddada opium ee Afghanistan iyo darogada heroin looga gudbiyo bartama Aasiya, taa soo kaddibna loo gudbiyo Yurub. Gacan ku heynta Kunduz waxay la micno tahay inay tahay mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsam gobolka ee daroogada laga gudbiyo.

Sidoo kale muhiimad gaar ah ayay u leedahay Taliban sababtoo ah waxay u ahayd meel ay ku xoogganaayeen sanadkii 2001. Kooxda ayaa magaalada qabsatay sanakdii 2015 iyo mar kale 2016 balse marnaba ma awoodin inay muddo dheer sii hayaan.